Monday 14 December 2020

Walaalo aan wada dhalan

Sharaf bay ii ahayd inaan Mohamed Ahmed Ilkacase kusoo dhoweeyo Xarunta Madaxtooyada Puntland, waa saaxiib aan isku mihnad aheyn oo soo wada marnay marxalado kala duwan, mar ayaan Puntland iyo Soomaaliyaba ka aheyn labo weriye oo laga yaqaan haddana isku meel ka wada shaqeeya, isku Iskuulna soo noqday, dadka qaar waxay noo yaqaaneen Walaalo aan wada dhalan.


Waa saaxiib aan wakhtigu bedelin kaftama marxalad kasta, leh hal abuur xirfadi ku dheehantahay oo lagu gudbiyo wararka iyo Barnaamijyada. Wuxu marwalbo jecelyahay inuu dalkiisa iyo dadkiisa ku biiriyo wixii doorkiisa ah. 


Ilkacase wuxuu igusoo dhoweeyay Idaacadda SBC oo aheyd xaruntii Warbaahin ee ugu horeysay ee aan kashaqo billaabo, mar danbena waxaan ka wada shaqeynay ETN TV, dalka dibadiisa markaan u baxnay waxaan doorka warbaahin kasii wadnay Kenya xiligaasi oo weriyayaal badan ay halkaasi xarun u noqotay, waa meeshii aan ugasoo biiray Somali Channel TV. 


2013 ayaan Ilkacase ka sagootinay Nairobi isagoo u ambabaxay Canada halkaasi ayuuna sanadihii u danbeeyay ku noolaa, muddo kadib waxaan  isaga iyo Weriye Bulgaaz Abdirizak oo isna nala wakhti ahaa soona wada shaqeynay xiligii boosaaso aan 2017 ku Kulanay Sweden oo Reerku u deganyahay. 


Inkasta oo uu dalka muddo ka maqnaa haddana magaciisu iyo shaqadiisu waxay ahayd mid inala joogta, Wuxuu door muhim ah kasoo qaatay horumarinta Warbaahinta Puntland iyo Soomaaliyaba.


Haddaa kunooshahay Puntland ama si uun u adeegsato Golis Telecom, Ilkacase waa isaga qofka ka dhex hadla taleefanka. Taasi ayaa sababtay in isaga oo sanado dalka ka maqan hadana uu codkiisu baaqi kusii ahaado dhegaha dadka.


Saaxiib Ilkacase kusoo dhowoow Garoowe oo ay kugu danbeysay 2009, xiligaasi oo aynu wada tebinay Doorashadii lagu doortay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, waxaan rajeynaya in fariinta socdaalkaagu sii dhiirigeliyo qurbojoogta dalka kusoo laabanaysa oo qayb ka noqonaya horumarka socda.