Maamulka iyo Madaxda Jaamacada Windeshiem University ee dalka Holland ayaan macasalaameeyey kadib markii ay ii dhamaatay fursad wadashqeyn oo aan halkan ku qaatay, Intaan Joogay Holland Khudbaddo iyo doodo la xiriira warbaahinta ayaan ugu yaraan halmar asbuucii halkan kula yeelan jiray ardey qeybtood barta Saxaafada , weriyayaal, kooxo xuquuqul aadane iyo sharci yaqaano.
Shaqada ugu badan waxay na dhexmari jirtay dhowr macalim iyo
maamulka oo kasoo kala jeeda Netherland, Germany, Belgium iyo Thailand. Casharada ugu badan waxay la xiriireen inaan
wax kala faa’idno oo anigu u sheego sida warbaahinta Afrika u shaqeyso iyaguna
kuwooda khibrada leh ay iiga waraman sida ay Warbaahinta Europe u shaqeyso.
Waxaan ka doodnay caqabadaha mideeya warbaahinta adduunka
iyo fursadaha ay is dheeryihiin, Soomaaliya aniga ayaa halkan ku metelayey,
waana sababta aan dhegaysi fiican u helayey marka aan ka hadlayo xaalada
warbaahinta, madaama dalkeyga uu ka midyahay meelaha weriyayaashu ku shaqeeyaan
marxalado adagg.
Reer Europe waxaan u sheegay in adduunka markii hore uu
warku ka iman jiray dhinaca wadamada reer Galbeedka anigoo tusaale usoo qaatay
Duulaanadii Mareykanka, Hindisihii Germany ee Hitler rabay inuu Europe ku
qabsado iyo dagaallkii labaad ee adduunka, waxaan u sheegay in xiligaasi Afrika
ay nabad aheyd oo wax soosaarka ku mashquulsaneyd- waxa aan maqli jirney ama la
tebin jirayna ay ugu badnaayeen wararka khasaaraha wata ee wadamada reer Galbeedka
ka iman jiray.
Laakiin dagaalkii labaad kadib , waxaan u sheegay in
Wadamada Galbeedku ay la yimaadeen siyaasad deganaansho oo aysan dalalkooda ugu
ogolaan dhacdooyinkii hore kuwo la mid ah, kadib xiligaasi waxa warka uu illaa
iyo maanta ka yimaadaa Afrika iyo Asia, sida qaraxyo, dagaalo iyo kacdoono
madax lagu tuurayo, idinkuna markiina ayaa na dhegaysanaysaan marna na
tebinaysaan, waxaan u sheegay in wararka Galbeedka yaalla ay hada u badanyihiin
wararka dadka caanka ah (Celebrity News).
Dooda la xiriirta war-ka aad ayaan ugu dheeraanay waxa war
ah iyo waxa aan war aheyn? Waxaan ka hadalnay saameynta warbaahinta Bulshada ,
sidoo kale waxaan kala faa’idney sida ay u shaqeyn karaan weriyayaasha
caqabadaha ku hareeraysanyihiin, xubnaha u dooda xuquul aadanaha iyo qaabka
Weriyuhu Bulsho wax uga bedeli karo isagoo aan ka tegin dhex dhexaadnimada.
Inkasta oo dadka Barnaamijkan igula jiray iyo kuwa aan u
khudbadeenayeyba ay dhamaan ka yimaadeen wadamo kayga xooga ka degan dhinaca
maamulka , waxbarashada iyo horumarka, hadana waxaan aad ugu faraxsana inaan
wax u sheegi karo anigoo wax uga sheegaya khibradayda saxaafada, waxa ugu
muhimsana waxaa uu ahaa feker isweydaarsi iyo in qofba uu sheego siduu wax u
yaqaano, kadibna laga doodo waxyaabaha muhimka loo arko.
Arrinta Soomaaliya oo aad wax la iiga weydiiyey dadka waxaan u sheegay in Soomaalidu yihiin
dad wanaagsan oo haysta dal wanaagsan, laakiin uusan maanta wakhtigu lajirin,
sababtoo ah dalkasta waxaa uu soomaray xilli uu burbursana, kuwo dhisana waxa
dhacda inay timaado xili ay burburaan, waxaan u sheegay inaan rajo kaqabno
maalin uun inuu dalkayagu noo hagaago, taasi oo aan hada fileyno ineysan
fogeyn.
Macallimiinta iyo Maamulka Jaamacada iyo saaxiibada
warbaahinta ee dooduhu na dhexmareyn, waxaan uga mahadceliyey inay isoo
dhoweeyeen si fiicana iisiiyeen door muhim ah oo muuqda si aan wixii aan ku
dhaamo ugu sheego iyana iigu sheegaan wixii ay iiga cilmi badanyihiin, waxaan u
sheegay inaan Macasalameynayo aniga oo dhoolacadeynaya- sababtoo ah waxaan u rajeeyey
inaan isugu nimaadno markale fagaarayaal kale oo adduunka ah iyo goobaha
aqoonta warbaahinta.
This comment has been removed by the author.
ReplyDeleteWell done Hero
ReplyDeleteWeldone bro go forward
ReplyDeletejama daparani sxp hore usoco nin firfircoon oo karti leh baad tahee
ReplyDelete