Thursday 14 December 2017

Maalmahaygii Windesheim University


Maamulka iyo Madaxda Jaamacada Windeshiem University ee dalka Holland ayaan macasalaameeyey kadib markii ay ii dhamaatay fursad wadashqeyn oo aan halkan ku qaatay, Intaan Joogay Holland Khudbaddo iyo doodo la xiriira warbaahinta ayaan ugu yaraan halmar asbuucii halkan kula yeelan jiray ardey qeybtood barta Saxaafada , weriyayaal, kooxo xuquuqul aadane iyo sharci yaqaano.

Shaqada ugu badan waxay na dhexmari jirtay dhowr macalim iyo maamulka oo kasoo kala jeeda Netherland, Germany, Belgium iyo Thailand.  Casharada ugu badan waxay la xiriireen inaan wax kala faa’idno oo anigu u sheego sida warbaahinta Afrika u shaqeyso iyaguna kuwooda khibrada leh ay iiga waraman sida ay Warbaahinta Europe u shaqeyso.

Waxaan ka doodnay caqabadaha mideeya warbaahinta adduunka iyo fursadaha ay is dheeryihiin, Soomaaliya aniga ayaa halkan ku metelayey, waana sababta aan dhegaysi fiican u helayey marka aan ka hadlayo xaalada warbaahinta, madaama dalkeyga uu ka midyahay meelaha weriyayaashu ku shaqeeyaan marxalado adagg.

Reer Europe waxaan u sheegay in adduunka markii hore uu warku ka iman jiray dhinaca wadamada reer Galbeedka anigoo tusaale usoo qaatay Duulaanadii Mareykanka, Hindisihii Germany ee Hitler rabay inuu Europe ku qabsado iyo dagaallkii labaad ee adduunka, waxaan u sheegay in xiligaasi Afrika ay nabad aheyd oo wax soosaarka ku mashquulsaneyd- waxa aan maqli jirney ama la tebin jirayna ay ugu badnaayeen wararka khasaaraha wata ee wadamada reer Galbeedka ka iman jiray.

Laakiin dagaalkii labaad kadib , waxaan u sheegay in Wadamada Galbeedku ay la yimaadeen siyaasad deganaansho oo aysan dalalkooda ugu ogolaan dhacdooyinkii hore kuwo la mid ah, kadib xiligaasi waxa warka uu illaa iyo maanta ka yimaadaa Afrika iyo Asia, sida qaraxyo, dagaalo iyo kacdoono madax lagu tuurayo, idinkuna markiina ayaa na dhegaysanaysaan marna na tebinaysaan, waxaan u sheegay in wararka Galbeedka yaalla ay hada u badanyihiin wararka dadka caanka ah (Celebrity News).

Dooda la xiriirta war-ka aad ayaan ugu dheeraanay waxa war ah iyo waxa aan war aheyn? Waxaan ka hadalnay saameynta warbaahinta Bulshada , sidoo kale waxaan kala faa’idney sida ay u shaqeyn karaan weriyayaasha caqabadaha ku hareeraysanyihiin, xubnaha u dooda xuquul aadanaha iyo qaabka Weriyuhu Bulsho wax uga bedeli karo isagoo aan ka tegin dhex dhexaadnimada.

Inkasta oo dadka Barnaamijkan igula jiray iyo kuwa aan u khudbadeenayeyba ay dhamaan ka yimaadeen wadamo kayga xooga ka degan dhinaca maamulka , waxbarashada iyo horumarka, hadana waxaan aad ugu faraxsana inaan wax u sheegi karo anigoo wax uga sheegaya khibradayda saxaafada, waxa ugu muhimsana waxaa uu ahaa feker isweydaarsi iyo in qofba uu sheego siduu wax u yaqaano, kadibna laga doodo waxyaabaha muhimka loo arko.

Arrinta Soomaaliya oo aad wax la iiga weydiiyey  dadka waxaan u sheegay in Soomaalidu yihiin dad wanaagsan oo haysta dal wanaagsan, laakiin uusan maanta wakhtigu lajirin, sababtoo ah dalkasta waxaa uu soomaray xilli uu burbursana, kuwo dhisana waxa dhacda inay timaado xili ay burburaan, waxaan u sheegay inaan rajo kaqabno maalin uun inuu dalkayagu noo hagaago, taasi oo aan hada fileyno ineysan fogeyn.


Macallimiinta iyo Maamulka Jaamacada iyo saaxiibada warbaahinta ee dooduhu na dhexmareyn, waxaan uga mahadceliyey inay isoo dhoweeyeen si fiicana iisiiyeen door muhim ah oo muuqda si aan wixii aan ku dhaamo ugu sheego iyana iigu sheegaan wixii ay iiga cilmi badanyihiin, waxaan u sheegay inaan Macasalameynayo aniga oo dhoolacadeynaya- sababtoo ah waxaan u rajeeyey inaan isugu nimaadno markale fagaarayaal kale oo adduunka ah iyo goobaha aqoonta warbaahinta.

Saturday 9 December 2017

Filim-ka “The Pirates of Somalia” waxaa lagu jilay Puntland.

Sanadku waa dhamaadkii 2008-dii Wuxuu filimku ku bilowmaya Jay Bahduur oo ah Canadian asal ahaan kasoo jeeda India oo raadinaya fursad uu ku noqdo weriye caan ah iyo qoraa buug taariikh-da gala, Isagoo Canada jooga ayuu kala dooranaya wadan uu kasoo waramo si uu aduunka isu baro, saaxiibkiis ayaa u dooraya Suudaan, laakiin isagu wuxuu dooranaya Soomaaliya iyo si uu ugasoo waramo arrimaha Burcad badeeda oo uu u arkay inaan waxbadan oo xog ah laga heyn.

Jay Bahduur waxaa uu taleefan ka helaya Maxamed Faroole nin isku sheegay, waxaana uu wargelinaya in ay ogolaadeen inuu Puntland yimaado oo wax ka qoro, Inkasta oo waalidkiis aysan ku raacsaneyn hadana Jay wuu ku qanciyey inuu u safro Soomaaliya, wuxuu soo raacaya diyaarad dad Soomaali ah la saaranyihiin markaasi ayuu ka degaya  magaalo loo ekaysiiyey Gaalkacayo oo uu kula kulmayo Jilaaga caanka ah “Abdi Barkhad” oo metelaya Turjumaan Cabdirasaaq.

Waxaa la geynaya Jay Bahduur Xarun Idaacadeed oo laga metelayo “Radio Garoowe”, waxaa uu halkaasi kula kulmaya Nin dhuuban oo muraayado xiran oo metelaya Maxamed Faroole, Idaacada  barnaamij ayaa markaasi ka socda,  kadib ninka metelaya Maxamed Faroole wuxu wacaya Aabihiis isagoo ku hadlaya Soomaali, waxaa Bahduur loo kaxeynaya Madaxtooyadda Puntland meel loo eekaysiyey, calamada Puntland iyo xitaa sawirada xafiiseed ee ka muuqda.

Halkaasi ayaa loogu geynaya nin xiran Isku-joog Buluug ah oo lagu metelayo Madaxweyne Faroole marka  ninkaasi la isbaro, waxaa uu isna baraya ninkale oo metalaya Omar Faraweyne Taliyaha Madaxtooyadda , Jay Bahduur wuxuu wareysi la yeelanaya ninka metelaya Faroole wuxuu ninkaasi sheegaya inuu Australia uga yimi si uu dalkiisa wax ugu qabto oo u dhiso, wuxuu aad ugu celcelinaya sida ay uga go’antahay ladagaalanka Burcadbadeeda. Wareysigu markuu dhamaado waxaa Bahduur lageynaya guri laga dejiyey magaalo loo ekeysiiyey Garoowe laakiin aan u fahmey  meel ku taala Kenya.

Inta uu filimku socdo waxaa la jilaya inuu Jay Bahduur wareystay Booyaax oo caan ka ahaa Puntland, waxaa uu ka wareysanaya sababta ay maraakiibta u afduubtaan, Booyaax ninka metelaya aad ayuu u difaacaya falalka Burcad badeeda wuxuuna sheegaya inay ahaayeen kaluumaysato lasoo weeraray oo is difaacaysa.

Sheeko uu qoraal iyo maqal ku gudbiyey isagoo Garoowe jooga Jay Bahduur ayaa u gadmi weynaysa kadib waxaa uu isku dayayaa inuu fuulo Markab yaalla Eyl oo uu warbixin kasoo diro, Cumar Faraweyne nin metelaya  oo wata illaalo badan ayaa Jay Bahduur u kaxeynaya Eyl, filimka waxaa lagu muujiyey iyagoo meel dhexe maraya ayeey istaagayaan , waxay ku leexanayaan qabuuro – Way is dul taagayaan oo u duceynayaan,  waxay Jay ku oranayaan halkan waa qabuurii qabiilkayaga “Reer Jarafle” oo aan u fahmey in Jay ka wado “Reer Jalafle” laf ka tirsan beesha Gobolka Nugaal oo ah qabiilka Madaxweynihii xiligaasi.

Filimka waxaa ka muuqda iyagoo baraya “Reer Jarafle” isna uu ka daba leeyahay “Reer Jarafle”, waxay ku oranayaan hadii lagu weydiiyo yaatahay waxaa dhahdaa reer jarafle, markay Eyl tagaan waxaa uu dadka u sheeganaya “Reer Jarafle”, aad baa loogu qoslaya loosoo dhoweynaya bulshada ayuu ka wareysanaya caqabadaha burcad badeeda.

Inkastoo Jay Bahduur isku dayayo inuu fuulo markab la haysto hadana waxaa lagu xirayaa inuu la kulmo nin lagu magacaabo Kumbiyuuter- arrintaasi waa ku adkaanaysa kadibna waa ka baaqsanaya markii ay arrintu ku dhowaato inay isku dhacaan illaalo la socota iyo Burcad badeedu.

Bahduur waxaa uu baranaya haweenay lagu magacaabo Maryan oo metelaysa gabadh qaadka iibisa oo maryan la dhaho lagu sheegay filimka inuu qabay Garaad oo isna caan ka noqday Puntland xiligii Burcad Badeeda, gabadhaasi si fiican ayeey English ugu hadli taqaan, wuxuuna ka iibsaday qaad si ay isu bartaan.

Jay Bahduur maalin isagoo u balansan inuu wareysto Garaad ayuu sii maraya Maryan oo joogta meeshii qaadka wuxuu oranaya qaad fiican iga iibi, yaa u wadaa bay ku oranaysa? Wuxuu oranaya ninkaaga Garaad, waxaa uu weydiinaya waxa uu jecelyahay in laga hadlo marka lala joogo, waxay u sheegaysa dharkiisa in la amaano ama wax laga weydiiyo , sababto ah wuxuu jecelyahay inuu si fiican u lebisto.

Boosaaso ayuu tegaya Jay Bahduur oo aad u cabsanaya wuxuuna ka welwelsanyahay sida ay isu qaabilayaan Garaad balse saaxiibkiis Abdi Barkhad oo jilaya turjumaan Cabdirsaaq ayaa howlaha u sakhiraya, ugu danbeyn  wuxuu kula kulmaya nin metelaya Garaad, meel kuraasta iyo miisaska loo ekeysiiyey kuwa meherada Boosaaso.

Bahduur wuxuu Garaad u sheegaya inuu Tie-giisa fiican yahay wuu weydinaya meeshu kasoo gatay, Garaad ninka metelaya ayaa dhoolacadeynaya oo uga jawabaya, hadana wuxuu wax ka weydiinaya Isku Jooga uu xiranyahay, kadib wuxuu hadyad usiinaya qaad, markaasi ayuu Garaad oranaya halkee ka keentay wuxuu Jay oo welwel ka muuqdo ku jawaabaya suuqa qaadka ee Garoowe, dhowr arrimood ayuu Jay kaweydiinaya Garaad burcad badeeda, laakiin wuxuu Garaad xanaaqaya marku lasoo qaado Booyaax, Garaad ayaa oranaya isku mid manihin Booyaax, kadibna wareysigasi halkaasi ayuu ku ekaanaya .

Intuu filim-ka socdo waxaa dhacaya weerarkii Burcad badeedu ku qaaday markii MV Maersk Alabama ee Mareykanku lahaa, waxaana warbaahinta laga baahinaya in Burcad badeed uu Mareykanku laayey. Jay si dhakhso ah waxaa ugu yeeraya ninkii metelayey Maxamed Faroole wuxuuna ku amraya inuu dalka ka baxo, Jay wuxuu ku doodaya inuu Canadian yahay oo uusan aheyn Mareykan, Laakiin waxaa lagu khasbaya inuu baxo.

Bahduur wuxuu la kulmaya Booyaax kadibna wuxuu Booyaax u sheegaya inuusan weerarkaasi ka danbeyn, markuu guriga tago ayaa Abdi Barkhad u sheegaya in Booyaax la xiray madaama Puntland ay la kulantay cadaadis Mareykanka ka yimid,  Jay wuxuu la kulmaya Maryan gabadhii qaadka gadi jirtay waxayna u sheegaysa in Garaad uu ka danbeeyay weerarka markabka dadka laga dilay dartiisna isaga looga aari doono hadii uusan dalka ka bixin.

Jay Bahduur wuxuu macasalaameynaya Soomaaliya isagoo ka dhoofaya magaaladii loo ekeysiiyey Gaalkacayo wuxuuna ku laabanaya Canada, Laamaha amniga ayaa weydiinaya su’aalo la xiriira Burcad Badeeda, kadibna wuxuu bilaabaya inuu qoro Buugiisa la magac baxay “Pirates of Somalia” oo ah buuga filimkan laga jilay, si fiican ayuu u iibsamaya sheekooyinka , qoraalada iyo muuqaalada uu kasoo gudbiyey Soomaaliya.


Qaabka filimka loo jilay, deegamada la booqanayo sida la isugu ekeysiyey  jabaqda iyo hadalka Soomaaliga ah oo inta badan filimku ku socdo, waa filim wakhti badan la geliyey in la metelo ugu danbeyna waxaa la baahiyey todobaadkan.

*Filim-ka waxaa jilaya  Even Peters oo ah jilaa caan ah, wuxuu metelaya Jay Bahduur oo ah ninka Puntland booqday ee qoray sheekada filim-kan laga sameeyay.

Waxaa filim-ka daawaday oo qoraalkan ka qoray Jama Deperani.

Friday 8 December 2017

Booqashadaydii Maxkamadda "ICC"

Aniga iyo wafdi aan la socdo oo ka kooban xubno isaga kala yimid wadamo kala duwan oo aduunka ah waxaan booqanay Maxkamadda Danbiyada Adduunka ee International Criminal Court "ICC" oo ku taala magaalada Den Haag, Netherlands.
Waxay ku dhextaala meel biyo ah oo dhismayaasha loo qaabeyey si ka turjumaysa Awoodaha sharci ee Maxkamadda, waa dhowr dhisme oo kan dhexe yahay kan howsha ugu badan qabta marka la eego shaqada fulinta iyo xarunta go'aamada, sidoo kale waxa jira dhismayaal maamul, dabagal iyo kuwo sharci-dejin.
Si aad u heer sareysa ayaa loo illaaliyey amaanka xarunta waxa ugu horeeyey ee naloo sheegayna waxay ahayd inaan la ogoleyn sawir ama muqaal la duubo inta lagu dhex jiro Maxkamadda, dhowr baaritaan oo qeybtood si casri ah loo marayo ayaana ka socda albaabka hore iyo qeybta dhexe.
Dadka ila socday waxay isugu jireen Madaxda Hay'addo taageera warbaahinta, madaxda xafiisyo xuquuqul insaanka ka shaqeeya, weriyayaal iyo qareeno, dhamaana waa koox aan wada qaadanay aqoon kororsi la xiriira warbaahinta.
Waxaa nala socday wiil u dhashay dalka Suudaan, markii la isweydiiyey qofwalba inuu Passpor-kiisa lasoo baxo, ayaan xasuustay in Maxkamaddu raadineyso Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir, waxana si hoose dhegta ugu sheegay muwaadinkii u dhashay Suudaan, hadalkayga iyo waxa kulmay qoladii Passpor-kiisa computer-ka ku fiirnaysay oo arkay oo dhoolacadeeyay.
Markaan gudaha galnay waxaa nala geeyey qeyb loogu talagalay in dadka martida ah iyo kuwa booqashada u yimaada lagu siiyo wixii xog ah ee la xiriira Maxkamadda , sida ay u shaqeyso iyo isbed bedelada ay soo martay.
Waxaa noo waramay William Saint-Mchel oo lataliye sare oo dhinaca sharciga u ah Madaxweynaha Maxkamadda, Emma Fernandez Ruperez oo madax ka ah qeybta dabagal-ka Kiisaska iyo Anne-Aurore Bertrand oo qaabilsan xiriirka dibada iyo Xafiiska Iskaashiga.
Maxkamadda waxaa ku mideysan 124 dal, 33 ka mid ah waa African, 19 waa Asia, 18 waa Bariga Europe , 28 waa laatiin America, 25 waa galbeedka Europe iyo Waqooyiga Mareykanka. Wadamo ay ka midyihiin Soomaaliya iyo Suudaan kama mid ahan Maxkamaddan.
Iyadoo su'aalo la weydiinayo Madaxda Maxkamadda ayaan weydiiyey Emma Fernandez Ruperez, Waxaa ka mid ah in la idinku eedeeyo ina Madaxda Afrika keliya dabagalka iyo xukunka ku sameysaan, arrintaasi sidee u saameysa shaqada aad heysaan iyo kalsoonida Maxkamadda?
Waxay tiri "Waa nala dhaha sidaasi waana maqalna, Laakiin waxaan idiin sheegaya wax walbo oo shaqo ah oo la qabtay ama wadan kasta oo Afrika ah oo Maxkamaddu dabagal iyo go'aamo ka sameysay, waxaan ku sameynay wax kasta dalab wadankaasi ka yimi , wadankasta iyaga soo dalbada in la baaro arrintooda"
Waxaan weydiiyey Soomaaliya arrinteeda muddo waa qasneyd, muddo ayeeyna nagu qaadatay inaan colaad iyo dagaalo kasoo kabano, inkastoo aanan Maxkamadda ka mid aheyn, hadana majirta wado aad kula xisaabtami kartaan hogaamiyayaasha danbiga lagu helo.
Waxay tiri "Waa run Soomaaliya kuma jirto halkan, waxa dhacaya hadana gudaha Soomaaliya uun bey ku egyihiin, marka ma jiri karto qaab aan u wajahno, Laakiin hadii ay soo baxdo arrin kala dhexeysa wadan Maxkamaddan ka diiwaangashan- oo hogaamiyayaashu wadankasi wax ka sameeyaan markaasi oo kale waa la geli karaa kiiska iyadoo loo marayo wadanka Maxkamaddan ku jira ee ay wax kala dhexeeyaan"
Waxaan weydiiyey, Aduunka maanta danbiga ma galaan Madax iyo Siyaasiyiin oo kaliya, waa dhacda in ay awood raadis wax badan u sameyn karaan siyaasiyiin, Laakiin sidoo kale waxaa jira dhinacyo ama hogaamiyayaal iyana wax dila, oo qeybtood xukun raadis ah , waxaa ka mid ah Xoogaga ka dagaalamaya Nigeria , Syria , Ciraaq iyo Soomaaliya - dhinacyadaasi ajendihiina kuma jiraan miyaa, mise idinku waxaa daba gashaan danbiyada Siyaasiyiinta oo qura?
Waxay tiri "Waa sax aduunka danbi magalaan siyaasiyiin oo keliya , sida sheegtay ururo argagixiso, ama kooxo hubeysan ama dhiniacyo kale ayaa jiro, anaguna inta badan tilaabooyin waan ka qaadna balse waxay ku xirantahay wadankaasi inuu ku jiro Maxkamadda iyo inuu soo dalbado baaritaan, mar walbo waxaan wajahna awooda ugu sareysa dalkaasi oo ah dadka masuuliyaddu saarantahay ee Madaxda ah"
Wiil u dhashay Suudaan ayaa weydiiyey gabadhii, Madaxweynaheyga waad raadinaysaan, hadana wuu safra xitaa wuxuu tegay South Africa oo ku jirta Maxkamaddiina lamana xirin, sidee u aragteen arrintasi maxa sameyseen ?

Waxay tiri "Waa run Maxkamaddu waa raadinaysa Madaxweyne AlBashiir, waana la soconay inuu booqday South Africa, waan la xiriirnay dalkaasi oo kala hadalnay arrintaasi, runtii anagu ma u dirno Booliis qofka soo xira, Laakiin Wadamada Maxkamadda ku mideysan ayeey tahay waajibkooda inay xiraan, iyagaan cadaadis ku saarnaa".
Markii aan is xogwareysiga dhameysanay waxaa nalagu casumay inaan dhegaysano dacwad si toos ah xarunta uga socotay, qalabka dhegaha ee wax lagu dhegaysto ayaa qof walba dhegaha gashtay, waxay dacwadu ku socotay labo luuqadood English iyo France , markaasi adiga ayaa doorkaaga leh taa fahmeyso oo ku dhegaysanayso.
Waxyar kadib ayaan kasoo baxnay dacwadii iyadoo nala tusay sida wax u dhacaan , kiisaska dacwada , cadeymaha qaabka loo soo bandhigayo , qareenada doodaya iyo garsoorka siduu u shaqeynayo.
Kadib waxaan macasalaameynay Madaxdii nala kulantay iyo shaqaalihii na caawiyey ee na kala tusayey dhismayaasha kala duwan. waxaa nalagu sagootiyey buugaag iyo qoraalo ka sheekaynaya xarunta ICC iyo siday u shaqeyso iyo taariikhdeeda, sidaasi ayaan aniga iyo saaxiibaday ku dhameysanay booqasho hal maalin qaadatay oo aan ku tagnay Maxkamadda Danbiyada Aduunka ee ICC.
Waad mahadsantahay inaad akhriday qoraalkayga.