Friday 21 June 2019

Abwaan Singub iyo intaan ka xasuusto

Markii iigu horeysay Alla Ha'unaxariistee Maxamuud Cabdullaahi Singub waxaan ku kulanay Garoowe 2008-dii, xiligaasi oo isaga iyo koox fanaaniin ah oo reer Jabuuti ah ay bandhig-faneed uu yimaadeen Puntland.

Waxaan uga sheekeeyay Riwaayadihiisii hirgalay, kuwii aan aadka u daawaday iyo halys wixii aan hadalkiisa ka xasuustay, Alla Ha'unaxariistee Singub wuxuu isna iiga waramay caqabado uu kala kulmay Mareykanka kadib markii uu soo saaray Riwaayadiisii taxanaha noqotay ee Qabyo.

Dhowr jeer ayaan isugu nimi Fagaare isaga oo aad u kaftamaya, Waxaan xasuustaa habeen Marwo Caasho Geelle  oo ahayd Wasiirka  Haweenka ee Puntland, ay Xaflad casho ah u sameysay Madaxweynihii Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf iyo Madaxweynihii Puntland ee Xiligaasi Cadde Muuse Xirsi oo uu goobjoog ahaa Abwaan Sangub, Alla Ha'unaxiirsto saddex-daba.

Wuxuu Abwaan Singub ka sheekeeyay da'ada iyo sida aan looga run sheegin, isagoo kaftan dhex-dhigay AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Gen.Cadde Muuse,  taasi oo sababtay in Madaxweyne Cadde Muuse uu yiraaho "Cabdullaahi Yuusuf weligiis waa iga weynaa", Laakiin Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa markii hadalka la siiyey ku billaabay "Caddow kaama weyneen ee waa kaa darajo sareeyay", kaftankaasi oo uu fure u ahaa Abwaan Singub.

Abwaan Singub wuxuu habeenkaasi xafladda kusoo bandhigay Suugaan ku saabsan Midnimada Soomaaliyeed, iyo wacygelinta jiilka cusub. Waxaan sidoo kale xasuustaa in isaga iyo kooxdiisu ay meesha kusoo gudbiyeen hees ay Puntland uga mahadcelinayaan teegaradii ay siisay Jabuuti, markii ay dirireen Jabuuti iyo Eritrea.

Wixii intaasi ka danbeysay waxaan dhowr jeer ku kulanay Muqdisho, isagoo aad ugu mashquulsan soo nooleynta Suugaanta Soomaaliyeed, Singub oo dhashay 1943-dii ku dhashay magaaladda Dhagaxbuur ee degmada Jarar ee Dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa laf-dhabar u ahaa Suugaanta Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed waxaa ay waayeen Abwaan loolla laabto wixii Suugaan ah, shakhsi ah keyd-nool oo dhinaca dhaqanka ah, furena u ahaa soo nooleynta iyo illaalinta Suugaanta Soomaaliyeed.

Alla Ha'unaxariisto Abwaan Singub, waxaan dareenka tacsida la qeybsanaya Soomaali oo dhan , asxaabtiisii Suugaanta iyo eheladiisii.