Saturday 13 July 2019

Hodon Naalaye : Nalkii La damiyey



                                                                                                      


Alla Ha'unaxariistee Hodon Naalaye intaan ka bartay, waxay marwalbo ka sheekeyn jirtay sida ay u jeceshahay inay dalkeeda wax uga bedesho, waxayna aad ugu dadaali jirtay hirgelinta fekradaha ay u aragto in ay waxbedeli karaan.                                                       


Maalmihii ay bilowday Barnaamijkeedii caanbaxay ee IntegrationTv ayaan anigoo ka shaqeynayey SomaliChannelTV  Xafiiska Nairobi, waxaan ka mid ahaa dadkii ka felceliyey hab-tebinta kowaad iyo sida ku wanaagsan, Waxaan Xasuustaa xiliyadaasi in ay wareysatay Weriye Maxamed Ilkacase oo Muddo dheer Aqoon iyo Shaqo naga dhexeysay.


Waxaan u sheegay in Barnaamijyada noocaasi oo kale ah ay tahay door banaan oo loo baahnaa in la buuxiyo si looga shaqeeyo ishdexgalka Bulshada, isku xirka Qurbojoogta iyo Daljoogta iyo in dadka qurbaha jooga ay maqlaan waxyaabaha wanaagsan ee dalka kasocda.


Hodon waxay safaro ku martay Gobollada kala duwan ee dalka, waxayna Yool ka dhigatay in ay soo gudbiso barnaamijyo xambaarsan bilicda, horumarka iyo dhaqanka oo inta badan ay saldhig uga dhigeysay Hal-ku dhigyo cusub , mar ay dhiirigelinaysay dumarka waxay soo shaacsaartay halku dhigeedii caanka noqday ee  #NaagIskadhig.


Waxay Tusaale wanaagsan u ahayd dadka kusoo laabtay dalka ee hadana ka shaqeeynayay in Soomaaliya laga bixiyo sawir wanaagsan, in la dhiirigeliyo Nabada iyo horumarka ka socda meelkasta oo Soomaaliya ah, waxayna haldoor u aheyd si gaar ah Haweenka Soomaaliyeed


Mar ay ka sheekaynaysay waxa ay jeceshay in lagu xasuusto oo dabcan maantaba lagu xasuusinayo, waxay tiri:


"Aniga u jeedkeygu ma ahan in aan caan noqdo oo aan lacag sameeyo ee u jeedkaygu wuxuu yahay maxaad ka tageysa markaad dhimato oo ay dadku kuugu xusuusanayaan, marka inshaallah haddii ay dadku igu xusuustaan in aan ahay qof markasta jecel in dadka Soomaaliyeed ay noqdaan dad walaalo ah oo fahmi kara muhiimaadda waddankeena uu leeyahay".


Hodon waxay ku dhalatay Laascaanood 19760-dii, Iyada iyo qoyskeedu waxay u guureen Canada sanadkii 1984-dii, waxay wax ka baratay Machadka West Humber iyo Jaamacadda Windosor.

Dilkeedu wuxuu Soomaali ula micno yahay Nal- iftiimiyay  oo la damiyey! waana sababta ay dad badan uga hadlayaan kuwo kalena ay Murugadu aamusisay, waxaan dareenka tacsida la wadaagaya Qoyskeedii iyo Qoyska Odeygeedii Wasiir hore Fariid Jaamac oo isna ay isku meel ku dhinteen. Labadooduba waxay ahaayeen hal-door bulsho, Wasiir Fariid wuxuu hormuud u ahaa qorshe lagu horumarinayo in dalka la beerto, oo kor u qaadaya wax soo saarka dalka.

Waxaan rajeynaya in dadka Hodon la mid ahaa iyo kuwa iyada ay baraarujisay ee ay ku hagtay ka shaqeynta horumarinta dalka in aysan isdhiibin oo uusan falkan rajo-dilin, Laakiin ay dhameystiraan halgankii walaashood bilowday si Soomaaliya loo gaarsiiyo meel ay istaahisho.






Friday 21 June 2019

Abwaan Singub iyo intaan ka xasuusto

Markii iigu horeysay Alla Ha'unaxariistee Maxamuud Cabdullaahi Singub waxaan ku kulanay Garoowe 2008-dii, xiligaasi oo isaga iyo koox fanaaniin ah oo reer Jabuuti ah ay bandhig-faneed uu yimaadeen Puntland.

Waxaan uga sheekeeyay Riwaayadihiisii hirgalay, kuwii aan aadka u daawaday iyo halys wixii aan hadalkiisa ka xasuustay, Alla Ha'unaxariistee Singub wuxuu isna iiga waramay caqabado uu kala kulmay Mareykanka kadib markii uu soo saaray Riwaayadiisii taxanaha noqotay ee Qabyo.

Dhowr jeer ayaan isugu nimi Fagaare isaga oo aad u kaftamaya, Waxaan xasuustaa habeen Marwo Caasho Geelle  oo ahayd Wasiirka  Haweenka ee Puntland, ay Xaflad casho ah u sameysay Madaxweynihii Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf iyo Madaxweynihii Puntland ee Xiligaasi Cadde Muuse Xirsi oo uu goobjoog ahaa Abwaan Sangub, Alla Ha'unaxiirsto saddex-daba.

Wuxuu Abwaan Singub ka sheekeeyay da'ada iyo sida aan looga run sheegin, isagoo kaftan dhex-dhigay AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Gen.Cadde Muuse,  taasi oo sababtay in Madaxweyne Cadde Muuse uu yiraaho "Cabdullaahi Yuusuf weligiis waa iga weynaa", Laakiin Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa markii hadalka la siiyey ku billaabay "Caddow kaama weyneen ee waa kaa darajo sareeyay", kaftankaasi oo uu fure u ahaa Abwaan Singub.

Abwaan Singub wuxuu habeenkaasi xafladda kusoo bandhigay Suugaan ku saabsan Midnimada Soomaaliyeed, iyo wacygelinta jiilka cusub. Waxaan sidoo kale xasuustaa in isaga iyo kooxdiisu ay meesha kusoo gudbiyeen hees ay Puntland uga mahadcelinayaan teegaradii ay siisay Jabuuti, markii ay dirireen Jabuuti iyo Eritrea.

Wixii intaasi ka danbeysay waxaan dhowr jeer ku kulanay Muqdisho, isagoo aad ugu mashquulsan soo nooleynta Suugaanta Soomaaliyeed, Singub oo dhashay 1943-dii ku dhashay magaaladda Dhagaxbuur ee degmada Jarar ee Dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa laf-dhabar u ahaa Suugaanta Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed waxaa ay waayeen Abwaan loolla laabto wixii Suugaan ah, shakhsi ah keyd-nool oo dhinaca dhaqanka ah, furena u ahaa soo nooleynta iyo illaalinta Suugaanta Soomaaliyeed.

Alla Ha'unaxariisto Abwaan Singub, waxaan dareenka tacsida la qeybsanaya Soomaali oo dhan , asxaabtiisii Suugaanta iyo eheladiisii.

Sunday 21 April 2019

Xirsi iyo intaan ka xasuusto




Alla Ha'unaxariistee Cabdirashiid Maxamed Xirsi waxaan isbaranay isagoo Siyaasada Puntland aan si fiican ugasoo dhex muuqan laakiin loo ogsoonyahay inuu ahaa odeyaashii doorka ka qaatay dhismaha Puntland 1998.

2008-2009 ayaan kula kulmay Garoowe markaasi oo Cabdirashiid uu ku biirayey Baarlamaanka Puntland oo markii danbe loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, xiligii uu Madaxweynaha ahaa Cabdiraxmaan Faroole.

Intuu Xilkaasi hayey waxaa uu laf-dhabar hogaan oo aan qarsooneyn ka ahaa dowladdii xiligaasi ka jirtay Puntland, marka la eego doorkii iyo muuqashadiisii golayaasha lagu gaarayo go'aamada masiiriga ah iyo ka talo bixinta xaaldkasta oo timaada, si gaar ah arrimihii Siyaasada ee u dhexeeyay Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Markii la doortay Madaxweyne Cabdiweli Gaas 2014, Cabdirashiid Maxamed Xirsi culeyskiisa Siyaasadeed wuxuu ku noqday Masuul aan looga fursan labo Wasaaradood oo kala danbeeya, wuxuuna noqday Wasiirka Howlaha Guud marna Wasiirka Kalluumeysiga Puntland.

Waxay ahyed wakhtigii ugu badnaa ee aan toos ula kulmo xiliyo shaqo iyo kuwo sheeko, waxaan xasuustaa doorkii hogaamin ee uu kulahaa Guddiyo wakhtiyo adag kasoo shaqeeyey Puntland, si gaar ah xiliyo ay Puntland ku jirtay dagaalo Siyaasadeed iyo kuwo Argagixiso, sidoo kale ma illowsani inuu qeyb ka ahaan jiray guddiyada horumarinta iyo guddiyada Puntland u qaabilsan soodhoweynta, martigelinta iyo qorsheynta kulamada waaweyn.

Dhaqankiisa intaan ka aqaano wuxuu ahaa nin ku fiican ballanta oo ehlu diin ah, yaqaana wuxuu oranayo hadalka cad marka ay adagtahay in runta la sheego, wuxuu ahaa bulshaawi uu fahmi karo qofkasta iyadoon loo eegayn da'ada iyo mansabka midna.

Wuxuu ahaa nin kaftama markay noqoto, waxaan xasuusta mar aan ka wadahadalnay qof magaciisa ku isticmaala Facebook oo marba wax qora, Isagoo dhoola-cadeynaya wuxuu ii sheegay in uusan laheyn balse ee uu aad ula yaabay sida qofkaasi u jilayo isaga, marba meshu joogo iyo xaalada taagan. Qofkaasi hada maqan wuxuu ciwaankaasi ku sameynayo mar hadii masuulkii laha geeriyoday ma xiraya? mise tolow magaca masuulkale ayuu ku qoranaya?

Alla Ha'unaxariistee Cabdirashiid Maxamed Xirsi shalayto ayaa lagu aasay magaaladda Garoowe, waxaan geeridiisa uga tacsiyadeenaya umada Soomaaliyeed, Shacabka Puntland iyo eheladiisa.

Mahadsanid inaad akhrisay qoraalkayga.