Sunday 9 August 2020

Alle ha u naxariisto G/Sare Cismaan Cumar Taliyihii Madaxtooyada Puntland


16 May 2020 : Xilwareejintii AHUN Taliye Cismaan

Alle ha u naxariistee G/Sare Cismaan Cumar Maxamed taliyihii Madaxtooyada Puntland, waxaan is baranay isagoo la shaqeynaya Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo xiligaasi ahaa Wasiirkii Qorsheynta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Laakiin wada shaqeynta ugu wanaagsan waxayna dhexmartay markii aan kawada howlgalnay Madaxtooyada Puntland.

Cismaan wuxuu ahaa howlkar ku wanaagsan shaqadiisa oo daacad ah, ayna  ka muuqatay marwalba masuuliyadda saaran, ma xasuusto mar uu shaqo ka daalay, mana xasuusto isaga oo aan feejigneyn, waxaa uu noloshiisa ku jiray heegan iyo diyaargarow ah inuu dalkiisa iyo dadkiisa difaaco isaga oo marwalbo safka hore uga jira waxkasta oo dalkan lagu difaacayo.

Wuxuu ka mid ahaa Ciidamadii Dowladdnimada geeyay Baydhabo xiligii uu Madaxweynaha Soomaaliya ahaa alle ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuu sidoo kale lasoo shaqeeyey Ra'iisalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, isagoo shaqooyin kala duwan oo dhinaca amniga ah kasoo qabtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dadaal shaqo oo uu muujiyey isagoo ah illaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane siciid Cabdulaahi Deni, wuxuu Cismaan ku muteystay in 14 May 2020 loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland, oo uu runtii shaqo wanaagsan ka qabtay.

Anigu shakhsiyan wuxuu ii ahaa saaxiib wanaagsan oo uusan wakhtigu bedelin, kaftama marka ay ugu adagtahay in la hadlo, wuxuu ahaa dhiirigeliye , hoggaamiye ciidan marmar noqda askari aan waxba dheereyn askarta uu taliyaha u yahay, waayo wuxuu ahaa qof aan isla weyneen.

Alle ha u naxariistee G/Sare Cismaan Cumar Maxamed waxaa uu 1985 ku dhashay baadiyaha magaaladda Doolow, wuxuu Waxbarashadiisii ku qaatay magaaladda Qardho kadibna waxaa uu ku biiray Ciidamada isagoo qaatay tababaro ciidan, ifka wuxuu uga tegay  hal xaas oo haysa shan caruur ah oo mid wiil yahay, hadana xaamilo ah.

Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu janadii fardowsa geeyo, isaga iyo saddex xarigle Axmed Yuusuf Cabdi, waxay geeriyoodeen iyagoo dalkooda ka difaacaya maandooriyaha iyo amni darada.