Friday 20 October 2017

Tallo: Qaraxii Zoobe iyo Cududa Shacabka

                                                                   
Shacab iyo Ciidan wada Shaqeynaya
Qaraxii ugu weyna uguna khasaare badnaa ee ka dhacay Soomaaliya ayuu ahaa qaraxii Isgoys-ka Zoobe, wuxuu galaaftay nolosha ku dhowaad 300 oo qof, wuxuu dhaawacay tiro intaasi la mid ah, wuxuu dumiyey dhismayaal, burbur waddo iyo mid maaliyadeed ayuu sabab u noqday.

Nolosha Bulshada Soomaaliyeed wuxuu ku noqday mid aad u taabtay, tacsida iyo tiiraanyadu waxay noqotay mid lawadaagay, ilmada indhaha ka qubanaysa waxay ahayd waxa keliya ee laga-sina gobol kasta iyo degmo kasta, hadii celcelis ahaan si qiyaas ah loo cabiro 3-dii qof dadka Soomaaliyeed qof ayaa ehelkiis, ama saaxiib shaqo, ama qof uu yaqaano qaraxaasi ku dhintay. 

Shacabka Soomaaliyeed falcelinta qaraxan waa ku midoobeen sida wax walbo loo qeybsaday ayaa xitaa Gurmadka Qaran iyo garab istaaga dhibanayaasha loogu midoobey, waxaa meeshaasi ka soo baxday in dhinaca kale marka laga soo fiiriyo qaraxu uu maanta mideeyay Shacabka Soomaaliyeed.

Tallo:-

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay haysataa fursad dahabi ah, waxay haysataa shacab uu mideeyay xanuunka qaraxaasi iyo kuwii la midka ahaa, waa Shacab aan rabin maalin walbo inay qarax ku waayaan dadkooda, Midnimada Shacabka iyo dareenkoodu inuu heerkan gaaro mahan fursad marwalbo la heli karo.

Madaxweyne Farmaajo waxaan kula talinayaa inuu ka faa'ideysto fursadan isku duubnida shacabka, waxaana looga faa'ideysan karaa in lala yimaado siyaasad lagu hago cududa shacabka ee mideysan iyo in loo dejiyo qorshayaal kala horeeya oo dhamaan ay ka dhex muuqdaan guulaha isbedel uu shacabku isagu dareemayo mahan dolwadda! 

Waxaan soo jeedinaya in habka amniga looga shaqeeyo hada wax badan laga bedelo, sida in la sameeyo Guddiyo heer qaran ah oo ilaaliya cududa shacabka iskuna xira Ciidanka iyo dadweynaha, waxaa ka farcami kara guddi hoosaad ka shaqeeya in shacabka qeybtood ay toos ciidanka ula shaqeeyaan iyagoo helaya damaanad xogtooda lagu illaalinayo.

Guddigu magaalo kasta dad ayaa u joogaya waxana ay la shaqeyn karaan ciidamada Federaalka iyo kuwo maamullada, xubnaha Degmooyinka iyo Gobollada jooga shacab ayaa magaalo kasta ciidanka la shaqeynlahaa, waxaan ku tallinlahaa in lasameeyo abaalmarino lasiiyo dadka amniga caawiya kadib waxay magaalo kasta iyo shacabkoodu ku tartami lahaayeen waxa ay qabteen, heerka ay amniga gaarsiiyeen iyo sida ay khataraha uga hortageen, sida ay hada ugu tartamayaan lacagaha Gurmadka Qaran.

Waxaan soo jeedinaya Xarumaha Isgaarsiitna nooc walba iyo Gobolkasta in Dowladda dib ula shirto Hadii uu Madaxweynuhu la kulmo mulkiilayaasha waa kasii fiicantahay, si loo hirgeliyo in la dhegaysto dhaqdhaqaaqyada iyo taleefanada, Qorshaha labaadna waa marka dowladdu la wareegto gobollada hada gacanteeda ka maqan- Shirkadaha in lagusoo rogo in aysan kaadh-taleefan siin qof aan damiin iyo xog sawir laga heyn.

Xarumaha lacagaha lagu keydiyo iyo kuwa xawila iyo adeegyada lacagta danabeysan ee taleefanka la isugu diro waxaan soo jeedinlaha Guddiga heer qaran ee aan hore usoo sheegay in xubno u gaar ah Maaliyadda loogu daro oo ay la shaqeeyaan Wasaarada Maaliyada iyo laamaha amniga, si loola socdo lacagaha taleefanada lagu dirayo iyo kuwa la isugu xawilayo shirkadaha.

Qorshayaashan iyo wixii lagu dari karo oo aad loo turxaan-bixiyey ha la isla dejiyo, iyadoo shacabka doorkooda qadanayaan hana noqoto mid la joogteeyo, yeysan noqon markii wax dhacaan in wax laga jawaabo.

Fursada shacabka waxay ku xirantahay hadba inta ay kasoo wareegto xiligii nabarku gaaray, gees lo'aadna sidiisaba kulaylka ayaa lagu gooyaa, inta ay cusubtay ha laga faa'dieysto shacabka midnimadiisa hadii kale waxaa suuragal ah in xowliga uu ku socdo dareenkoodu uu qaboobo, kadibna ay illoowaan , hadhowtona sheeko uun lagu sheego qaraxii Zoobe, sida hore u dhacday qaraxyadii ka horeeyay.

Alla ha unaxariisto dadkii dhintay, intii dhaawacantayna Alla ha caafiyo .