Friday 4 February 2022

Maalintaan Cagacadaa!

Anigoo ilmo yar ah oo iskuul bilow ah dhigta, ayaa kabihii iga lumeen maxasuusto iyo in la iga xaday, Laakiin waan qariyey ma u sheegin hooyo iyo dadka xaafada in kabihii lumeen, subaxdii ayaa la bilaabay in Iskuulka la’aado.

Intaan lebistay ayaan caruurtii ugu horbaxay, waxaan tegay iskuulkii aniga oo Cago-cad (kabo-wadan), ardeyda oo saf ku jirta ayaan galay safkii ugu ciriiri badnaa si aan ugu dhex qariyo kaba-la’aantayda, inta la taaganyahay labada lugood oo boodh ah ayan marba mid tankale dul saarayey.

Markii la galay class-ka waxaan fariistay meeldanbe aniga iyo wiil kale, markaan yaraa waxaan jeclaan jiray inaan mar walbo su’aal weydiiyo macallim-ka ama wixii aan fahmi waayo weydiiyo iyadoo ardeyda dhan maqleyso, laakiin subaxdaasi waxba ma weydiin sababtoo ah marabin in la’istaajiyo oo kadibna la ogaado inan kaba-la’aan imid.

Casharkii oo dhamaad ah ayaa macallim-kii yiri adiga maanta maxa ku aamusiyey Jaamac, oo intuu sabuurada fiiriyey wuxu farta ku fiiqay xisaab meesha ku qorneyd oo yiri sheeg maxay noqonaysa jawaabta xisaabtaasi? Sidii in la iwada arkey ayaa hadal igasoo bixi waayey, Balse aamuskayga ayaa sababay in uu macallimka dhaho istaag halkan imow.

Talo ayaa markaasi igu cadaadatay, waxaan u istaagay si caajis ku jiro iyadoo ardeyda dhan isoo fiirinayso, ardeygii igu xigay ayaan lugta lugta ugu dhuftay oo si hoose ugu iri “Saaxiib Kabaha iidhiib, waa kusoo celinayaaye” waxaan rabay inaan sabuurada ku tago oo xisaabta kasoo shaqeeyo kadibna kabihiisa usoo celiyo, laakiin wuu igu adkeeyay oo ima siin sababta ma xasuusto? Macallimkii ayaa dhowr jeer kor u hadlay, illaa markii danbe uu arkay inaan kabo wadan.

Anigu waan cabsanayey, Balse macalimka marku lugahayga arkay wuxuu bilaabay in uu dhaho ha la istaago oo halmar Jaamac haloo sacabtumo, ardeydii wiilal iyo gabdho waa istaageen xoog ayeey u sacbiyeen, iyaga oo weydiin sababta? Macalimka ayaa kadib yiri fariista, waana lawada fariista , xitaa anigu waan iska fariistay.

Wuxuu ardeydii macallim-ku ku yiri Jaamac kaba- la’aan ayuu iskuulka yimi sababto ah casharka si uusan u dhaafin, ardeyda qaarna waxay doonayaan in ay sameeyaan sababo badan oo ay ku maqnaan karaan! Aniga halmar lugahaygii lasoo fiiriyey gabdhihii yaryara inay  igu qosleen markasi ma jeclaysan. 

Xaafadda markan tegay ayaan maamo uga sheekeeyey xaafadii  oo dhan wa la qoslay, waxaa Hooyo isoo gaday kabo cusub, subaxdii danbe waxaan imid iskuulkii iyado markii aan meel fog kasoo muuqday dadka dhan lugahayga fiirinayeen mise kabo cusub wataa.

Labo bil kahor ayaan labadayda Hooyo iyo walaalo Boosaaso ku kulanay markii qof walba ka sheekeeyay waxyaabaha uu xasuusto caruurnimadiisii, khaladaadka waalidka laga qariyo iyo sheekooyinka qosolka leh ee lala kulmo, ayaan anigu dhacdadan xasuusiyey, qosol walaalo, caruurta adeerka u ahay iyo xitaa anigii baa qoslay marka xasuusto.


Adigu maxaad ka xasuusata Iskuulkaagii, khaldaadka ka dhaca iyo caruurnimadii?

No comments:

Post a Comment