Sunday 31 July 2022

Ileys Bulsho ayuu ahaa. (AHUN Prof. Cabdirisaaq Xuseen Xasan)

                                   
Qofka u yaqaanay si wanaagsan, la kulmay ama kala shaqeeyay arrimaha bulshada iyo dadka uu soo saaray ayaa garan kara in Alle ha u naxariistee Prof Cabdirisaaq Xuseen Xasan oo aynu maanta weynay, uu ahaa Ileys Bulsho oo wakhtigiisa iyo aqoontiisa geliyay si loo helo Kalkaaliyeyaal iyo dhakhaatiir Caafimaad, taas oo ah shaqo aan sahalneyn. 

Dhowr jeer ayaan kula kulmay xarunta Jaamacadda Caafimaadka Boosaaso, oo uu isagu aasaasay maamulayayna, 2007-dii maalin ka mid ah maalmaha waxaa uu ii sheegay in Caafimaadku yahay waxa ugu muhimsan oo Bulsho u baahantahay, hadii aan la helin xarun soo saarta Kalkaaliyeyaal iyo dhakhaatiir ay adkaanayso in wax laga qabto baahiyaha Caafimaad ee dalka ka jira. 


Hamigaasi ahaa in uu Bulshada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyaba uu wax badan ka dhiso dhinaca Caafimaadka wuu ku guuleystay, gabdho iyo wiilal badan oo xaruntiisa kasoo baxay maanta waa kalkaaliyeyaal, dhakhaatiir iyo kuwo gacanta ku haya arrimo caafimaad.


Maskaxdaada bal dib u weydii, dadkaasi la soo baray Caafimaadka, imisa Qof oo inaga mid ah ayeey anfaceen? caawiyeen? ama marku xaalad Caafimaad dareemay u tegay oo ay u adeegeen, waa tiro maleh. 


AHUN Prof Cabdirisaaq waxbarista kama billaabin Puntland, Balse burburkii kahor wuxuu Bare kasoo noqday Jaamacdii Lafoole, isaga  markii danbe noqday madaxii Kulliyada  luuqadaha ee Jaamacada Gahayr, gaar ahaan madaxii luuqada Carabiga, mar walbo iyo meelwalba wuxuu u taagnaa in uu soo saaro jiil anfaca dalkiisa iyo dadkiisa.


Alle waxaan uga baryayaa in uu danbigiisa dhaafo, janadana uu hoygiisa ka dhigo, ehel, saaxiibo iyo bahda Caafimaadkana uu samir iyo iimaan kasiiyo, Aamiin.