Markii uu dalku burburay dadka Gobolada Puntland waxay isugu
yimaadeen kulamo iyo shirar kala danbeeyay, rag iyo dumar ayaa shaqeeyey
habeeno iyo maalmo, u samray culeysyadii jiray xiligaasi si shirweynihii
Puntland u hirgalo, ugu danbeyna waxay natiijadu noqotay dhismaha Puntland oo maanta
ah hormuudka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirka wadatashiga Puntland ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne
Siciid Cabdullaahi Deni waa fursad dahabi ah oo ay heleen dadweynaha Puntland, Shalay
talo ayaa lagu dhisay Puntland, talo ayaa lagu waday, maantana talo ayeey uga
gudbeysa marxalad kasta.
Hoggaamiyeyaasha wanaagsan oo keliya ayaa u ogolaada
wadatashi dadweynaha, waayo waxaa badan inta aan fursad talo-bixin dadkooda
siin oo jecel rabitaankooda in ay wax ku go’aamiyaan. Sidaasi darteed wadatashi
wuxuu marwalbo noqdaa mid miro-wanaagsan dhala.
Ma garan karo sabab looga soo horjeesan karo ma eed loogu
yeeli karo Wadatashi ay isugu imanayaan Dadweyne iyo Madaxdooda, waxa aadan
sameyn Karin hadii qofkale awoodo mahan in ay ku damaqdo, ama aad u raadiso eed
iyo dhalliil! wax wanaagsan haduu yahay waxay ku qurux-badantahay in aad ugu
hambalyeeyso oo weliba isku daydo inaa uga dayato.
Madaxweyne Deni fursada watashiga Puntland kuma koobin
Masuuliyiinta Puntland xilka ka haya oo keliya, Balse waxaa sidoo kale dadka
wadatashiga loogu yeeray qeyb ka ah Masuuliyiinta Puntland ku metela Dowladda
Federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo muujineysa in uusan shirku aheyn mid
dad-gaar ah , balse uu yahay Shir-weyne reer Puntland oo qofkasta oo masuuliyad
ku metela dadweynaha Puntland looga baahanyahay inuu kasoo qeybgalo.
Waxaan u arkaa qofkasta oo reer Puntland ah inuu maanta
haysto fursad taariikhiya oo uu door ugu yeesho, ka shaqeeyo , garab istaago
ama uu goobjoog uga noqdo Shirweyne Wadatashi oo dadweynaha Puntland iyo
Madaxdoodu isugu yimaadeen.
Mahadsanid inaad akhrisay, qoraalkayga.
ReplyDeletejamac walale waan arkaa qormadaada inkastoo aan jeclahay wanaaga umada soomaaliyed lkn puntland manta maha puntland loo dhan yahay ama hadan si kale u dhigo puntland ti 1988 kii laysla asasay waxa jira is bedelo dhanka qaba ilka ah oo qabaa ilkii soo dhisay maamulkaas manta ay intooda badan ka maqan yihiin marki lagaso tago halqoys oo isu dhiib dhiib ah moyiye manta puntland waxay taas kusii darsatay inay garab marto qaranimadi soomaaliya oo isu aragto dowlad madaxbanaan sida ka muuqata hadalada walalkay deni oo markasto uu hadlayo anan ka helin hadalkiisa inu yahay muwadin soomaaliyed lkn isu arka dowlad kale oo ka madaxbanan tii dhexe ee soomaalida mideynaysay Deni waxaad nooda qaranimada iney uga dhawaayeen madaxdii hore ee soo martay maamulka puntland marba marka kasi denbeysa shacabka reer puntland waxa qabanaya nin kasi fogaynaya ehelkoodi iyo dadkoodi soomaaliyed aad moodana inuusanba ahayn ninkani muwaadin soomaaliyeed deni malinki la dortay ila manta dowlada dhexe lama uusan kulmin xuman iyo saman wuxu kala kulmi lahaaba why miyusan ahayn madaxweyne maamul goboleed ee soomaliyeed muxu uga cararaya madaxda dalka oo manta mararaxisha wax marayaan aad xog ogaal u tahay so maha kala fogayn shacabka puntland iyo shacabka kale somaliyed?? mahadsanid
DeleteKa Shacab ahaan Uma arko Shir miro dhalaya , In Lashirona Muhiimadu ma ahan e waxaa muhiim ah Dawladu ma ku dhaqaaqaysa wixi kasoo baxa Shirkas , ma ugu yeei kartaa cid mucaarad ah Oo ka fikir duwan .
ReplyDeleteDhalinyaro iyo Aqoonyahan wax falanqayanaya ma lagu casumi doona?
Ugu Danbayn waxan leeyahay yaan Kharaj la lumin hadii aan natiijo kasoo baxayn.
Eeda Ugu wayn aan saarayo Dawladda Puntland Waa Siyaasadaynta masiirka umaddaa Ee ay kaw katahay Deyn Cafinta oo ay ku dhawaaqday inaysan ka qayb galayn Puntland.
Mahadsand.
Shirweyne wada tashi ma xuma waana wax wanaagsan waana soo dhoweynaynaa lkn waxaad moodaa inay muuqato saasaan ah in Majaraha laga leexinayo shirka sawirkiisana la fool xumaynayo sidda hadda wax ku socdaan haddaan la daba qaban.
ReplyDeleteMaxaa loogu diiday shirkaa shakhsiyaad loo arko inay mucaarad yihiin hadiba wadatashi loo dhanyahay yahay
ReplyDeleteWaxaan u arkaa shir maxamud saleeban Kaliya isku arki doonaan oo uusan ahayn shir puntland m saleeban way shiri karan balse ma oran karaan puntland baa shiraysa
ReplyDeleteShir mugdi badan ku jiro ayaa muuqda runtiina puntland manta waa u bahan tahay shir ku saabsan wixii ka xumaday iyo la xisaabtanka dadka masuulka ah kala taga iyo burburka ku yimi dadka wada dhistay puntland lkn uma baahna shir danaysi gaar ah lagu wato shacabka afkaartiisana maha mid noocaas deni waxaa laga rabaa inuu u dhibriyo dalka, shaqqeeyo hanashada kalsoonida shacabka manta waxaan ka dheregsanahay halka ay kala joogan shacab ka dowlada taasna wxaa keenay habdhaqan ka cusb madaxtooyada puntland ee canjarafaynta iyo lala dilka dadka degan puntland
ReplyDeleteMudane afayeen waad ku mahadsan tahay qormadaada quruxda badan balse waxaan kuu sheegayaa baroortu orgiga ka weyn ....aan ku warsadee waydiimahaan .
ReplyDeletePuntland maxaay wada tashi uga qaadan wayday asaaskeedii hore ee kala lumay?
Puntland maxay uga tashan wayday wadajirka mid guud soomaaliya iyo mid gaar ah puntland?
Puntland aaway wada tashigii iyaga horay ugu oolaa xagee lagu furay amase lagu xidhay?
Puntland maxaa wada tashigeeda ku soo beegay xili ay siyaasadda isku maan dhaafeen dowladda dhexe ?
Waxaan maqli jiray saca naasa adag iyo maxaa weedha kulan siieyey .
wax faaido ah maleh madaama ay tuugtu ay shirayaan
ReplyDeleteruntii way fcntahay inay dadku dantooda ka tashadaan iyo waxa ka dhaxeeya aan wada hadalno waa aan heshiino
ReplyDeleteMahadsanid deparaani sxb wa qormo iqancisay
ReplyDelete