Sunday 21 April 2019

Xirsi iyo intaan ka xasuusto




Alla Ha'unaxariistee Cabdirashiid Maxamed Xirsi waxaan isbaranay isagoo Siyaasada Puntland aan si fiican ugasoo dhex muuqan laakiin loo ogsoonyahay inuu ahaa odeyaashii doorka ka qaatay dhismaha Puntland 1998.

2008-2009 ayaan kula kulmay Garoowe markaasi oo Cabdirashiid uu ku biirayey Baarlamaanka Puntland oo markii danbe loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, xiligii uu Madaxweynaha ahaa Cabdiraxmaan Faroole.

Intuu Xilkaasi hayey waxaa uu laf-dhabar hogaan oo aan qarsooneyn ka ahaa dowladdii xiligaasi ka jirtay Puntland, marka la eego doorkii iyo muuqashadiisii golayaasha lagu gaarayo go'aamada masiiriga ah iyo ka talo bixinta xaaldkasta oo timaada, si gaar ah arrimihii Siyaasada ee u dhexeeyay Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Markii la doortay Madaxweyne Cabdiweli Gaas 2014, Cabdirashiid Maxamed Xirsi culeyskiisa Siyaasadeed wuxuu ku noqday Masuul aan looga fursan labo Wasaaradood oo kala danbeeya, wuxuuna noqday Wasiirka Howlaha Guud marna Wasiirka Kalluumeysiga Puntland.

Waxay ahyed wakhtigii ugu badnaa ee aan toos ula kulmo xiliyo shaqo iyo kuwo sheeko, waxaan xasuustaa doorkii hogaamin ee uu kulahaa Guddiyo wakhtiyo adag kasoo shaqeeyey Puntland, si gaar ah xiliyo ay Puntland ku jirtay dagaalo Siyaasadeed iyo kuwo Argagixiso, sidoo kale ma illowsani inuu qeyb ka ahaan jiray guddiyada horumarinta iyo guddiyada Puntland u qaabilsan soodhoweynta, martigelinta iyo qorsheynta kulamada waaweyn.

Dhaqankiisa intaan ka aqaano wuxuu ahaa nin ku fiican ballanta oo ehlu diin ah, yaqaana wuxuu oranayo hadalka cad marka ay adagtahay in runta la sheego, wuxuu ahaa bulshaawi uu fahmi karo qofkasta iyadoon loo eegayn da'ada iyo mansabka midna.

Wuxuu ahaa nin kaftama markay noqoto, waxaan xasuusta mar aan ka wadahadalnay qof magaciisa ku isticmaala Facebook oo marba wax qora, Isagoo dhoola-cadeynaya wuxuu ii sheegay in uusan laheyn balse ee uu aad ula yaabay sida qofkaasi u jilayo isaga, marba meshu joogo iyo xaalada taagan. Qofkaasi hada maqan wuxuu ciwaankaasi ku sameynayo mar hadii masuulkii laha geeriyoday ma xiraya? mise tolow magaca masuulkale ayuu ku qoranaya?

Alla Ha'unaxariistee Cabdirashiid Maxamed Xirsi shalayto ayaa lagu aasay magaaladda Garoowe, waxaan geeridiisa uga tacsiyadeenaya umada Soomaaliyeed, Shacabka Puntland iyo eheladiisa.

Mahadsanid inaad akhrisay qoraalkayga.