Aniga iyo wafdi aan la socdo oo ka kooban xubno isaga kala yimid wadamo kala duwan oo aduunka ah waxaan booqanay Maxkamadda Danbiyada Adduunka ee International Criminal Court "ICC" oo ku taala magaalada Den Haag, Netherlands.
Waxay ku dhextaala meel biyo ah oo dhismayaasha loo qaabeyey si ka turjumaysa Awoodaha sharci ee Maxkamadda, waa dhowr dhisme oo kan dhexe yahay kan howsha ugu badan qabta marka la eego shaqada fulinta iyo xarunta go'aamada, sidoo kale waxa jira dhismayaal maamul, dabagal iyo kuwo sharci-dejin.
Si aad u heer sareysa ayaa loo illaaliyey amaanka xarunta waxa ugu horeeyey ee naloo sheegayna waxay ahayd inaan la ogoleyn sawir ama muqaal la duubo inta lagu dhex jiro Maxkamadda, dhowr baaritaan oo qeybtood si casri ah loo marayo ayaana ka socda albaabka hore iyo qeybta dhexe.
Dadka ila socday waxay isugu jireen Madaxda Hay'addo taageera warbaahinta, madaxda xafiisyo xuquuqul insaanka ka shaqeeya, weriyayaal iyo qareeno, dhamaana waa koox aan wada qaadanay aqoon kororsi la xiriira warbaahinta.
Waxaa nala socday wiil u dhashay dalka Suudaan, markii la isweydiiyey qofwalba inuu Passpor-kiisa lasoo baxo, ayaan xasuustay in Maxkamaddu raadineyso Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir, waxana si hoose dhegta ugu sheegay muwaadinkii u dhashay Suudaan, hadalkayga iyo waxa kulmay qoladii Passpor-kiisa computer-ka ku fiirnaysay oo arkay oo dhoolacadeeyay.
Markaan gudaha galnay waxaa nala geeyey qeyb loogu talagalay in dadka martida ah iyo kuwa booqashada u yimaada lagu siiyo wixii xog ah ee la xiriira Maxkamadda , sida ay u shaqeyso iyo isbed bedelada ay soo martay.
Waxaa noo waramay William Saint-Mchel oo lataliye sare oo dhinaca sharciga u ah Madaxweynaha Maxkamadda, Emma Fernandez Ruperez oo madax ka ah qeybta dabagal-ka Kiisaska iyo Anne-Aurore Bertrand oo qaabilsan xiriirka dibada iyo Xafiiska Iskaashiga.
Maxkamadda waxaa ku mideysan 124 dal, 33 ka mid ah waa African, 19 waa Asia, 18 waa Bariga Europe , 28 waa laatiin America, 25 waa galbeedka Europe iyo Waqooyiga Mareykanka. Wadamo ay ka midyihiin Soomaaliya iyo Suudaan kama mid ahan Maxkamaddan.
Iyadoo su'aalo la weydiinayo Madaxda Maxkamadda ayaan weydiiyey Emma Fernandez Ruperez, Waxaa ka mid ah in la idinku eedeeyo ina Madaxda Afrika keliya dabagalka iyo xukunka ku sameysaan, arrintaasi sidee u saameysa shaqada aad heysaan iyo kalsoonida Maxkamadda?
Waxay tiri "Waa nala dhaha sidaasi waana maqalna, Laakiin waxaan idiin sheegaya wax walbo oo shaqo ah oo la qabtay ama wadan kasta oo Afrika ah oo Maxkamaddu dabagal iyo go'aamo ka sameysay, waxaan ku sameynay wax kasta dalab wadankaasi ka yimi , wadankasta iyaga soo dalbada in la baaro arrintooda"
Waxaan weydiiyey Soomaaliya arrinteeda muddo waa qasneyd, muddo ayeeyna nagu qaadatay inaan colaad iyo dagaalo kasoo kabano, inkastoo aanan Maxkamadda ka mid aheyn, hadana majirta wado aad kula xisaabtami kartaan hogaamiyayaasha danbiga lagu helo.
Waxay tiri "Waa run Soomaaliya kuma jirto halkan, waxa dhacaya hadana gudaha Soomaaliya uun bey ku egyihiin, marka ma jiri karto qaab aan u wajahno, Laakiin hadii ay soo baxdo arrin kala dhexeysa wadan Maxkamaddan ka diiwaangashan- oo hogaamiyayaashu wadankasi wax ka sameeyaan markaasi oo kale waa la geli karaa kiiska iyadoo loo marayo wadanka Maxkamaddan ku jira ee ay wax kala dhexeeyaan"
Waxaan weydiiyey, Aduunka maanta danbiga ma galaan Madax iyo Siyaasiyiin oo kaliya, waa dhacda in ay awood raadis wax badan u sameyn karaan siyaasiyiin, Laakiin sidoo kale waxaa jira dhinacyo ama hogaamiyayaal iyana wax dila, oo qeybtood xukun raadis ah , waxaa ka mid ah Xoogaga ka dagaalamaya Nigeria , Syria , Ciraaq iyo Soomaaliya - dhinacyadaasi ajendihiina kuma jiraan miyaa, mise idinku waxaa daba gashaan danbiyada Siyaasiyiinta oo qura?
Waxay tiri "Waa sax aduunka danbi magalaan siyaasiyiin oo keliya , sida sheegtay ururo argagixiso, ama kooxo hubeysan ama dhiniacyo kale ayaa jiro, anaguna inta badan tilaabooyin waan ka qaadna balse waxay ku xirantahay wadankaasi inuu ku jiro Maxkamadda iyo inuu soo dalbado baaritaan, mar walbo waxaan wajahna awooda ugu sareysa dalkaasi oo ah dadka masuuliyaddu saarantahay ee Madaxda ah"
Wiil u dhashay Suudaan ayaa weydiiyey gabadhii, Madaxweynaheyga waad raadinaysaan, hadana wuu safra xitaa wuxuu tegay South Africa oo ku jirta Maxkamaddiina lamana xirin, sidee u aragteen arrintasi maxa sameyseen ?
Waxay tiri "Waa run Maxkamaddu waa raadinaysa Madaxweyne AlBashiir, waana la soconay inuu booqday South Africa, waan la xiriirnay dalkaasi oo kala hadalnay arrintaasi, runtii anagu ma u dirno Booliis qofka soo xira, Laakiin Wadamada Maxkamadda ku mideysan ayeey tahay waajibkooda inay xiraan, iyagaan cadaadis ku saarnaa".
Markii aan is xogwareysiga dhameysanay waxaa nalagu casumay inaan dhegaysano dacwad si toos ah xarunta uga socotay, qalabka dhegaha ee wax lagu dhegaysto ayaa qof walba dhegaha gashtay, waxay dacwadu ku socotay labo luuqadood English iyo France , markaasi adiga ayaa doorkaaga leh taa fahmeyso oo ku dhegaysanayso.
Waxyar kadib ayaan kasoo baxnay dacwadii iyadoo nala tusay sida wax u dhacaan , kiisaska dacwada , cadeymaha qaabka loo soo bandhigayo , qareenada doodaya iyo garsoorka siduu u shaqeynayo.
Kadib waxaan macasalaameynay Madaxdii nala kulantay iyo shaqaalihii na caawiyey ee na kala tusayey dhismayaasha kala duwan. waxaa nalagu sagootiyey buugaag iyo qoraalo ka sheekaynaya xarunta ICC iyo siday u shaqeyso iyo taariikhdeeda, sidaasi ayaan aniga iyo saaxiibaday ku dhameysanay booqasho hal maalin qaadatay oo aan ku tagnay Maxkamadda Danbiyada Aduunka ee ICC.
Waad mahadsantahay inaad akhriday qoraalkayga.
Halkan ra'yigaga ku dhiibo kadib la wadaag saaxiibada. Mahadsanidin
ReplyDeleteMAHDSANID J DABARAANI
ReplyDelete