Friday 4 August 2017

Puntland iyo 19 sano.

Puntland ayaa 19jirsatay, waxaana ay 1-da August  ku beegantahay sanadguuradii 19-aad ee kasoo wareegatay markii la dhisay Puntland 1998-dii.
Maamulkan oo ahaa kii labaad ee Soomaaliya looga dhawaaqo Somaliland kadib, waxaa uu ku bilowmay shirar dhexmaray beelaha Puntland oo markii danbe isku raacay inay ergooyin isu yimaadaan kadibna maamul la dhiso.
Waxaa xiligaasi loo doortay Madaxweyne Alla Ha'unaxariistee Cabdulaahi Yuusuf oo soo dhisay dowladd ka kooban 9wasiir, 2001-dii markii ay dhamaatay saddexdii sano ee ugu horeysay oo la gaaray wakhtigii cahdigu ku ekaa 31-June, waxaa bilowmay khilaaf dastuuri ah oo sababay in markii danbe Puntland gasho dagaal dhexmaray Gen Cadde iyo Cabdulaahi Yuusuf.
Bilo kadib waxaa heshiiyey Gen Cadde iyo Cabdulaahi Yusuuf , Yuusuf ayaa 10 October 2004-tii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana intuu ololaha ku jiray sii haye xilka Madaxweynaha ahaa Madaxweyne ku xigeenkiisii Maxamed Cabdi xaashi.
11-October 2004-tii illaa 01 January 2005-tii Waxaa Madaxweyne ka noqday Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo dhameystiray muddadii ka harsaneyd xilka Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf oo noqday Madaxweynaha Soomaaliya. Xiligaasi waxaa Madaxweyne ku xigeen ka noqday Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.
2005-tii Doorasho dhacday oo ay ku tartameen siyaasiyiin dhowr ah oo uu ku jiray siihayaha xilka Madaxweynaha Maxamed Cabdi Xaashi, waxaa ku guulaystay Madaxweynaha Puntland in uu noqdo Alla Ha'unaxariiste Gen.Maxamuud Muuse Xirsi Cadde.
2009-dii markii uu dhamaaday xilkii Madaxweyne Cadde, waxaa doorashadii xigtay Madaxweyne ku noqday Cabdiraxmaan Faroole oo wasiir kasoo noqday dowladihii Cabdulaahi iyo Cadde.
2014-kii Doorashadii Puntland waxaa ay ahayd mid ay ku tartameen dhowr iyo toban siyaaasi oo uu ku jiray Madaxweynihii xilka hayey Faroole, Doorashadaasi waxaa ku guulaystay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Wasiir qorsheyn iyo Ra'isalwasaare kasoo noqday Soomaaliya.
*Caqabadaha iyo Fursadaha hogaanka:-
*Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf : Wuxuu sameeyay haykalka Puntland u dhisantahay intiisa badan weliba arrimaha ciidamada, wuxuu caqabad la kulmay dagaalkii Puntland gudaheeda ka dhacay, waxaana uu guul gaaray inuu Calankii Soomaaliya ku celiyay Villa Soomaaliya.
*Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi: Wuxuu diyaariyey Aasaaska kadib , doorashadii kowaad ee Puntland ka dhacda oo nabad ku dhamaata , Caqabadaha uu la kulmay waxaa ugu weyneyd mid dhaqaale madaama uu bari taaray Madaxweyne Yusuf oo madaxtinimada Soomaaliya u socday.
*Madaxweyne Cadde Muuse: Wuxuu sameeyay Maxjaro iyo Macdan baaris iyo weliba asaaska iyo fekradda garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Wuxuu caqabado la kulmay, dagaalkii Maxkamadaha oo uu uga qayb qaatay dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaan, dagaalkii Majiyahan iyo qabsashadii Laascaanood.
*Madaxweyne Cabduraxmaan Faroole: Wuxuu guul ka gaaray burcad badeeda , wuxuu hirgeliyay nidaam ku ad adag federaalka sida heshiisyadii Garoowe iyo Gaalkacayo.
Wuxuu saxiixay heshiisyo ay ka midyihiin Airport-ka Garoowe ,Jaamacada Badhan ,dhismaha ciidamada badda ee Puntland iyo hirgelinta Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
Wuxuu caqabado la kulmay, dagaalkii Galgala iyo in uu ku guuldareystay hirgelinta nidaamka Asxaabta badan oo uu isugu isku dayey.
*Madaxweyne Cabdiweli Gaas: Wuxuu hirgeliyay doorashadii Aqalka Hoose , wuxuu hirgelinteeda bilaabay wado laami ah oo isku xirta Ceel-daahir iyo Ceergaabo, wuxuuna hirgeliyay garoonka diyaaradaha Boosaaso oo uu ka dhabeeyay.
Mashaariicda uu Gaas keenay waxaa ka mid ah kan dekadda Boosaaso, Qorshaha Wadada laamiga ah ee Eyl iyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo.
Wuxuu caqabad la kulmay Duulaan noocyo badan oo Alshabaab kusoo qaaday Puntland, Gadood ciidan oo salka ku haya cabashooyin mushahar iyo Xukuumadiisii oo noqotay tii ugu horeysay Puntland ee halmar uu baarlamaanku rido.