Friday 19 May 2017

Cadde wuxuu ahaa cadde

Alla Ha'unaxariisto Cadde Muuse Xirsi
Anigu waxaan maqlay aniga oo yar , waxaan arkay anigoo ardey ah waxaana bartay aniga oo ah weriye socod barad ah, isagoo ah Madaxweynaha Puntland ayaan dhowr jeer wareystay anigoo idaacad ka shaqeeya, maalintii danbe ayaan ugu tegay madaxtooyada Boosaaso markaan is baranay oo uu muuqayga arkay ayuu igu yiri ma’adigaa ninka i wareystay markaasi baan ku iri haa madaxweyne wuxu igula kaftamay waxatahay “weriye yar oo weyn” isaga oo ula jeeda muuqayga iyo codkayga.

Waan qoslay, waan kaftanay waxaana uu u sheekanaya si furan oo aysan waxba ka muuqan islaweyni iyo hab maamuusid. Dhowr bil kadib ayaa Maxkamadihii islaamiga waxay qabsadeen Kismaayo iyagoo leh barakada ayaa noo yeertay, maalmo kadibna waxay soo aadeen Puntland, Aniga oo Boosaaso jooga ayaan Cade Muuse taleefan kula hadlay isaga oo Galkacayo Jooga markaasi baan ku iri Madaxweyne waa Jaamac Dabaraani wuxu iigu jawaabay haa waan ku arkaa!

Waan ku arkaa! Qof walbo waxa uu u maleyn karaa wa ku garanaya , Laakiin anigu waan fahansana in Cade warkiisa cadyahay oo uu ula jeedo waan ku fahmaya waxa aad doonayso, oo la micno ah waxaad rabta inaad iga wareysato maxkamadaha soo socda.

Noloshiisa waxaa uu ahaa shakhsi jecel in uu yiraahdo wixii run ah oo markaasi uusan qof walbo aqbali karin, ama ay adagtahay in qof walbo uu yiraahdo, dhowr jeer ayaan joogay isaga siyaasiyiin u jawaabaya, sida isaga iyo AHUN Cabdulaahi Yuusuf oo gole ka fuul hadal isku tuuraya mar walbo AHUN.Cade waxaa uu ku jawaabayay waxa runta ah oo markaasi dadka ka qoslinayey.

Dowladdi uu Cabdulaahi Yusuf Madaxweynaha ka ahaa in ay muqdisho timaado oo Calan Soomaaliyeed lagu celiyo Villa Soomaaliya cade muuse waxaa uu ka qaatay door muhim ah , waxaa uu ku bixiyay lacagtii dekedda Boosaaso , anigoo taasi og ayaan maalin weydiiyay isaga waxa ka jira lacagta uu Muqdisho u diro anigoo jawaab u raadinayay dad ka cabanayey sicir barar , markaasi ayuu si cad u yiri Soomaaliya maanta anagay noo baahantahay waa in aan anaga dhisna lacag wixii la helona oo loo diri karo waa in loo diro si Soomaaliya dib loogu dhiso.

Dowladiisu xiligay ka talinaysay Puntland labo jeer ayaa marna la amray in la ixiro marna ay ciidamo Su’aalo iweydiiyeen, cabdulaahi said samatar oo wasiir amni ah ayaan isfahmi weynay kadib markii dowladdu ka xanaaqday wareysi aan qaaday, Laakiin cade muse markii aan la hadlay wuxu si cad u sheegay sababta ay wareysigaasi u diidanyihiin.
Xiligii la isu diyaarinayay doorashadii Puntland 2014kii, markii hogaanka dhaqanka ee Puntland dhowr kala noqday oo meelaha qaar la siyaasadeeyay, oo dhowr gole loo kala fadhiistay, Cade muuse oo ka hadlaya dhaarintii Baarlamaankii 2014 waxaa uu ka jawaabay sababta siyaasiyiintu ugu tegi wayeen kulamada odayaasha dhaqanka wuxu yiri “Waxaa tiraahdeen odayaasha looma tago, Afar gole baa furteen ee golehe tagnaa?” hadalkasi qofna kuma dhicin , laakiin cade ayaa siyaasiyiinta uyiri .
Waxyar kahor intaanay bilaaban doorashadii 2014 Cade muuse oo siigelaya hoolka Baarlamaanka ayaan dareenkiisa weydiiyay , waxaa uu ii sheegay 2009kii in uu xilka wareejiyay maantana uu diyaar uyahay in uu daawado sida la isugu sii wareejinayo xilka madaxweynaha Puntland.

Hadii aad dib u fiiriso markii la kala guulaystay ee uu soo baxay madaxweyne Gaas , Khudbadii Cade Muuse waxaa uu amaanay Puntland oo uu sheegay in lalaha wey burburaysa laakiin uu mar walbo aaminsana in ay marxaladaasi dhaafayso, hadalkiisa ugu danbeeyayna Cabdiweli gaas ayuu ku yiri “Cabdiweliyow wax badan ayaa sheegtay waa qabanaya ee waa lagaaga fadhiya”.

Intaan hortaagna isagoo hadlaya waxa ugu badan ee uu ka hadli jiray waxay ahayd midnimada Puntland, kheyraadka sida shidaalka iyo xiriirka Puntland la leedahay Soomaalida kale iyo wadamada dibadda , waxaa hal heys u ahayd dad “wax la arko” oo la micno ah wax walbo isagoo diidan in uu wax ka tago ama laga tabto.

Tariikhdiisa intaan ka hayo:-

Maxamuud Muuse Xirsi (Cade) oo ay hooyo utahay Naado shire waxaa uu ku dhashay Muqdisho sanadkii 1937kii, halkaasi ayuu ku bilaabay aqoontii diiniga ahayd iyo qur’aanka , waxaana uu dugsiga sare waxbarashadiisii qaatay intii udhaxaysay sanadihii 1954-58dii, kadibna 1959-61dii waxaa dalka talyaaniga loogu diray kuliyad ciidan oo ah layli sarkaal.

Sanadkii 1962-63 Cade muuse waxaa uu isla dalka Talyaaniga ku qaadanayey kuliyada sharciga, sanadkii 1967-69 waxaa loogu daray kuliyada sharciga saraakiisha ciidanka. Sanadkii 1975-76 waxaa uu dalka Ruushka uu u aaday kuliyada Istaraatijiyada ciidamada.

Shaqooyinka uu soo qabtay:-

1963-65tii isagoo sarkaal ah ayuu kusoo laabtay dalka waxaana uu noqday Xoghaya Taliyaha Cidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.
1965-67 Waxaa uu noqday Taliyaha ururka Horseed
1970-72 Waxaa uu noqday Taliyaha qaybta 21aad ee ciidamada xooga dalka.
1972-73 waxaa uu noqday Taliyaha Hogaanka Tababarada Ciidamada xooga dalka .
1974-75 Waxaa uu noqday Gudoomiyaha Gobolka Sanaag.
1976-78 Waxaa uu noqday taliyaha ciidamada safarada soomaaliya ee Kenya
1978-79 Waxaa kaaliye taliye uga shaqeynayey dalka China
179-81 Waxa uu ka midnoqday masuuliyiinta safarada Canada u joogta Soomaaliya.
Wuxuu kasoo midnoqday saraakiishii SSDF .

Markii dalku burburay AHUN Cade muuse waxaa uu noqday dadka qurbaha ku nool , waxaa markii danbe kusoo laabtay Puntland 2002dii waxaa uu ka qaybgalay arimihii uheshiisiintii AHUN Cabdulaahi Yuusuf iyo Jabhadii JPP, 2004tiina waxaa ka shaqeynayey dib shirkii dib uheshiisiinta iyo doorashadii Soomaaliya.

2005-waxaa uu noqday Madaxweynaha Puntland kadib markii uu 35cod kaga guulaystay Madaxweynihii talada siihayey xiligaasi Maxamed Cabdi Xaashi oo helay 30 cod.

2005-2008 AHUN Cadde waxaa uu ahaa Madaxweynaha Puntland waxyaabaha lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah mashaariicda macdan baaris oo uu sameeyay, hirgelinta maxjaro , doorkii uu ka qaatay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso iyo in uu ahaa shakhsi jecel in uu iskuwado dadka oo dhan.

08-02-2017 ayuu ku geeriyooday Imaaraat-ka oo uu mudo ku xanuusnaa , waxaa uu ifka uga tegay 4caruur ah oo ah labo wiil iyo labo gabdhood iyo hal xaas.
Maalint Talaado ah ayaa aas qaran loogu sameeyay Boosaaso Alla ha’unariisto , dhamaana umada Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa samir iyo iimaan alla ha kasiiyo.

Mahadsanid Inaad Akhrisay qoraalkayga.

4 comments: