Wednesday 6 January 2021

Xasuustayda: AHUN Axmed Cabdi Nuur.

Markii iigu horeysay waxaan is maqalnay 26-kii December 2007 xili barqo ah anigoo  BBC Laanta Af-Somaliga ugasoo waramayey Boosaaso, AHUN Axmed Cabdi Nuur wuxuu  maalintaasi igala shaqeynayay warbixinta Afduubkii Loo geystay Labo ka mid ah Shaqaalihii MSF uga howlgeli jiray Boosaaso.


Waxyar kadib markii aan xaqiijinay in Afduubku dhacay waxaan booqanay goobtii falku kadhacay, waxaa i weheliya Agaasimahaygii SBCTV/Radio oo aan ka tirsana Mowliid Xaaji Cabdi, intaan joogay halkaasi waxaan Wareysi la yeeshay Shaqaalihii xarunta, qoysaskii MSF caawin jirtay iyo Saraakiisha laamaha amniga ee Puntland.


Shaqo dheer kadib waxaan kusoo laabanay xarunta SBC anagoo kasoo daahnay in wararka Idaacada aan xili hore soo saarno, balse madaama warka u weyn ahaa maalintaasi Afduubka dhacay, waxaan go’aansanay aniga iyo Agaasime Mowliid inaan warka korka kawada akhrino si talantaali ah iyadoo aysan waxba noo qorneen.


Si aan kala go’laheyn ayaan isula mugaabinay warka, codadka dadka aan wareysanay ayaa xaalad degdeg ah looga saaraya Firdhiyaha, Xooggaa markaa hadalka wadnoba  waxaa nalala soo gaaraya warqad uu ku qoranyahay war cusub, oo ku qornaan kara Soomaali ama English aad indhaha ku turjumayso si aad dadka Soomaali ugu sheegto waxa warqada ku qoran, sidaasi oo ay tahay waxaa isna isugaya AHUN Axmed Cabdi Nuur oo diyaarinaya si aan u bilowno wareysi xiisaleh.


Warka SBC wuxuu dhammaan jiray kahor intaan BBC soo gelin, taasi ayaana ii saamaxday in aniga oo nasan aan hore ka bilowno oo ka gaarsiino wareysi kooban, Axmed AHUN waxaa su’aalihiisa ka muuqatay khibrad weyn iyo tafatir heer sare ah, dhowr maalmood oo kale ayaan kusoo aaday isagoo shaqada u leh oo uu wareysiyo iyo warbixino igusoo duway marwalbo waxaan ka kororsan jiray aqoon hor leh gaar ahaan habka isku xirka warka.


Muddo kadib 2012, Nairobi anigoo subax dhex lugeynaya hotel Sarova Stanley ayuu si kedis ah iigasoo horbaxay AHUN Axmed, oo codkiisu uu ka caansanyahay muuqiisa, halkaasi ayeey noqotay inaan cabaar wakhti ku qaadano, isagu weli wuxuu ka tirsana BBC anigana waxaan la shaqeynayay Somali Channel TV, wakhtigaasi AHUN Axmed wuu dareensana Isbedelka xowliga ku socda ee ku dhacaya Warbaahinta adduunka iyo sida wakhti dhow loogu guurayo warbaahin dhex degan Mobile-ka. 


Alle ha u naxariistee wuxuu Axmed ka mid ahaa weriyayaashii kasoo shaqeeyay Radio Muqdisho kahor intuusan ku biirin BBC 1996, wuxuu ahaa xirfadle wax badan ku biiriyey warbaahinta Soomaalida si aad dhinaca tafatirka iyo dhexdhexaadnimada. 


Waxaan u tacsiyeenaya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah qoyskiisii iyo saaxiibadiisa ay isku mihnada ahaayeen.


Marxuumka alle janadii ha geeyo Aamiin.