Friday 19 May 2017

Xilwareejintii Xasan iyo Farmaajo (Waxaan qoray waxaan u soo joogay)

Xasan oo calanka u dhiibaya Farmaajo
Waxay ahayd 16kii Febraayo 2017, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud.
Waxaa xilwerejinta lagu bilaabay kulan dhexmaray labada masuul ee isbedelaya, waxay isku wareejiyeen xogo iyo ducoments la xiriira heshiisyada , mashaariicda socda, balamaha iyo xogo shaqo.
Farmaajo iyo Xasan kadib waxay wada booqdeen hantida qaran ee lagusoo helay magaca Madaxweynaha Soomaaliya oo isugu jirta Dahab, dheeman , luul iyo waxyaabo kale oo qaali ah , Madaxweynihi hore Xasan shiikh ayaa alaabtan oo ay ku jirto seefta dahabka ee caanka noqotay ku wareejiyay Madaxweynaha Cusub Farmaajo.
Kadib waxay wadajir ula hadleen Weriyayaasha , Xasan shiikh oo ay u ahayd maalintii ugu danbeeyay xafiiska uu joogay 4sano, waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu xilka ku wareejiyo Madaxweynaha cusub Farmaajo.
Dhiniciisa Madaxweynaha Cusub Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo isna hadlay markiisa waxaa aad u amaanay sida wanaagsan ee uu maanta xilka ula wareegay, isagoo u mahadceliyay madaxweynihii ka horeeyay.
Labada masuul ayaa soo wada socday iyagoo ku dul lugeynaya roog gaduudan ayeey yimaadeen barxada madaxtooyada halkaasi oo ay ciidamada Bambay-da Salaan ciidan ku sagootiyeen Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud kuna soo dhoweeyeen madaxweynaha cusub.
Astaankii qaranka markii la tumay, waxaa loo keenay Xasan Shiikh Calankeena oo uu ku wareejiyay Madaxweynaha Cusub , aad bay u qurux badneyd markii labadooda oo wada haya ay halmar kor utaageen.
Iyagoo dhoolaca cadeynayaa , mar is gacan qaadaya , marna aad isugu soo dhowaanaya iyagoo kaftamaya, ayeey labadooduba salaan gacan taag ah wada salaameen dhaamaan dadkii oo iyaguna sacab ku biiriyay xaflada.
Waxay uwada tageen oo gacan qaadeen Madaxdii kale ee dowladda ee kulanka joogay, Gudoonka labada Aqal, xubno ka tirsan labada gole , saraakiil ciidan iyo mid madaxtooyo.
Intaasi kadib Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud ayaa madaxtooyada ka raacay , gaari cad oo ah nooca la yiri xabadu kama dusto, waxaana ilaa gaariga sii dhoweeyay madaxweynaha cusub Farmaajo.
Waaan kaga mahadcelinaya in aad akhriday qoraalkayga

Aniga iyo Gabadhii yarayd. (waxaan qoray 5-June 2016).

Xili subax hore ah ayaan soo istaagay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal Airport, Hargeysa habeen ayaan markaasi u hoyday anoo ka imi Garowe, Waxaana u duulayey Jabuuti weliba anoo u dag dagsan doorashada oo aan dhowr maalin ka dib dhacay xiligii shaqada.
Dhowr meelood oo la isku baaro oo kala dan danbeeya ayaan ka gudbay ilaa ugu danbeyn aan tegay qaybta sugista diyaarada, markaan ka war helay in aysan weli iman diyaaradii aan raaci laha ayaan dalbaday koob Shaah ah waxaana kusoo laabtay meeshii aan fadhiyey.
Waxaan bilaabay in aan qalin iyo buugyar lasoo baxo , si aan u hubiyo taleefanada dadka Jabuuti iiga horeeya , Dadka ay tahay in aan la kulmo, Balamaha iyo qorshayaasha shaqo ee aan doortay iyo sidaan u wajahayo. Anigoo isku mashquulsan ayaan maqlayaa hooyo iyo ilmaheeda wada hadlaya. Waxay fadhiyaan dhinaca aan kursiga ka fadhiyo mahane dhinaciisa kale.
Waa hooyo hal ilmo dhabta kusidata, Hal ilmo oo kalena uu soconayo oo hadlayo, gabdho kale oo ay isku safaryihiin ayaa iyana la socda. Ilmaha ay la hadlayso waa gabadhyar oo ay aad u kool koolinayso, waxay dhowr jeer u kacday cabitaan qanciya in ay usoo iibiso hadana markay so gado ayeey yarta yari dhahda kan marabo.
Gabadhii yarayd ayaa usoo dhaqaaqday dhinacayga , waxayna damacday in ay qaadato koob-ka shaaha ah ee aan dalbaday oo markaasi la keenay, waan dareensana kulka koobka in uu gacanteeda xanuujin karo , sidaasi darteed waxay noqotay in aan la hadlo waxaan ku iri “Maya yariisey kan waa kulayl, waxaa loogu talagalay Dadka waa weyn” waxaana ka qabtay gacanta ay lasoo tiigsatay.
Gabadhii yaraydi: Anigu kanaan rabaa.
Aniga : kan mid la mid ah oo adiga laguugu talagalay ayaan ku siina , haye dheh.
Gabadhii yarayd: Haye, balan ma tahay.
Aniga : Waa balan.
Waxaan u sheegay Hooyadeed in aysan Shaaha deynayn hadii aan loo keenin wax Shaah u eg , laakiin ay iyada cabi karto , Hooyadeed waxay tiri maxaan siiyaa wax kasta waa igu diiday wa mid dhib badan yarta yar eh. Waxaan ku iri aniga ayaa wax usoo gadaya , kadibna waxaan geeyey super-market meesha kuyaal, iibiyihii xarunta ayaan ku iri saaxiib waxaad isiisa hal cabitaan oo ah Caano-iyo Chocolate la isku daray. Markii uu isiiyey ayaan ugu shubay caag sida bakeeriga u samaysan oo Hal-mar isticmaal ah (One time use) oo ay ka dhex arki karto, kadib iyadoo ku qanacsan oo u haysata in aan isku wax cabeyno ayeey meel la fariisatay.
Way igu soo laabatay hadana yartii yarayd , Waxaan ku iri Shaahaygii waan dhameystay adiga kaaga ma dhameysatay wax ma iga siinaysa ? Waxay tiri waan dhameystay Laakiin Hooyo buskutkii ayeey ii diiday. Hooyadeed baa itiri bacdasi buskutka ah sidan marba mid u keenayey waa diiday, Markaan arkay sida Hooyadaasi ay uga mooral-xuntahay in ilmaha yar diiday inuu wax cuno ayaan waxaan ku iri aniga ayaa usoo gadaya. Waan kaxeeyey waxaan geeyey isla dukaankii waxaan iri Buskutyada dhan tus kay taabato baan u gadaya , waxay qabsatay Buskut-ka somalida u taqaan Faarad.
Markaan kusoo celiyey yartii hooyadeed ayaan waxaan u imi iyada iyo gabdhihii kale oo qos qoslaya , waxay idhaheen maanta dhan waan kusoo saari weynay Ilaa Deperani Show baa ahayd! waxaan ku iri Jama baan ahay Deperani Show waa barnaamij magaciis , markaasi bay ii sheegeen in qoyska uu yahay reer USA ayna ku xiranyihiin shaqadayda.
Wax yar kadib Aniga oo Taleefan ku hadlaya , ayeey yartii hadana igu soo laabatay waxay fariisatay dhinacayga , marba shay ayeey alaabta ku ciyaaraysa anigana waan ka celinaya , markii aan Taleefanka dhameystay ayaan ku iri magacaa , markaasi bay itiri “Basra” waxaan iri wa magac fiican , laakiin aniga ma itaqaan, waxay iigu jawaabti Abti.
Diyaarada ayaan gudaha u galnay, hadana gabadhii yarayd weli meesha ayeey dhex ciyaar ciyaaraysa hooyadeedna marba sasabid baryo, amaan , ayeey isku xejinaysa si ay u maqasho oo kursiga diyaarada u fariisato , Markaasi baan kor ula hadlay oo ku iri yareey hooyada maqal oo fariiso. Waxay itiri adi hooyada kulama socoto? Markaasi baan ku iri Hooyaday ayaan hada u socda ii imow bay itiri iyadaan maqlay oo u socda , adigana hooyada maqal oo fariiso, markaasi bay cabaar fadhiday.
Waxyar kadib ayeey bood booday hadana , Hooyadeed way sasabo-xoogleynaysa kadib waxaan ku iri basra-yar hadii aad boodo wa dhacaysa, markasi bay tiri kadibna ? waxaan iri diyaarada ka dhacaysa , way ku celisay kadibna? markaasi baan iri hada diyaarada ka dhacdo wa dhimane! Markasi bay intay kursigayga iigu timi igu tiri marka dhinto see noqonaya ? Waan fekeray xooga! Gacantayda ayaan indhaha ka saaray oo iri maxa aragta , markasi ayeey tiri madow , markaasi baan iri saas ba noqon hada dhimato. Kadib way aamustay in ay ciyaarto waxay ka dooratay in ay mobilekayga iyo shandayda ku ciyaarto.
Diyaarada ayaa cagaha dhulka dhigtay, waxaan ka degnay Garoonka diyaaradaha ee Jabouti, markii nalagu wargeliyey in aan is diyaarino intayada jabuuti ku haraysa , ayeey yartii ku dhegtay taleefankaygii , waxay noqotay in aan iraahdo taleefanka safarka danbe ayaan kusiina laakiin hada qalinka iyo buugan yar qaado labadii ayeey iga qaadatay, hooyadeed ayaa itiri Aabaheed ayaan u sheegaya in ay Deperani Show kala soo hartay buuga iyo qalinkaas.
Gabadhaa yar iyo Hooyadeed aniga waxay isoo xasuusiyeen caruurnimadaydii Hooyaday oo isiisay Hilib kasoo haray neef reerku qashay , kadibna aan diiday oo dalbaday orgi yar in la ii qalo, markii ay keligay ii qashay orgigii ayaan hadana diiday.
Hooyo waa hooyo.
Waan kaaga mahadcelinaya in aad akhriday qoraalkayga.

Xaqna la iguma xirin, xaqna la iguma siideyn. waxaan qoray 29 November 2015

Waxaan ku faraxsanahay inaan markale halkan kuwada xiriirno , kadib 11-maalmood oo aan xirnaa (18-November illaa 29 November 2015). Waxaan ka mahadcelinaya daddaalkii Habeen iyo maalinba socday ee ay Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Puntland u sameeyeen siideyntayda.

Ururka Saxafiyiinta Soomaliyeed ee NUSOJ , Ururka saxafiyinta Somaliland ee SolJa , Ururada kale ee weriyayaasha qurbo joogta ah iyo dhamaan weriyayaasha afsomaliga ku hadla ayaan iyagana uga mahadcelinayaa sida ay uga damqadeen xarigayga.
Beesha Caalamka gaar ahaan Xafiiska Qaramada Midoobey iyo Saaxiibkay Nicholas Key waxaan uga mahadcelinaya , go’aankiisa la xiriiray xarigayga . Dowlada Federaalka Soomaaliya si gaar ah wasaarada warfaafinta , Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlimaanka Puntland ee iyaguna arintayda ka hadlay iyagana waxaan lee’ahay wa mahadsantihiin.
Xarigayga waxaa loo maray wado aan sharci aheyn , waxaana la isoo daayey iyadoo aan la igeyn maxkamad oo aan lasoo bandhigin wax eed ah oo la ii haysto , midaasina sharci mahan! Waxaan dalbaday in maxkamad la igeeyo si dadka bal loogu cadeeyo waxa la igu xiray , Laakiin arintaasi markii Ururka Saxafiyiinta Puntland codsaday lama sameyn! Sababtuna wa in la waayey wax la igu eedeeyo, taas ayaa keentay in hadana la isoo daayo maxkamad la’aan!.
Mar hadii la ixiray , oo Maxkamad xitaa la I geyn waayey , oo eed la ii waayey , waxaan rajeynaya in hada kadib aan ka baaqsan doono handadaadii sida tooska iyo sida dadbanba isoo gaari jirtay.
Waxaan rabaa inaan halkan ku sheego in xariga la I xiray uusan waxba saameyn ku yeelan doonin shaqadii aan hayey , Oo la micno ah inaan noqon doonin mid aarguta ama mid u shaqo gaabiyey cabsi darteed! Sababto ah shaqada aan heyno ayaa na bartay in hadaan nahay weriyayaasha soomaaliyeed aan qabatino Eed , Xarig , Hanadaad iyo dil.
Waan ogahay in shaqada aan hayo aysan dadka oo dhan igu wada jeclaneyn , hadana sidoo kale aysan igu wada naceyn, waayo shaqo aad qabatay ayaa dhinacna raaligelinaysa dhinaca kalena uu aad u dhibsan karaa. Sababtu waa inaan sheegno waxa dhacaya , waxa dhacayana mar walbo ma noqon karaan wax qof ama dhinac gaar ah qancinaya.
Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan waan uga mahadcelinaya sida ay xarigayga uga damqadeen , si gaar ah waxaan ugu mahadcelinaya saaxiibadayda (facebook) ee ka badan dhowr-iyo tobanka kun. Weliba kuwooda sida hufan u hadlay ee iyagoon cidna ku xadgudbin dareenkooda muujiyey.
Ilaah baa mahad leh.
Jama Deperani

Cadde wuxuu ahaa cadde

Alla Ha'unaxariisto Cadde Muuse Xirsi
Anigu waxaan maqlay aniga oo yar , waxaan arkay anigoo ardey ah waxaana bartay aniga oo ah weriye socod barad ah, isagoo ah Madaxweynaha Puntland ayaan dhowr jeer wareystay anigoo idaacad ka shaqeeya, maalintii danbe ayaan ugu tegay madaxtooyada Boosaaso markaan is baranay oo uu muuqayga arkay ayuu igu yiri ma’adigaa ninka i wareystay markaasi baan ku iri haa madaxweyne wuxu igula kaftamay waxatahay “weriye yar oo weyn” isaga oo ula jeeda muuqayga iyo codkayga.

Waan qoslay, waan kaftanay waxaana uu u sheekanaya si furan oo aysan waxba ka muuqan islaweyni iyo hab maamuusid. Dhowr bil kadib ayaa Maxkamadihii islaamiga waxay qabsadeen Kismaayo iyagoo leh barakada ayaa noo yeertay, maalmo kadibna waxay soo aadeen Puntland, Aniga oo Boosaaso jooga ayaan Cade Muuse taleefan kula hadlay isaga oo Galkacayo Jooga markaasi baan ku iri Madaxweyne waa Jaamac Dabaraani wuxu iigu jawaabay haa waan ku arkaa!

Waan ku arkaa! Qof walbo waxa uu u maleyn karaa wa ku garanaya , Laakiin anigu waan fahansana in Cade warkiisa cadyahay oo uu ula jeedo waan ku fahmaya waxa aad doonayso, oo la micno ah waxaad rabta inaad iga wareysato maxkamadaha soo socda.

Noloshiisa waxaa uu ahaa shakhsi jecel in uu yiraahdo wixii run ah oo markaasi uusan qof walbo aqbali karin, ama ay adagtahay in qof walbo uu yiraahdo, dhowr jeer ayaan joogay isaga siyaasiyiin u jawaabaya, sida isaga iyo AHUN Cabdulaahi Yuusuf oo gole ka fuul hadal isku tuuraya mar walbo AHUN.Cade waxaa uu ku jawaabayay waxa runta ah oo markaasi dadka ka qoslinayey.

Dowladdi uu Cabdulaahi Yusuf Madaxweynaha ka ahaa in ay muqdisho timaado oo Calan Soomaaliyeed lagu celiyo Villa Soomaaliya cade muuse waxaa uu ka qaatay door muhim ah , waxaa uu ku bixiyay lacagtii dekedda Boosaaso , anigoo taasi og ayaan maalin weydiiyay isaga waxa ka jira lacagta uu Muqdisho u diro anigoo jawaab u raadinayay dad ka cabanayey sicir barar , markaasi ayuu si cad u yiri Soomaaliya maanta anagay noo baahantahay waa in aan anaga dhisna lacag wixii la helona oo loo diri karo waa in loo diro si Soomaaliya dib loogu dhiso.

Dowladiisu xiligay ka talinaysay Puntland labo jeer ayaa marna la amray in la ixiro marna ay ciidamo Su’aalo iweydiiyeen, cabdulaahi said samatar oo wasiir amni ah ayaan isfahmi weynay kadib markii dowladdu ka xanaaqday wareysi aan qaaday, Laakiin cade muse markii aan la hadlay wuxu si cad u sheegay sababta ay wareysigaasi u diidanyihiin.
Xiligii la isu diyaarinayay doorashadii Puntland 2014kii, markii hogaanka dhaqanka ee Puntland dhowr kala noqday oo meelaha qaar la siyaasadeeyay, oo dhowr gole loo kala fadhiistay, Cade muuse oo ka hadlaya dhaarintii Baarlamaankii 2014 waxaa uu ka jawaabay sababta siyaasiyiintu ugu tegi wayeen kulamada odayaasha dhaqanka wuxu yiri “Waxaa tiraahdeen odayaasha looma tago, Afar gole baa furteen ee golehe tagnaa?” hadalkasi qofna kuma dhicin , laakiin cade ayaa siyaasiyiinta uyiri .
Waxyar kahor intaanay bilaaban doorashadii 2014 Cade muuse oo siigelaya hoolka Baarlamaanka ayaan dareenkiisa weydiiyay , waxaa uu ii sheegay 2009kii in uu xilka wareejiyay maantana uu diyaar uyahay in uu daawado sida la isugu sii wareejinayo xilka madaxweynaha Puntland.

Hadii aad dib u fiiriso markii la kala guulaystay ee uu soo baxay madaxweyne Gaas , Khudbadii Cade Muuse waxaa uu amaanay Puntland oo uu sheegay in lalaha wey burburaysa laakiin uu mar walbo aaminsana in ay marxaladaasi dhaafayso, hadalkiisa ugu danbeeyayna Cabdiweli gaas ayuu ku yiri “Cabdiweliyow wax badan ayaa sheegtay waa qabanaya ee waa lagaaga fadhiya”.

Intaan hortaagna isagoo hadlaya waxa ugu badan ee uu ka hadli jiray waxay ahayd midnimada Puntland, kheyraadka sida shidaalka iyo xiriirka Puntland la leedahay Soomaalida kale iyo wadamada dibadda , waxaa hal heys u ahayd dad “wax la arko” oo la micno ah wax walbo isagoo diidan in uu wax ka tago ama laga tabto.

Tariikhdiisa intaan ka hayo:-

Maxamuud Muuse Xirsi (Cade) oo ay hooyo utahay Naado shire waxaa uu ku dhashay Muqdisho sanadkii 1937kii, halkaasi ayuu ku bilaabay aqoontii diiniga ahayd iyo qur’aanka , waxaana uu dugsiga sare waxbarashadiisii qaatay intii udhaxaysay sanadihii 1954-58dii, kadibna 1959-61dii waxaa dalka talyaaniga loogu diray kuliyad ciidan oo ah layli sarkaal.

Sanadkii 1962-63 Cade muuse waxaa uu isla dalka Talyaaniga ku qaadanayey kuliyada sharciga, sanadkii 1967-69 waxaa loogu daray kuliyada sharciga saraakiisha ciidanka. Sanadkii 1975-76 waxaa uu dalka Ruushka uu u aaday kuliyada Istaraatijiyada ciidamada.

Shaqooyinka uu soo qabtay:-

1963-65tii isagoo sarkaal ah ayuu kusoo laabtay dalka waxaana uu noqday Xoghaya Taliyaha Cidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.
1965-67 Waxaa uu noqday Taliyaha ururka Horseed
1970-72 Waxaa uu noqday Taliyaha qaybta 21aad ee ciidamada xooga dalka.
1972-73 waxaa uu noqday Taliyaha Hogaanka Tababarada Ciidamada xooga dalka .
1974-75 Waxaa uu noqday Gudoomiyaha Gobolka Sanaag.
1976-78 Waxaa uu noqday taliyaha ciidamada safarada soomaaliya ee Kenya
1978-79 Waxaa kaaliye taliye uga shaqeynayey dalka China
179-81 Waxa uu ka midnoqday masuuliyiinta safarada Canada u joogta Soomaaliya.
Wuxuu kasoo midnoqday saraakiishii SSDF .

Markii dalku burburay AHUN Cade muuse waxaa uu noqday dadka qurbaha ku nool , waxaa markii danbe kusoo laabtay Puntland 2002dii waxaa uu ka qaybgalay arimihii uheshiisiintii AHUN Cabdulaahi Yuusuf iyo Jabhadii JPP, 2004tiina waxaa ka shaqeynayey dib shirkii dib uheshiisiinta iyo doorashadii Soomaaliya.

2005-waxaa uu noqday Madaxweynaha Puntland kadib markii uu 35cod kaga guulaystay Madaxweynihii talada siihayey xiligaasi Maxamed Cabdi Xaashi oo helay 30 cod.

2005-2008 AHUN Cadde waxaa uu ahaa Madaxweynaha Puntland waxyaabaha lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah mashaariicda macdan baaris oo uu sameeyay, hirgelinta maxjaro , doorkii uu ka qaatay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso iyo in uu ahaa shakhsi jecel in uu iskuwado dadka oo dhan.

08-02-2017 ayuu ku geeriyooday Imaaraat-ka oo uu mudo ku xanuusnaa , waxaa uu ifka uga tegay 4caruur ah oo ah labo wiil iyo labo gabdhood iyo hal xaas.
Maalint Talaado ah ayaa aas qaran loogu sameeyay Boosaaso Alla ha’unariisto , dhamaana umada Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa samir iyo iimaan alla ha kasiiyo.

Mahadsanid Inaad Akhrisay qoraalkayga.