Friday 4 February 2022

Sheeko Carruurnimo: Garsoorihii Kubadda ee Lacagta nagala cararay!



Waxaan arkay garoonkii kubadda aan ku ciyaari jirey ee ku yaalla beeraha u dhow Airport-ka Boosaaso, waxaan soo xasuustay. Anagoo galab kubad ku ciyaarayna lacag -lacag ah, waxaan ahayn labo kooxood oo koox kasta ay tahay 8qof, qofkastana bixiyey 1000 Shillin oo Soomaali ah.

Garsoorihii xiligaasi waxaa loo dhiibay 16kun oo Shillin Soomaali ah, waxaa uu isagu leeyahay 4kun oo Shillin, inta kale waxaa heshiisku ahaa in lasiiyo labadayada kooxood tii badisa.


Garsoorihii xiligaasi waxaa loo dhiibay 16kun oo shilin soomaali ah, waxaa uu isagu leeyahay 4kun oo shilin soomaali ah. inta kale waxaa heshiisku ahaa in lasiiyo labadayada kooxood tii badisa.


Ciyaartii waxay socoto , qaybtii danbe ayaa la gaaray hal gool ayaa nalagu leeyahay, qoraxdu waxay kusii dhowaatay godkeeda, garsoorihii oo aan xasuusto inuu ahaa wiil lodkayaga ahna mar walbo waxaa uu kusii dhowaanayey goolka kooxda naga soo horjeeday oo dhinaca magaalada naga soo xigtay.


Goor aan la nimi goolkii barbardhaca , Laakiin uu naga muuqdo dadaalka nagu jira labadayada kooxood , ayaa halmar waxaa lacagtii la cararay wiilkii garsooraha ahaa. waxay noqotay in kubadii iyo dharkii meesha looga yimaado oo hal mar labadii kooxood wada baacsadaan wiilkii.


waxaa la wata funaanadaha kubada lagu ciyaaro iyo saraawiil aan ruuga gaarin , dadka badi kabo mawataan , kuwo hal kab oo dacas ah baywataan kuwa ugu fiicana labo kab oo dacas oo laga yaabo inayna islaheyn , ama ka kabanyihiin bay xiranyihiin.


Sidii loo baacsanayey magaalada la isla soo galay, anigu waxaan ku jiray kuwii baacsaday ilaa laga soo gaaray xaruntii filimaanta lagu daawan jiray ee (Shareera). Goortii laga hari waayey ayuu bilaabay intayadii soo gaartay iyo isagu inaan qaybsano lacagta, kadib waxaa rooti iyo cabitaan looga casheeyey Meheradii Carafaat ee u dhoweyd Shareera- iyo xaruntii filimaanta Hindiga ee Hilaac.


Casho fudud kadib anagoo boor , dhidid iyo qaan-jeer leh ayaan wada fariisanay xarumihii filimaanta, Dharkii iyo kubadii meel laguma sheego , cagaha wa la qarinaya iyagoo boor-badan madama aan kabo la wadan , filimka hor-dhaciisa ayaa la bilaabay xaafadihii looma laaban karo. sidaasi baa habeenkaasi lagu qaatay.


Waxaan u arkay inay fiicantahay in mararka qaar maskaxda dib loo celiyo , oo laxasuusto yaraantii , saaxiibadaydii reer bosaaso ee arimahan ku dhaceen iyo kuwii habeenkaasi nala socday xiiso gaar ah ayeey sheekadan u leedahay.


Hada ka heshay la wadaag saaxiibada , ama u yeer qof sidani ku dhacday.


Mahadsanidin.


Maalintaan Cagacadaa!

Anigoo ilmo yar ah oo iskuul bilow ah dhigta, ayaa kabihii iga lumeen maxasuusto iyo in la iga xaday, Laakiin waan qariyey ma u sheegin hooyo iyo dadka xaafada in kabihii lumeen, subaxdii ayaa la bilaabay in Iskuulka la’aado.

Intaan lebistay ayaan caruurtii ugu horbaxay, waxaan tegay iskuulkii aniga oo Cago-cad (kabo-wadan), ardeyda oo saf ku jirta ayaan galay safkii ugu ciriiri badnaa si aan ugu dhex qariyo kaba-la’aantayda, inta la taaganyahay labada lugood oo boodh ah ayan marba mid tankale dul saarayey.

Markii la galay class-ka waxaan fariistay meeldanbe aniga iyo wiil kale, markaan yaraa waxaan jeclaan jiray inaan mar walbo su’aal weydiiyo macallim-ka ama wixii aan fahmi waayo weydiiyo iyadoo ardeyda dhan maqleyso, laakiin subaxdaasi waxba ma weydiin sababtoo ah marabin in la’istaajiyo oo kadibna la ogaado inan kaba-la’aan imid.

Casharkii oo dhamaad ah ayaa macallim-kii yiri adiga maanta maxa ku aamusiyey Jaamac, oo intuu sabuurada fiiriyey wuxu farta ku fiiqay xisaab meesha ku qorneyd oo yiri sheeg maxay noqonaysa jawaabta xisaabtaasi? Sidii in la iwada arkey ayaa hadal igasoo bixi waayey, Balse aamuskayga ayaa sababay in uu macallimka dhaho istaag halkan imow.

Talo ayaa markaasi igu cadaadatay, waxaan u istaagay si caajis ku jiro iyadoo ardeyda dhan isoo fiirinayso, ardeygii igu xigay ayaan lugta lugta ugu dhuftay oo si hoose ugu iri “Saaxiib Kabaha iidhiib, waa kusoo celinayaaye” waxaan rabay inaan sabuurada ku tago oo xisaabta kasoo shaqeeyo kadibna kabihiisa usoo celiyo, laakiin wuu igu adkeeyay oo ima siin sababta ma xasuusto? Macallimkii ayaa dhowr jeer kor u hadlay, illaa markii danbe uu arkay inaan kabo wadan.

Anigu waan cabsanayey, Balse macalimka marku lugahayga arkay wuxuu bilaabay in uu dhaho ha la istaago oo halmar Jaamac haloo sacabtumo, ardeydii wiilal iyo gabdho waa istaageen xoog ayeey u sacbiyeen, iyaga oo weydiin sababta? Macalimka ayaa kadib yiri fariista, waana lawada fariista , xitaa anigu waan iska fariistay.

Wuxuu ardeydii macallim-ku ku yiri Jaamac kaba- la’aan ayuu iskuulka yimi sababto ah casharka si uusan u dhaafin, ardeyda qaarna waxay doonayaan in ay sameeyaan sababo badan oo ay ku maqnaan karaan! Aniga halmar lugahaygii lasoo fiiriyey gabdhihii yaryara inay  igu qosleen markasi ma jeclaysan. 

Xaafadda markan tegay ayaan maamo uga sheekeeyey xaafadii  oo dhan wa la qoslay, waxaa Hooyo isoo gaday kabo cusub, subaxdii danbe waxaan imid iskuulkii iyado markii aan meel fog kasoo muuqday dadka dhan lugahayga fiirinayeen mise kabo cusub wataa.

Labo bil kahor ayaan labadayda Hooyo iyo walaalo Boosaaso ku kulanay markii qof walba ka sheekeeyay waxyaabaha uu xasuusto caruurnimadiisii, khaladaadka waalidka laga qariyo iyo sheekooyinka qosolka leh ee lala kulmo, ayaan anigu dhacdadan xasuusiyey, qosol walaalo, caruurta adeerka u ahay iyo xitaa anigii baa qoslay marka xasuusto.


Adigu maxaad ka xasuusata Iskuulkaagii, khaldaadka ka dhaca iyo caruurnimadii?

Thursday 3 February 2022

HOOYADII WARBAAHINTA PUNTLAND : AHUN YURUB MINADAAR.

2006-dii Anigoo weriye madax-banaan ah markii aan go’aansaday inaan ku biiro xarun Warbaahin waxaan kasoo billaabay SBC Boosaaso, waa meeshii iigu horeysay Warbaahin aan si rasmi ah ula shaqeeyo, waxaa adkaatay in hore la’iishaqaaleeyo da’dayda oo yareyd awgeed. Dhowr mar ayaan kusoo laabtay oo ka laabtay natiijo la’aan, Balse waxaan ku shaqo galay markii danbe damiin, waxaana i damiintay Adeer Maxamed Xaaji Jaamac Cali Bayr (MJ) oo xiligaasi Madax ka ahaa Hay’addii Dandor.


Inkasta oo Imtixaankii Agaasimihii SBC ee xilligaasi Mowliid Xaaji Cabdi oo uu u xilsaaray Maxamed Axmed Ilkacase oo ka mid ahaa xidigaha SBC aan ku guuleystay, hadana shuruudaha la igu xiray waxaa ka mid ahaa in aan saddex-da bil ee u horeysa aan ku shaqeeyo lacag-la’aan, waan aqbalay oo taasi culays iguma noqon waxaan u arkayey fursad aan kusoo bandhigi karo qofka aan ahay. 


SBC waxaa leh Mudane Cali Cabdi Awaare oo Markaasi ahaa Wasiirkii arrimaha Gudaha iyo horumarinta Reer Miiyiga ee Puntland, waxaa iyana door muhim ah ku laheyd ogaaanshaha xaaladda Idaacada Marwadiisii Alle Ha’unaxariisto Maamo Yurub Jaamac Miradaar oo maanta (3 February 2022) ku geeriyootay Turkiga.


Maalmihii koowaad ee shaqadayda cusub waxaan ku billaabay in aan shaqeeyo wakhti dheeri ah, buuxiyo meelaha bannaan, ka qeyb qaato Barnaamijyada kala duwan heeggana aan ku ahaado mar walbo xarunta, halgankaasi shaqo siweyn ayeey iigu Gacan qabatay AHUN Maamo Yurub Jaamac Miradaar, waxaana ula mid ahaa caruurteeda, Waana Hab-hooyonimo oo ay dhammaan usoo caawisay Shaqaalaha markay cusbaayeen. 


Labo Bilood Markii aan shaqada joogay waxaa la qabtay qiimeyn lagu sameeyay dhammaan Shaqaalaha oo lagu ogaanayay Weriyaha ugu wanaagsan SBC, Go’aankaasi waxaa looga dhawaaqay Shir jimcaha ay isugu iman jireen Maamulka iyo Shaqaalaha SBC, waxaa shirka nagala qeybgalay Mulkiilaha SBC Mudane Cali Cabdi Awaare iyo AHUN Marwadiisa Yurub Miradaar. 


Agaasime Mowliid Xaaji Cabdi ayaa warbixin soo gudbiyay Kadibna wuxuu la wadaagay Shirka, in aan noqday weriyaha ugu wanaagsan qiimeynta la sameeyay. Intaasi kuma harin wuxu ku daray Abaalmarinta Jaamac waxaa ku dhawaaqaysa Marwo Yurub Miradaar.


Waxaan xasuusta subaxdaasi in AHUN Yurub Miradaar intay istaagtay ay tiri, Jaamac Dabaraani waxaa lagu Abaalmarinaya in loo billaabo Mushaharkiisa iyo in uu tababar u aado dalka Jabuuti Kaasi oo dhici doona Bisha Soo socota, dhammaan waxaa halmar sacbiyay maamulkii iyo Shaqaalihii, waxaana Bishii u horeysay la’isiiyay mushaharka oo ahaa hal Milyan oo Shillin Soomaali ah. 


Tobabarkii Jabuuti wuxuu kusoo aaday 2007, Waxaana ka mid ahaa koox weriyayaal Soomaaliyeed ah oo xiligaasi lagu tababaray in ay bartaan sida loo tebiyo wararka Colaadaha (Conflict Reporting), markii uu tababarka dhammaaday waxaan sii joogay Jabuuti anoo kasoo waramay sanad-guuradii 30-aad ee xornimada Jabuuti, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii xiisahalaha Aroos Wadareedkii loo sameeyay 30-ka qoys.


Markaan soo laabtay Shaqadii halkii ayaan kasii waday, waxaana kusii darsaday SBC inaan noqdo Weriyaha Idaacadaha BBC iyo Hornafrik Muqdisho, in aan horumar degdeg ah sameeyo Iyadoo culaysyo shaqo jiraan AHUN Maamo Yurub Miradaar marwalbo waa nagu garab taagneyd.


17 December 2007: Waxay AHUN Yurub Miradaar illa qeybsatay Mid ka mid ah culeysyadii iigu horeeyay ee iigu yimaada, waxaan BBC kasii daayay warbixin xasaasiyad abuurtay oo la xiriirta Kalfadhigii 19-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo looga hadlay xaaladda Laascaanood iyo 30 Cisho oo Baarlamaanku u qabtay AHUN Madaxweyne Cadde Muuse inuu kusoo celiyo Laascaanood oo dhammaatay


AHUN Maamo Yurub, waxay aragtay anigoo taleefan igusoo dhacay oo qeybta Idaacada kala soo baxay oo meel dhexe taagan, oo la hadlaya Madaxweynihii xilligaasi AHUN Cadde Muuse, markay aragtay inaan arrin iska barriyeelayo oo Madaxweynaha ka qancinayo, ayeey Ii timid oo i weydiisay waxaan la wadaagay xaaladda jirta markiiba door muhim ah ayeey ka qaadatay. Wasiir Cali Cabdi Awaare ayeey arrintu gaartay wuxuuna la hadlay Madaxweynihii culayskaasina halkaasi ayuu ku dhammaaday. 


26 December 2007, Aniga iyo Agaasime Mowliid Xaaji Cabdi waxaan kusoo daahnay xaruntii laga afduubtay labo Shaqaale ah oo ka tirsan MSF, waxaa la gaaray wakhtigii Warka AHUN Marwo Yurub waxay nala soo hadashay dhowr jeer iyadoo degdeg u xalisay Matoorka Idaacada in la daaro madaama Korontadu ay maalintaasi maqneyd, waxay noqotay inaan dhakhso usoo baxno, gaariga ayaa agaasimahu xoog u kexeeyay Boosaaso oo duhurkii mashquulka caan ku ah si aan warka uga gaarno. 


Waxaan tagnay xaruntii Idaacada iyadoo labo daqiiqo ka hartay 01:30 xilligii warka duhurnimo oo lawada sugayo, shaqaalihii kalena ay shaqooyin iyo safaro ku maqanyihiin. AHUN Maamo Yurub waa na dul taagantahay waxay ka welwelaysay in warka baaqdo ama aan weyno waxa sheegno waayo labadayadaba haddaan soo galnay.


Si xaalad degdeg ah oo aysan cid walbo sameyn karin ayaan warka ku galnay, waxaan adeegsanay codadkaan wadanay ee la xiriiray Afduubka, Kadibna waxaan isha sii marinay waxii kale aan heli karno, waxaan xasuusta in warar ku qoran English aan ka akhrineynay Internet -ka anagoo ku hadlayna Soomaali, Balse ishu-akhrinayso English. 


SBC waxaa kasoo shaqeeyay dhallinyaro badan oo wiilal iyo gabdho leh, dhammaantood waxay AHUN Maamo Yurub u ahayd hooyo caawisa xiliga Addag iyo kan wanaagsan, dhammaan inta hadda ka shaqeysa iyo kuwa ka aflaxay ee xarumaha kale u shaqeeya iyo kuwa sidayda siyaasada iyo mihnadaha kale galay, waxay u hayeen Maamo Yurub Ixtiraam weyn.


Ugu danbeyn waxaan tacsi u dirayaa Adeer Wasiir Cali Cabdi Awaare, Eheladii iyo Qoyskii Marxuumada Yurub Miradaar, Maamulka, Shaqaalaha iyo dhammaan dadkii aan kasoo wada shaqeynay SBC . Dhammaanteen Samir iyo Iimaan, Marxuumada alle ha janeeyo Aaamiin.