Wednesday 22 April 2020

Puntland ma xayirin, badeecadda u socota Gobolada kale.

                          

Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed iyada oo illaalinaysa  xuquuqda macaamiisha ayay qaadatay tallaabooyin ay ka mid yihiin in aan la kaydin karin cunnooyinka asaasiga ah, la kordhin karin sicirkooda , isla markaana cunnadii lagu quudan jiray gudaha Puntland aan loo rari karin degaanno kale si looga sameeyo macaash dheeri ah, iyada oo si xun loo isticmaalayo duruufaha caafimaad ee taagan iyo baahida bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto.

Puntland marna ma xayirin, mana xayiri doonto badeecada dadka Soomaaliyeed kala soo degaan dekadda Boosaaso. Tusaale ahaan Puntland ma xayirin wax canshuur dheeri ahna kuma soo rogin badeecada u socota gobolka kale. 

Taa baddalkeeda xaaladda Caafimaad ee jirta awgeed Puntland waxay cashuurta ka dhaaftay badeecaddaha quutul-daruuriga ah ee kasoo dega Boosaaso, iyadoon loo eegayn meesha ay u socoto  ama Boosaaso ha u socoto ama Beledweyne.

Dadka iyo dawladda Puntland marna kama suuroowdo in ay duruufaha adag ee dalka ka jira u isticmaasho aalad cadaadis kuna dhibaatayso ummadda Soomaaliyeed ee la daalaa -dhacaya cudurrada, colaadda, abaaraha iyo fatahaadaha. 

Sidii dhaqanka u ahayd dadka iyo dawladda Puntland waxay mar walba u taagan yihiin sidii ummadda Soomaaliyeed looga difaaci lahaa aafooyinka, guud ahaanna dib loogu yagleeli lahaa dawladnimada Soomaaliya.