Thursday 3 February 2022

HOOYADII WARBAAHINTA PUNTLAND : AHUN YURUB MINADAAR.

2006-dii Anigoo weriye madax-banaan ah markii aan go’aansaday inaan ku biiro xarun Warbaahin waxaan kasoo billaabay SBC Boosaaso, waa meeshii iigu horeysay Warbaahin aan si rasmi ah ula shaqeeyo, waxaa adkaatay in hore la’iishaqaaleeyo da’dayda oo yareyd awgeed. Dhowr mar ayaan kusoo laabtay oo ka laabtay natiijo la’aan, Balse waxaan ku shaqo galay markii danbe damiin, waxaana i damiintay Adeer Maxamed Xaaji Jaamac Cali Bayr (MJ) oo xiligaasi Madax ka ahaa Hay’addii Dandor.


Inkasta oo Imtixaankii Agaasimihii SBC ee xilligaasi Mowliid Xaaji Cabdi oo uu u xilsaaray Maxamed Axmed Ilkacase oo ka mid ahaa xidigaha SBC aan ku guuleystay, hadana shuruudaha la igu xiray waxaa ka mid ahaa in aan saddex-da bil ee u horeysa aan ku shaqeeyo lacag-la’aan, waan aqbalay oo taasi culays iguma noqon waxaan u arkayey fursad aan kusoo bandhigi karo qofka aan ahay. 


SBC waxaa leh Mudane Cali Cabdi Awaare oo Markaasi ahaa Wasiirkii arrimaha Gudaha iyo horumarinta Reer Miiyiga ee Puntland, waxaa iyana door muhim ah ku laheyd ogaaanshaha xaaladda Idaacada Marwadiisii Alle Ha’unaxariisto Maamo Yurub Jaamac Miradaar oo maanta (3 February 2022) ku geeriyootay Turkiga.


Maalmihii koowaad ee shaqadayda cusub waxaan ku billaabay in aan shaqeeyo wakhti dheeri ah, buuxiyo meelaha bannaan, ka qeyb qaato Barnaamijyada kala duwan heeggana aan ku ahaado mar walbo xarunta, halgankaasi shaqo siweyn ayeey iigu Gacan qabatay AHUN Maamo Yurub Jaamac Miradaar, waxaana ula mid ahaa caruurteeda, Waana Hab-hooyonimo oo ay dhammaan usoo caawisay Shaqaalaha markay cusbaayeen. 


Labo Bilood Markii aan shaqada joogay waxaa la qabtay qiimeyn lagu sameeyay dhammaan Shaqaalaha oo lagu ogaanayay Weriyaha ugu wanaagsan SBC, Go’aankaasi waxaa looga dhawaaqay Shir jimcaha ay isugu iman jireen Maamulka iyo Shaqaalaha SBC, waxaa shirka nagala qeybgalay Mulkiilaha SBC Mudane Cali Cabdi Awaare iyo AHUN Marwadiisa Yurub Miradaar. 


Agaasime Mowliid Xaaji Cabdi ayaa warbixin soo gudbiyay Kadibna wuxuu la wadaagay Shirka, in aan noqday weriyaha ugu wanaagsan qiimeynta la sameeyay. Intaasi kuma harin wuxu ku daray Abaalmarinta Jaamac waxaa ku dhawaaqaysa Marwo Yurub Miradaar.


Waxaan xasuusta subaxdaasi in AHUN Yurub Miradaar intay istaagtay ay tiri, Jaamac Dabaraani waxaa lagu Abaalmarinaya in loo billaabo Mushaharkiisa iyo in uu tababar u aado dalka Jabuuti Kaasi oo dhici doona Bisha Soo socota, dhammaan waxaa halmar sacbiyay maamulkii iyo Shaqaalihii, waxaana Bishii u horeysay la’isiiyay mushaharka oo ahaa hal Milyan oo Shillin Soomaali ah. 


Tobabarkii Jabuuti wuxuu kusoo aaday 2007, Waxaana ka mid ahaa koox weriyayaal Soomaaliyeed ah oo xiligaasi lagu tababaray in ay bartaan sida loo tebiyo wararka Colaadaha (Conflict Reporting), markii uu tababarka dhammaaday waxaan sii joogay Jabuuti anoo kasoo waramay sanad-guuradii 30-aad ee xornimada Jabuuti, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii xiisahalaha Aroos Wadareedkii loo sameeyay 30-ka qoys.


Markaan soo laabtay Shaqadii halkii ayaan kasii waday, waxaana kusii darsaday SBC inaan noqdo Weriyaha Idaacadaha BBC iyo Hornafrik Muqdisho, in aan horumar degdeg ah sameeyo Iyadoo culaysyo shaqo jiraan AHUN Maamo Yurub Miradaar marwalbo waa nagu garab taagneyd.


17 December 2007: Waxay AHUN Yurub Miradaar illa qeybsatay Mid ka mid ah culeysyadii iigu horeeyay ee iigu yimaada, waxaan BBC kasii daayay warbixin xasaasiyad abuurtay oo la xiriirta Kalfadhigii 19-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo looga hadlay xaaladda Laascaanood iyo 30 Cisho oo Baarlamaanku u qabtay AHUN Madaxweyne Cadde Muuse inuu kusoo celiyo Laascaanood oo dhammaatay


AHUN Maamo Yurub, waxay aragtay anigoo taleefan igusoo dhacay oo qeybta Idaacada kala soo baxay oo meel dhexe taagan, oo la hadlaya Madaxweynihii xilligaasi AHUN Cadde Muuse, markay aragtay inaan arrin iska barriyeelayo oo Madaxweynaha ka qancinayo, ayeey Ii timid oo i weydiisay waxaan la wadaagay xaaladda jirta markiiba door muhim ah ayeey ka qaadatay. Wasiir Cali Cabdi Awaare ayeey arrintu gaartay wuxuuna la hadlay Madaxweynihii culayskaasina halkaasi ayuu ku dhammaaday. 


26 December 2007, Aniga iyo Agaasime Mowliid Xaaji Cabdi waxaan kusoo daahnay xaruntii laga afduubtay labo Shaqaale ah oo ka tirsan MSF, waxaa la gaaray wakhtigii Warka AHUN Marwo Yurub waxay nala soo hadashay dhowr jeer iyadoo degdeg u xalisay Matoorka Idaacada in la daaro madaama Korontadu ay maalintaasi maqneyd, waxay noqotay inaan dhakhso usoo baxno, gaariga ayaa agaasimahu xoog u kexeeyay Boosaaso oo duhurkii mashquulka caan ku ah si aan warka uga gaarno. 


Waxaan tagnay xaruntii Idaacada iyadoo labo daqiiqo ka hartay 01:30 xilligii warka duhurnimo oo lawada sugayo, shaqaalihii kalena ay shaqooyin iyo safaro ku maqanyihiin. AHUN Maamo Yurub waa na dul taagantahay waxay ka welwelaysay in warka baaqdo ama aan weyno waxa sheegno waayo labadayadaba haddaan soo galnay.


Si xaalad degdeg ah oo aysan cid walbo sameyn karin ayaan warka ku galnay, waxaan adeegsanay codadkaan wadanay ee la xiriiray Afduubka, Kadibna waxaan isha sii marinay waxii kale aan heli karno, waxaan xasuusta in warar ku qoran English aan ka akhrineynay Internet -ka anagoo ku hadlayna Soomaali, Balse ishu-akhrinayso English. 


SBC waxaa kasoo shaqeeyay dhallinyaro badan oo wiilal iyo gabdho leh, dhammaantood waxay AHUN Maamo Yurub u ahayd hooyo caawisa xiliga Addag iyo kan wanaagsan, dhammaan inta hadda ka shaqeysa iyo kuwa ka aflaxay ee xarumaha kale u shaqeeya iyo kuwa sidayda siyaasada iyo mihnadaha kale galay, waxay u hayeen Maamo Yurub Ixtiraam weyn.


Ugu danbeyn waxaan tacsi u dirayaa Adeer Wasiir Cali Cabdi Awaare, Eheladii iyo Qoyskii Marxuumada Yurub Miradaar, Maamulka, Shaqaalaha iyo dhammaan dadkii aan kasoo wada shaqeynay SBC . Dhammaanteen Samir iyo Iimaan, Marxuumada alle ha janeeyo Aaamiin.

3 comments:

  1. Alle ha u naxriisto jaanadana ha ka waraabiyo samir iyo iimaan alle ha inka siiyo dhamaan ehelka iyo qaraabadii ay ka baxadayba, yurub qoys keliya kama ay bixin soomaali oo dhan waa nal ka damay .

    ReplyDelete
  2. Alle ha unaxriisto maamada Samir iyo iimaan Alle hakasiiyo.

    ReplyDelete
  3. Allaha unaxariisto Mama Yurub Samir iyo Iimaan dhamaan Reer Ali Abdi Awaare

    ReplyDelete