Friday 19 May 2017

Xaqna la iguma xirin, xaqna la iguma siideyn. waxaan qoray 29 November 2015

Waxaan ku faraxsanahay inaan markale halkan kuwada xiriirno , kadib 11-maalmood oo aan xirnaa (18-November illaa 29 November 2015). Waxaan ka mahadcelinaya daddaalkii Habeen iyo maalinba socday ee ay Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Puntland u sameeyeen siideyntayda.

Ururka Saxafiyiinta Soomaliyeed ee NUSOJ , Ururka saxafiyinta Somaliland ee SolJa , Ururada kale ee weriyayaasha qurbo joogta ah iyo dhamaan weriyayaasha afsomaliga ku hadla ayaan iyagana uga mahadcelinayaa sida ay uga damqadeen xarigayga.
Beesha Caalamka gaar ahaan Xafiiska Qaramada Midoobey iyo Saaxiibkay Nicholas Key waxaan uga mahadcelinaya , go’aankiisa la xiriiray xarigayga . Dowlada Federaalka Soomaaliya si gaar ah wasaarada warfaafinta , Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlimaanka Puntland ee iyaguna arintayda ka hadlay iyagana waxaan lee’ahay wa mahadsantihiin.
Xarigayga waxaa loo maray wado aan sharci aheyn , waxaana la isoo daayey iyadoo aan la igeyn maxkamad oo aan lasoo bandhigin wax eed ah oo la ii haysto , midaasina sharci mahan! Waxaan dalbaday in maxkamad la igeeyo si dadka bal loogu cadeeyo waxa la igu xiray , Laakiin arintaasi markii Ururka Saxafiyiinta Puntland codsaday lama sameyn! Sababtuna wa in la waayey wax la igu eedeeyo, taas ayaa keentay in hadana la isoo daayo maxkamad la’aan!.
Mar hadii la ixiray , oo Maxkamad xitaa la I geyn waayey , oo eed la ii waayey , waxaan rajeynaya in hada kadib aan ka baaqsan doono handadaadii sida tooska iyo sida dadbanba isoo gaari jirtay.
Waxaan rabaa inaan halkan ku sheego in xariga la I xiray uusan waxba saameyn ku yeelan doonin shaqadii aan hayey , Oo la micno ah inaan noqon doonin mid aarguta ama mid u shaqo gaabiyey cabsi darteed! Sababto ah shaqada aan heyno ayaa na bartay in hadaan nahay weriyayaasha soomaaliyeed aan qabatino Eed , Xarig , Hanadaad iyo dil.
Waan ogahay in shaqada aan hayo aysan dadka oo dhan igu wada jeclaneyn , hadana sidoo kale aysan igu wada naceyn, waayo shaqo aad qabatay ayaa dhinacna raaligelinaysa dhinaca kalena uu aad u dhibsan karaa. Sababtu waa inaan sheegno waxa dhacaya , waxa dhacayana mar walbo ma noqon karaan wax qof ama dhinac gaar ah qancinaya.
Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan waan uga mahadcelinaya sida ay xarigayga uga damqadeen , si gaar ah waxaan ugu mahadcelinaya saaxiibadayda (facebook) ee ka badan dhowr-iyo tobanka kun. Weliba kuwooda sida hufan u hadlay ee iyagoon cidna ku xadgudbin dareenkooda muujiyey.
Ilaah baa mahad leh.
Jama Deperani

No comments:

Post a Comment