Monday 14 December 2020

Walaalo aan wada dhalan

Sharaf bay ii ahayd inaan Mohamed Ahmed Ilkacase kusoo dhoweeyo Xarunta Madaxtooyada Puntland, waa saaxiib aan isku mihnad aheyn oo soo wada marnay marxalado kala duwan, mar ayaan Puntland iyo Soomaaliyaba ka aheyn labo weriye oo laga yaqaan haddana isku meel ka wada shaqeeya, isku Iskuulna soo noqday, dadka qaar waxay noo yaqaaneen Walaalo aan wada dhalan.


Waa saaxiib aan wakhtigu bedelin kaftama marxalad kasta, leh hal abuur xirfadi ku dheehantahay oo lagu gudbiyo wararka iyo Barnaamijyada. Wuxu marwalbo jecelyahay inuu dalkiisa iyo dadkiisa ku biiriyo wixii doorkiisa ah. 


Ilkacase wuxuu igusoo dhoweeyay Idaacadda SBC oo aheyd xaruntii Warbaahin ee ugu horeysay ee aan kashaqo billaabo, mar danbena waxaan ka wada shaqeynay ETN TV, dalka dibadiisa markaan u baxnay waxaan doorka warbaahin kasii wadnay Kenya xiligaasi oo weriyayaal badan ay halkaasi xarun u noqotay, waa meeshii aan ugasoo biiray Somali Channel TV. 


2013 ayaan Ilkacase ka sagootinay Nairobi isagoo u ambabaxay Canada halkaasi ayuuna sanadihii u danbeeyay ku noolaa, muddo kadib waxaan  isaga iyo Weriye Bulgaaz Abdirizak oo isna nala wakhti ahaa soona wada shaqeynay xiligii boosaaso aan 2017 ku Kulanay Sweden oo Reerku u deganyahay. 


Inkasta oo uu dalka muddo ka maqnaa haddana magaciisu iyo shaqadiisu waxay ahayd mid inala joogta, Wuxuu door muhim ah kasoo qaatay horumarinta Warbaahinta Puntland iyo Soomaaliyaba.


Haddaa kunooshahay Puntland ama si uun u adeegsato Golis Telecom, Ilkacase waa isaga qofka ka dhex hadla taleefanka. Taasi ayaa sababtay in isaga oo sanado dalka ka maqan hadana uu codkiisu baaqi kusii ahaado dhegaha dadka.


Saaxiib Ilkacase kusoo dhowoow Garoowe oo ay kugu danbeysay 2009, xiligaasi oo aynu wada tebinay Doorashadii lagu doortay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, waxaan rajeynaya in fariinta socdaalkaagu sii dhiirigeliyo qurbojoogta dalka kusoo laabanaysa oo qayb ka noqonaya horumarka socda.      
























Sunday 9 August 2020

Alle ha u naxariisto G/Sare Cismaan Cumar Taliyihii Madaxtooyada Puntland


16 May 2020 : Xilwareejintii AHUN Taliye Cismaan

Alle ha u naxariistee G/Sare Cismaan Cumar Maxamed taliyihii Madaxtooyada Puntland, waxaan is baranay isagoo la shaqeynaya Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo xiligaasi ahaa Wasiirkii Qorsheynta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Laakiin wada shaqeynta ugu wanaagsan waxayna dhexmartay markii aan kawada howlgalnay Madaxtooyada Puntland.

Cismaan wuxuu ahaa howlkar ku wanaagsan shaqadiisa oo daacad ah, ayna  ka muuqatay marwalba masuuliyadda saaran, ma xasuusto mar uu shaqo ka daalay, mana xasuusto isaga oo aan feejigneyn, waxaa uu noloshiisa ku jiray heegan iyo diyaargarow ah inuu dalkiisa iyo dadkiisa difaaco isaga oo marwalbo safka hore uga jira waxkasta oo dalkan lagu difaacayo.

Wuxuu ka mid ahaa Ciidamadii Dowladdnimada geeyay Baydhabo xiligii uu Madaxweynaha Soomaaliya ahaa alle ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuu sidoo kale lasoo shaqeeyey Ra'iisalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, isagoo shaqooyin kala duwan oo dhinaca amniga ah kasoo qabtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dadaal shaqo oo uu muujiyey isagoo ah illaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane siciid Cabdulaahi Deni, wuxuu Cismaan ku muteystay in 14 May 2020 loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland, oo uu runtii shaqo wanaagsan ka qabtay.

Anigu shakhsiyan wuxuu ii ahaa saaxiib wanaagsan oo uusan wakhtigu bedelin, kaftama marka ay ugu adagtahay in la hadlo, wuxuu ahaa dhiirigeliye , hoggaamiye ciidan marmar noqda askari aan waxba dheereyn askarta uu taliyaha u yahay, waayo wuxuu ahaa qof aan isla weyneen.

Alle ha u naxariistee G/Sare Cismaan Cumar Maxamed waxaa uu 1985 ku dhashay baadiyaha magaaladda Doolow, wuxuu Waxbarashadiisii ku qaatay magaaladda Qardho kadibna waxaa uu ku biiray Ciidamada isagoo qaatay tababaro ciidan, ifka wuxuu uga tegay  hal xaas oo haysa shan caruur ah oo mid wiil yahay, hadana xaamilo ah.

Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu janadii fardowsa geeyo, isaga iyo saddex xarigle Axmed Yuusuf Cabdi, waxay geeriyoodeen iyagoo dalkooda ka difaacaya maandooriyaha iyo amni darada.


Wednesday 22 April 2020

Puntland ma xayirin, badeecadda u socota Gobolada kale.

                          

Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed iyada oo illaalinaysa  xuquuqda macaamiisha ayay qaadatay tallaabooyin ay ka mid yihiin in aan la kaydin karin cunnooyinka asaasiga ah, la kordhin karin sicirkooda , isla markaana cunnadii lagu quudan jiray gudaha Puntland aan loo rari karin degaanno kale si looga sameeyo macaash dheeri ah, iyada oo si xun loo isticmaalayo duruufaha caafimaad ee taagan iyo baahida bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto.

Puntland marna ma xayirin, mana xayiri doonto badeecada dadka Soomaaliyeed kala soo degaan dekadda Boosaaso. Tusaale ahaan Puntland ma xayirin wax canshuur dheeri ahna kuma soo rogin badeecada u socota gobolka kale. 

Taa baddalkeeda xaaladda Caafimaad ee jirta awgeed Puntland waxay cashuurta ka dhaaftay badeecaddaha quutul-daruuriga ah ee kasoo dega Boosaaso, iyadoon loo eegayn meesha ay u socoto  ama Boosaaso ha u socoto ama Beledweyne.

Dadka iyo dawladda Puntland marna kama suuroowdo in ay duruufaha adag ee dalka ka jira u isticmaasho aalad cadaadis kuna dhibaatayso ummadda Soomaaliyeed ee la daalaa -dhacaya cudurrada, colaadda, abaaraha iyo fatahaadaha. 

Sidii dhaqanka u ahayd dadka iyo dawladda Puntland waxay mar walba u taagan yihiin sidii ummadda Soomaaliyeed looga difaaci lahaa aafooyinka, guud ahaanna dib loogu yagleeli lahaa dawladnimada Soomaaliya.

Tuesday 10 March 2020

Shirka Wadatashiga Puntland (15 March 2020)


Markii uu dalku burburay dadka Gobolada Puntland waxay isugu yimaadeen kulamo iyo shirar kala danbeeyay, rag iyo dumar ayaa shaqeeyey habeeno iyo maalmo, u samray culeysyadii jiray xiligaasi si shirweynihii Puntland u hirgalo, ugu danbeyna waxay natiijadu noqotay dhismaha Puntland oo maanta ah hormuudka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka wadatashiga Puntland ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waa fursad dahabi ah oo ay heleen dadweynaha Puntland, Shalay talo ayaa lagu dhisay Puntland, talo ayaa lagu waday, maantana talo ayeey uga gudbeysa marxalad kasta.

Hoggaamiyeyaasha wanaagsan oo keliya ayaa u ogolaada wadatashi dadweynaha, waayo waxaa badan inta aan fursad talo-bixin dadkooda siin oo jecel rabitaankooda in ay wax ku go’aamiyaan. Sidaasi darteed wadatashi wuxuu marwalbo noqdaa mid miro-wanaagsan dhala.

Ma garan karo sabab looga soo horjeesan karo ma eed loogu yeeli karo Wadatashi ay isugu imanayaan Dadweyne iyo Madaxdooda, waxa aadan sameyn Karin hadii qofkale awoodo mahan in ay ku damaqdo, ama aad u raadiso eed iyo dhalliil! wax wanaagsan haduu yahay waxay ku qurux-badantahay in aad ugu hambalyeeyso oo weliba isku daydo inaa uga dayato.

Madaxweyne Deni fursada watashiga Puntland kuma koobin Masuuliyiinta Puntland xilka ka haya oo keliya, Balse waxaa sidoo kale dadka wadatashiga loogu yeeray qeyb ka ah Masuuliyiinta Puntland ku metela Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo muujineysa in uusan shirku aheyn mid dad-gaar ah , balse uu yahay Shir-weyne reer Puntland oo qofkasta oo masuuliyad ku metela dadweynaha Puntland looga baahanyahay inuu kasoo qeybgalo.

Waxaan u arkaa qofkasta oo reer Puntland ah inuu maanta haysto fursad taariikhiya oo uu door ugu yeesho, ka shaqeeyo , garab istaago ama uu goobjoog uga noqdo Shirweyne Wadatashi oo dadweynaha Puntland iyo Madaxdoodu isugu yimaadeen.