Saturday 9 December 2017

Filim-ka “The Pirates of Somalia” waxaa lagu jilay Puntland.

Sanadku waa dhamaadkii 2008-dii Wuxuu filimku ku bilowmaya Jay Bahduur oo ah Canadian asal ahaan kasoo jeeda India oo raadinaya fursad uu ku noqdo weriye caan ah iyo qoraa buug taariikh-da gala, Isagoo Canada jooga ayuu kala dooranaya wadan uu kasoo waramo si uu aduunka isu baro, saaxiibkiis ayaa u dooraya Suudaan, laakiin isagu wuxuu dooranaya Soomaaliya iyo si uu ugasoo waramo arrimaha Burcad badeeda oo uu u arkay inaan waxbadan oo xog ah laga heyn.

Jay Bahduur waxaa uu taleefan ka helaya Maxamed Faroole nin isku sheegay, waxaana uu wargelinaya in ay ogolaadeen inuu Puntland yimaado oo wax ka qoro, Inkasta oo waalidkiis aysan ku raacsaneyn hadana Jay wuu ku qanciyey inuu u safro Soomaaliya, wuxuu soo raacaya diyaarad dad Soomaali ah la saaranyihiin markaasi ayuu ka degaya  magaalo loo ekaysiiyey Gaalkacayo oo uu kula kulmayo Jilaaga caanka ah “Abdi Barkhad” oo metelaya Turjumaan Cabdirasaaq.

Waxaa la geynaya Jay Bahduur Xarun Idaacadeed oo laga metelayo “Radio Garoowe”, waxaa uu halkaasi kula kulmaya Nin dhuuban oo muraayado xiran oo metelaya Maxamed Faroole, Idaacada  barnaamij ayaa markaasi ka socda,  kadib ninka metelaya Maxamed Faroole wuxu wacaya Aabihiis isagoo ku hadlaya Soomaali, waxaa Bahduur loo kaxeynaya Madaxtooyadda Puntland meel loo eekaysiyey, calamada Puntland iyo xitaa sawirada xafiiseed ee ka muuqda.

Halkaasi ayaa loogu geynaya nin xiran Isku-joog Buluug ah oo lagu metelayo Madaxweyne Faroole marka  ninkaasi la isbaro, waxaa uu isna baraya ninkale oo metalaya Omar Faraweyne Taliyaha Madaxtooyadda , Jay Bahduur wuxuu wareysi la yeelanaya ninka metelaya Faroole wuxuu ninkaasi sheegaya inuu Australia uga yimi si uu dalkiisa wax ugu qabto oo u dhiso, wuxuu aad ugu celcelinaya sida ay uga go’antahay ladagaalanka Burcadbadeeda. Wareysigu markuu dhamaado waxaa Bahduur lageynaya guri laga dejiyey magaalo loo ekeysiiyey Garoowe laakiin aan u fahmey  meel ku taala Kenya.

Inta uu filimku socdo waxaa la jilaya inuu Jay Bahduur wareystay Booyaax oo caan ka ahaa Puntland, waxaa uu ka wareysanaya sababta ay maraakiibta u afduubtaan, Booyaax ninka metelaya aad ayuu u difaacaya falalka Burcad badeeda wuxuuna sheegaya inay ahaayeen kaluumaysato lasoo weeraray oo is difaacaysa.

Sheeko uu qoraal iyo maqal ku gudbiyey isagoo Garoowe jooga Jay Bahduur ayaa u gadmi weynaysa kadib waxaa uu isku dayayaa inuu fuulo Markab yaalla Eyl oo uu warbixin kasoo diro, Cumar Faraweyne nin metelaya  oo wata illaalo badan ayaa Jay Bahduur u kaxeynaya Eyl, filimka waxaa lagu muujiyey iyagoo meel dhexe maraya ayeey istaagayaan , waxay ku leexanayaan qabuuro – Way is dul taagayaan oo u duceynayaan,  waxay Jay ku oranayaan halkan waa qabuurii qabiilkayaga “Reer Jarafle” oo aan u fahmey in Jay ka wado “Reer Jalafle” laf ka tirsan beesha Gobolka Nugaal oo ah qabiilka Madaxweynihii xiligaasi.

Filimka waxaa ka muuqda iyagoo baraya “Reer Jarafle” isna uu ka daba leeyahay “Reer Jarafle”, waxay ku oranayaan hadii lagu weydiiyo yaatahay waxaa dhahdaa reer jarafle, markay Eyl tagaan waxaa uu dadka u sheeganaya “Reer Jarafle”, aad baa loogu qoslaya loosoo dhoweynaya bulshada ayuu ka wareysanaya caqabadaha burcad badeeda.

Inkastoo Jay Bahduur isku dayayo inuu fuulo markab la haysto hadana waxaa lagu xirayaa inuu la kulmo nin lagu magacaabo Kumbiyuuter- arrintaasi waa ku adkaanaysa kadibna waa ka baaqsanaya markii ay arrintu ku dhowaato inay isku dhacaan illaalo la socota iyo Burcad badeedu.

Bahduur waxaa uu baranaya haweenay lagu magacaabo Maryan oo metelaysa gabadh qaadka iibisa oo maryan la dhaho lagu sheegay filimka inuu qabay Garaad oo isna caan ka noqday Puntland xiligii Burcad Badeeda, gabadhaasi si fiican ayeey English ugu hadli taqaan, wuxuuna ka iibsaday qaad si ay isu bartaan.

Jay Bahduur maalin isagoo u balansan inuu wareysto Garaad ayuu sii maraya Maryan oo joogta meeshii qaadka wuxuu oranaya qaad fiican iga iibi, yaa u wadaa bay ku oranaysa? Wuxuu oranaya ninkaaga Garaad, waxaa uu weydiinaya waxa uu jecelyahay in laga hadlo marka lala joogo, waxay u sheegaysa dharkiisa in la amaano ama wax laga weydiiyo , sababto ah wuxuu jecelyahay inuu si fiican u lebisto.

Boosaaso ayuu tegaya Jay Bahduur oo aad u cabsanaya wuxuuna ka welwelsanyahay sida ay isu qaabilayaan Garaad balse saaxiibkiis Abdi Barkhad oo jilaya turjumaan Cabdirsaaq ayaa howlaha u sakhiraya, ugu danbeyn  wuxuu kula kulmaya nin metelaya Garaad, meel kuraasta iyo miisaska loo ekeysiiyey kuwa meherada Boosaaso.

Bahduur wuxuu Garaad u sheegaya inuu Tie-giisa fiican yahay wuu weydinaya meeshu kasoo gatay, Garaad ninka metelaya ayaa dhoolacadeynaya oo uga jawabaya, hadana wuxuu wax ka weydiinaya Isku Jooga uu xiranyahay, kadib wuxuu hadyad usiinaya qaad, markaasi ayuu Garaad oranaya halkee ka keentay wuxuu Jay oo welwel ka muuqdo ku jawaabaya suuqa qaadka ee Garoowe, dhowr arrimood ayuu Jay kaweydiinaya Garaad burcad badeeda, laakiin wuxuu Garaad xanaaqaya marku lasoo qaado Booyaax, Garaad ayaa oranaya isku mid manihin Booyaax, kadibna wareysigasi halkaasi ayuu ku ekaanaya .

Intuu filim-ka socdo waxaa dhacaya weerarkii Burcad badeedu ku qaaday markii MV Maersk Alabama ee Mareykanku lahaa, waxaana warbaahinta laga baahinaya in Burcad badeed uu Mareykanku laayey. Jay si dhakhso ah waxaa ugu yeeraya ninkii metelayey Maxamed Faroole wuxuuna ku amraya inuu dalka ka baxo, Jay wuxuu ku doodaya inuu Canadian yahay oo uusan aheyn Mareykan, Laakiin waxaa lagu khasbaya inuu baxo.

Bahduur wuxuu la kulmaya Booyaax kadibna wuxuu Booyaax u sheegaya inuusan weerarkaasi ka danbeyn, markuu guriga tago ayaa Abdi Barkhad u sheegaya in Booyaax la xiray madaama Puntland ay la kulantay cadaadis Mareykanka ka yimid,  Jay wuxuu la kulmaya Maryan gabadhii qaadka gadi jirtay waxayna u sheegaysa in Garaad uu ka danbeeyay weerarka markabka dadka laga dilay dartiisna isaga looga aari doono hadii uusan dalka ka bixin.

Jay Bahduur wuxuu macasalaameynaya Soomaaliya isagoo ka dhoofaya magaaladii loo ekeysiiyey Gaalkacayo wuxuuna ku laabanaya Canada, Laamaha amniga ayaa weydiinaya su’aalo la xiriira Burcad Badeeda, kadibna wuxuu bilaabaya inuu qoro Buugiisa la magac baxay “Pirates of Somalia” oo ah buuga filimkan laga jilay, si fiican ayuu u iibsamaya sheekooyinka , qoraalada iyo muuqaalada uu kasoo gudbiyey Soomaaliya.


Qaabka filimka loo jilay, deegamada la booqanayo sida la isugu ekeysiyey  jabaqda iyo hadalka Soomaaliga ah oo inta badan filimku ku socdo, waa filim wakhti badan la geliyey in la metelo ugu danbeyna waxaa la baahiyey todobaadkan.

*Filim-ka waxaa jilaya  Even Peters oo ah jilaa caan ah, wuxuu metelaya Jay Bahduur oo ah ninka Puntland booqday ee qoray sheekada filim-kan laga sameeyay.

Waxaa filim-ka daawaday oo qoraalkan ka qoray Jama Deperani.

7 comments:

  1. Fekradaada halkan ku dhaaf, hadii aad ka heshay la wadaag saaxiibada,

    ReplyDelete
  2. Walal qaab qurxoon oo xirfadaysan baad u soo koobtay. filimkaas sidee ku heli karnaa si aan u daawano?

    ReplyDelete
  3. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  4. hor iyo horaan waxaan rabaa inaan kaaga mahadceliyo awoowe Jama Deperani qoraalkan wanaasan ee xifadaysan ee aad kusoo koobtay film ka saacadaha badan soconaya,

    qoraalku wuxuu u qoran yahay si cajiiba waxaa ku jirta xirfad badan oo ka soo maxatay maskax fiyaw, runtii sida aan u isticmaalaysid Jama naxwaha Soomaliga gaar ahaan ficilada tegey, is shabahayaasha, isu ekaysiinta iyo haddalada ay yidhaahdeen sida aad u sheegayso oo ah sida ay u yidhaahdeen ayaa cajiiba [ waxaa English-ta la yiraahdaa Active Voice, Passive Voice iyo Reported speech ]

    waxaan ka faa'iidaysna doonaa khibraddaada saliimka ah ee aad ku qortay qoraalkan quruxda badan ee bini aadamka ugu soconaya sidii biyo cad oo aad cabaysid, malaha hakad iyo ereyo isku soo laalaabta ama kala horeeya oo ay mudnayd in la horaysiiyo kan micnuhu ku jiro.

    haddaan u gudbo filmka walaw aanan weli daawan waxay iiga dhigan thaya anoo daawaday oo kale waayo qoraalka ayaa i qanciyey oo aan ka fahmey micnaha iyo u jeedada film ka.

    mahadsanid awoowe guul baan kuu rajayn.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Aad baan kaga mahadcelinaya dhiirigelinta, Guulayso.

      Delete
  5. Mahadsanid Jaamac Deberani

    Anigu reero film baan ahay sida aad usoo qortay waxay ka dhigan tahay in aan daawaday wadan ka aan joogo weli ma soo gaarin lkn wan sugaya film awalna horay ayaan u ogaa oo waxan ku jiray waiting

    Waxan ku rajaynaya Bahdoor sidiisi in sheeko aad qortay ku kala kacdo kkkkkk film na laga sameeyo mahadsanid sxb

    ReplyDelete
  6. aad iyo aad ba u mahadsantahay Farah, si fiicana wa u kaftantay.

    ReplyDelete