Sunday, 31 July 2022

Ileys Bulsho ayuu ahaa. (AHUN Prof. Cabdirisaaq Xuseen Xasan)

                                   
Qofka u yaqaanay si wanaagsan, la kulmay ama kala shaqeeyay arrimaha bulshada iyo dadka uu soo saaray ayaa garan kara in Alle ha u naxariistee Prof Cabdirisaaq Xuseen Xasan oo aynu maanta weynay, uu ahaa Ileys Bulsho oo wakhtigiisa iyo aqoontiisa geliyay si loo helo Kalkaaliyeyaal iyo dhakhaatiir Caafimaad, taas oo ah shaqo aan sahalneyn. 

Dhowr jeer ayaan kula kulmay xarunta Jaamacadda Caafimaadka Boosaaso, oo uu isagu aasaasay maamulayayna, 2007-dii maalin ka mid ah maalmaha waxaa uu ii sheegay in Caafimaadku yahay waxa ugu muhimsan oo Bulsho u baahantahay, hadii aan la helin xarun soo saarta Kalkaaliyeyaal iyo dhakhaatiir ay adkaanayso in wax laga qabto baahiyaha Caafimaad ee dalka ka jira. 


Hamigaasi ahaa in uu Bulshada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyaba uu wax badan ka dhiso dhinaca Caafimaadka wuu ku guuleystay, gabdho iyo wiilal badan oo xaruntiisa kasoo baxay maanta waa kalkaaliyeyaal, dhakhaatiir iyo kuwo gacanta ku haya arrimo caafimaad.


Maskaxdaada bal dib u weydii, dadkaasi la soo baray Caafimaadka, imisa Qof oo inaga mid ah ayeey anfaceen? caawiyeen? ama marku xaalad Caafimaad dareemay u tegay oo ay u adeegeen, waa tiro maleh. 


AHUN Prof Cabdirisaaq waxbarista kama billaabin Puntland, Balse burburkii kahor wuxuu Bare kasoo noqday Jaamacdii Lafoole, isaga  markii danbe noqday madaxii Kulliyada  luuqadaha ee Jaamacada Gahayr, gaar ahaan madaxii luuqada Carabiga, mar walbo iyo meelwalba wuxuu u taagnaa in uu soo saaro jiil anfaca dalkiisa iyo dadkiisa.


Alle waxaan uga baryayaa in uu danbigiisa dhaafo, janadana uu hoygiisa ka dhigo, ehel, saaxiibo iyo bahda Caafimaadkana uu samir iyo iimaan kasiiyo, Aamiin.


Friday, 13 May 2022

Doorashada Madaxweynaha JFS


Maalin Berito la mid aheyd Arbaco 8 Feb 2017, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo u tartamay Xilka Madaxweyna JFS wuxuu helay 18 cod, xiligaasi wuxu tartameyay isagoo soo noqday Xildhibaan iyo Wasiirka Qorsheynta XFS. 


Berito oo Axad ah 15 May 2022, MD Siciid Deni wuxuu isla xaruntii Teendhada Afisyooni ugu tartamaya xilka Madaxweynaha JFS, markaan waxaa uu tartamaya isagoo saameyn ku leh Soomaaliya dhinac walba, Ah Madaxweynaha Puntland oo soo qabtay shaqooyin aan hore looga qaban Puntland sida Doorasho Qof iyo Cod ah iyo isaga oo doorweyn kulaha Dalka in marxaladda kala guurka laga soo gudbiyo oo Doorasho dhacdo. 


Waa labo maalin oo ay u dhexeyso 5 sano, wakhtigu wuxuu Madaxweyne Deni siiyey fursad uu kusoo bandhigay hoggaamintiisa wanaagsan ee waxqabadka Puntland iyo arrimaha Federaalka sida illaalinta Nidaamka Federaalka isku wadka DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo ka hortagga caqabadihii Doorashadda loo dhigay. 


Hadda Madaxweyne Deni, wuxuu isla teenadhada tegayaa isaga oo ay garbaha ka joogaan saaxiibo badan oo siyaasadeed, la wadaagay qorshe siyaasadeedkiisa Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS, huwan Rajada shacabka Soomaaliyeed oo doonaya in ay codeeyaan mustaqbalka dhow, qofka keliya ee ay fursadaasi ka arkaana uu yahay Madaxweyne Deni oo hore ugasoo qabtay Puntland. 


Waxaan ka rajeynaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, in ay Madaxweyne Deni ku dooranayaan Qorshihiisa siyaasadeed ee uu soo bandhigay ee wata cadeymaha waxqabad ee lasoo tijaabiyey, waayo waxa ugu weyn ee dalkeenu u baahanyahay waa amni, adeeg Bulsho iyo dadku in ay codeeyaan oo awooda shacabka loo dhoweeyo. 


Guusha aynu sugeyna waa mid casharo badan oo siyaasadeed laga qorayo! Insha’allah.

Friday, 4 February 2022

Sheeko Carruurnimo: Garsoorihii Kubadda ee Lacagta nagala cararay!



Waxaan arkay garoonkii kubadda aan ku ciyaari jirey ee ku yaalla beeraha u dhow Airport-ka Boosaaso, waxaan soo xasuustay. Anagoo galab kubad ku ciyaarayna lacag -lacag ah, waxaan ahayn labo kooxood oo koox kasta ay tahay 8qof, qofkastana bixiyey 1000 Shillin oo Soomaali ah.

Garsoorihii xiligaasi waxaa loo dhiibay 16kun oo Shillin Soomaali ah, waxaa uu isagu leeyahay 4kun oo Shillin, inta kale waxaa heshiisku ahaa in lasiiyo labadayada kooxood tii badisa.


Garsoorihii xiligaasi waxaa loo dhiibay 16kun oo shilin soomaali ah, waxaa uu isagu leeyahay 4kun oo shilin soomaali ah. inta kale waxaa heshiisku ahaa in lasiiyo labadayada kooxood tii badisa.


Ciyaartii waxay socoto , qaybtii danbe ayaa la gaaray hal gool ayaa nalagu leeyahay, qoraxdu waxay kusii dhowaatay godkeeda, garsoorihii oo aan xasuusto inuu ahaa wiil lodkayaga ahna mar walbo waxaa uu kusii dhowaanayey goolka kooxda naga soo horjeeday oo dhinaca magaalada naga soo xigtay.


Goor aan la nimi goolkii barbardhaca , Laakiin uu naga muuqdo dadaalka nagu jira labadayada kooxood , ayaa halmar waxaa lacagtii la cararay wiilkii garsooraha ahaa. waxay noqotay in kubadii iyo dharkii meesha looga yimaado oo hal mar labadii kooxood wada baacsadaan wiilkii.


waxaa la wata funaanadaha kubada lagu ciyaaro iyo saraawiil aan ruuga gaarin , dadka badi kabo mawataan , kuwo hal kab oo dacas ah baywataan kuwa ugu fiicana labo kab oo dacas oo laga yaabo inayna islaheyn , ama ka kabanyihiin bay xiranyihiin.


Sidii loo baacsanayey magaalada la isla soo galay, anigu waxaan ku jiray kuwii baacsaday ilaa laga soo gaaray xaruntii filimaanta lagu daawan jiray ee (Shareera). Goortii laga hari waayey ayuu bilaabay intayadii soo gaartay iyo isagu inaan qaybsano lacagta, kadib waxaa rooti iyo cabitaan looga casheeyey Meheradii Carafaat ee u dhoweyd Shareera- iyo xaruntii filimaanta Hindiga ee Hilaac.


Casho fudud kadib anagoo boor , dhidid iyo qaan-jeer leh ayaan wada fariisanay xarumihii filimaanta, Dharkii iyo kubadii meel laguma sheego , cagaha wa la qarinaya iyagoo boor-badan madama aan kabo la wadan , filimka hor-dhaciisa ayaa la bilaabay xaafadihii looma laaban karo. sidaasi baa habeenkaasi lagu qaatay.


Waxaan u arkay inay fiicantahay in mararka qaar maskaxda dib loo celiyo , oo laxasuusto yaraantii , saaxiibadaydii reer bosaaso ee arimahan ku dhaceen iyo kuwii habeenkaasi nala socday xiiso gaar ah ayeey sheekadan u leedahay.


Hada ka heshay la wadaag saaxiibada , ama u yeer qof sidani ku dhacday.


Mahadsanidin.


Maalintaan Cagacadaa!

Anigoo ilmo yar ah oo iskuul bilow ah dhigta, ayaa kabihii iga lumeen maxasuusto iyo in la iga xaday, Laakiin waan qariyey ma u sheegin hooyo iyo dadka xaafada in kabihii lumeen, subaxdii ayaa la bilaabay in Iskuulka la’aado.

Intaan lebistay ayaan caruurtii ugu horbaxay, waxaan tegay iskuulkii aniga oo Cago-cad (kabo-wadan), ardeyda oo saf ku jirta ayaan galay safkii ugu ciriiri badnaa si aan ugu dhex qariyo kaba-la’aantayda, inta la taaganyahay labada lugood oo boodh ah ayan marba mid tankale dul saarayey.

Markii la galay class-ka waxaan fariistay meeldanbe aniga iyo wiil kale, markaan yaraa waxaan jeclaan jiray inaan mar walbo su’aal weydiiyo macallim-ka ama wixii aan fahmi waayo weydiiyo iyadoo ardeyda dhan maqleyso, laakiin subaxdaasi waxba ma weydiin sababtoo ah marabin in la’istaajiyo oo kadibna la ogaado inan kaba-la’aan imid.

Casharkii oo dhamaad ah ayaa macallim-kii yiri adiga maanta maxa ku aamusiyey Jaamac, oo intuu sabuurada fiiriyey wuxu farta ku fiiqay xisaab meesha ku qorneyd oo yiri sheeg maxay noqonaysa jawaabta xisaabtaasi? Sidii in la iwada arkey ayaa hadal igasoo bixi waayey, Balse aamuskayga ayaa sababay in uu macallimka dhaho istaag halkan imow.

Talo ayaa markaasi igu cadaadatay, waxaan u istaagay si caajis ku jiro iyadoo ardeyda dhan isoo fiirinayso, ardeygii igu xigay ayaan lugta lugta ugu dhuftay oo si hoose ugu iri “Saaxiib Kabaha iidhiib, waa kusoo celinayaaye” waxaan rabay inaan sabuurada ku tago oo xisaabta kasoo shaqeeyo kadibna kabihiisa usoo celiyo, laakiin wuu igu adkeeyay oo ima siin sababta ma xasuusto? Macallimkii ayaa dhowr jeer kor u hadlay, illaa markii danbe uu arkay inaan kabo wadan.

Anigu waan cabsanayey, Balse macalimka marku lugahayga arkay wuxuu bilaabay in uu dhaho ha la istaago oo halmar Jaamac haloo sacabtumo, ardeydii wiilal iyo gabdho waa istaageen xoog ayeey u sacbiyeen, iyaga oo weydiin sababta? Macalimka ayaa kadib yiri fariista, waana lawada fariista , xitaa anigu waan iska fariistay.

Wuxuu ardeydii macallim-ku ku yiri Jaamac kaba- la’aan ayuu iskuulka yimi sababto ah casharka si uusan u dhaafin, ardeyda qaarna waxay doonayaan in ay sameeyaan sababo badan oo ay ku maqnaan karaan! Aniga halmar lugahaygii lasoo fiiriyey gabdhihii yaryara inay  igu qosleen markasi ma jeclaysan. 

Xaafadda markan tegay ayaan maamo uga sheekeeyey xaafadii  oo dhan wa la qoslay, waxaa Hooyo isoo gaday kabo cusub, subaxdii danbe waxaan imid iskuulkii iyado markii aan meel fog kasoo muuqday dadka dhan lugahayga fiirinayeen mise kabo cusub wataa.

Labo bil kahor ayaan labadayda Hooyo iyo walaalo Boosaaso ku kulanay markii qof walba ka sheekeeyay waxyaabaha uu xasuusto caruurnimadiisii, khaladaadka waalidka laga qariyo iyo sheekooyinka qosolka leh ee lala kulmo, ayaan anigu dhacdadan xasuusiyey, qosol walaalo, caruurta adeerka u ahay iyo xitaa anigii baa qoslay marka xasuusto.


Adigu maxaad ka xasuusata Iskuulkaagii, khaldaadka ka dhaca iyo caruurnimadii?

Thursday, 3 February 2022

HOOYADII WARBAAHINTA PUNTLAND : AHUN YURUB MINADAAR.

2006-dii Anigoo weriye madax-banaan ah markii aan go’aansaday inaan ku biiro xarun Warbaahin waxaan kasoo billaabay SBC Boosaaso, waa meeshii iigu horeysay Warbaahin aan si rasmi ah ula shaqeeyo, waxaa adkaatay in hore la’iishaqaaleeyo da’dayda oo yareyd awgeed. Dhowr mar ayaan kusoo laabtay oo ka laabtay natiijo la’aan, Balse waxaan ku shaqo galay markii danbe damiin, waxaana i damiintay Adeer Maxamed Xaaji Jaamac Cali Bayr (MJ) oo xiligaasi Madax ka ahaa Hay’addii Dandor.


Inkasta oo Imtixaankii Agaasimihii SBC ee xilligaasi Mowliid Xaaji Cabdi oo uu u xilsaaray Maxamed Axmed Ilkacase oo ka mid ahaa xidigaha SBC aan ku guuleystay, hadana shuruudaha la igu xiray waxaa ka mid ahaa in aan saddex-da bil ee u horeysa aan ku shaqeeyo lacag-la’aan, waan aqbalay oo taasi culays iguma noqon waxaan u arkayey fursad aan kusoo bandhigi karo qofka aan ahay. 


SBC waxaa leh Mudane Cali Cabdi Awaare oo Markaasi ahaa Wasiirkii arrimaha Gudaha iyo horumarinta Reer Miiyiga ee Puntland, waxaa iyana door muhim ah ku laheyd ogaaanshaha xaaladda Idaacada Marwadiisii Alle Ha’unaxariisto Maamo Yurub Jaamac Miradaar oo maanta (3 February 2022) ku geeriyootay Turkiga.


Maalmihii koowaad ee shaqadayda cusub waxaan ku billaabay in aan shaqeeyo wakhti dheeri ah, buuxiyo meelaha bannaan, ka qeyb qaato Barnaamijyada kala duwan heeggana aan ku ahaado mar walbo xarunta, halgankaasi shaqo siweyn ayeey iigu Gacan qabatay AHUN Maamo Yurub Jaamac Miradaar, waxaana ula mid ahaa caruurteeda, Waana Hab-hooyonimo oo ay dhammaan usoo caawisay Shaqaalaha markay cusbaayeen. 


Labo Bilood Markii aan shaqada joogay waxaa la qabtay qiimeyn lagu sameeyay dhammaan Shaqaalaha oo lagu ogaanayay Weriyaha ugu wanaagsan SBC, Go’aankaasi waxaa looga dhawaaqay Shir jimcaha ay isugu iman jireen Maamulka iyo Shaqaalaha SBC, waxaa shirka nagala qeybgalay Mulkiilaha SBC Mudane Cali Cabdi Awaare iyo AHUN Marwadiisa Yurub Miradaar. 


Agaasime Mowliid Xaaji Cabdi ayaa warbixin soo gudbiyay Kadibna wuxuu la wadaagay Shirka, in aan noqday weriyaha ugu wanaagsan qiimeynta la sameeyay. Intaasi kuma harin wuxu ku daray Abaalmarinta Jaamac waxaa ku dhawaaqaysa Marwo Yurub Miradaar.


Waxaan xasuusta subaxdaasi in AHUN Yurub Miradaar intay istaagtay ay tiri, Jaamac Dabaraani waxaa lagu Abaalmarinaya in loo billaabo Mushaharkiisa iyo in uu tababar u aado dalka Jabuuti Kaasi oo dhici doona Bisha Soo socota, dhammaan waxaa halmar sacbiyay maamulkii iyo Shaqaalihii, waxaana Bishii u horeysay la’isiiyay mushaharka oo ahaa hal Milyan oo Shillin Soomaali ah. 


Tobabarkii Jabuuti wuxuu kusoo aaday 2007, Waxaana ka mid ahaa koox weriyayaal Soomaaliyeed ah oo xiligaasi lagu tababaray in ay bartaan sida loo tebiyo wararka Colaadaha (Conflict Reporting), markii uu tababarka dhammaaday waxaan sii joogay Jabuuti anoo kasoo waramay sanad-guuradii 30-aad ee xornimada Jabuuti, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii xiisahalaha Aroos Wadareedkii loo sameeyay 30-ka qoys.


Markaan soo laabtay Shaqadii halkii ayaan kasii waday, waxaana kusii darsaday SBC inaan noqdo Weriyaha Idaacadaha BBC iyo Hornafrik Muqdisho, in aan horumar degdeg ah sameeyo Iyadoo culaysyo shaqo jiraan AHUN Maamo Yurub Miradaar marwalbo waa nagu garab taagneyd.


17 December 2007: Waxay AHUN Yurub Miradaar illa qeybsatay Mid ka mid ah culeysyadii iigu horeeyay ee iigu yimaada, waxaan BBC kasii daayay warbixin xasaasiyad abuurtay oo la xiriirta Kalfadhigii 19-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo looga hadlay xaaladda Laascaanood iyo 30 Cisho oo Baarlamaanku u qabtay AHUN Madaxweyne Cadde Muuse inuu kusoo celiyo Laascaanood oo dhammaatay


AHUN Maamo Yurub, waxay aragtay anigoo taleefan igusoo dhacay oo qeybta Idaacada kala soo baxay oo meel dhexe taagan, oo la hadlaya Madaxweynihii xilligaasi AHUN Cadde Muuse, markay aragtay inaan arrin iska barriyeelayo oo Madaxweynaha ka qancinayo, ayeey Ii timid oo i weydiisay waxaan la wadaagay xaaladda jirta markiiba door muhim ah ayeey ka qaadatay. Wasiir Cali Cabdi Awaare ayeey arrintu gaartay wuxuuna la hadlay Madaxweynihii culayskaasina halkaasi ayuu ku dhammaaday. 


26 December 2007, Aniga iyo Agaasime Mowliid Xaaji Cabdi waxaan kusoo daahnay xaruntii laga afduubtay labo Shaqaale ah oo ka tirsan MSF, waxaa la gaaray wakhtigii Warka AHUN Marwo Yurub waxay nala soo hadashay dhowr jeer iyadoo degdeg u xalisay Matoorka Idaacada in la daaro madaama Korontadu ay maalintaasi maqneyd, waxay noqotay inaan dhakhso usoo baxno, gaariga ayaa agaasimahu xoog u kexeeyay Boosaaso oo duhurkii mashquulka caan ku ah si aan warka uga gaarno. 


Waxaan tagnay xaruntii Idaacada iyadoo labo daqiiqo ka hartay 01:30 xilligii warka duhurnimo oo lawada sugayo, shaqaalihii kalena ay shaqooyin iyo safaro ku maqanyihiin. AHUN Maamo Yurub waa na dul taagantahay waxay ka welwelaysay in warka baaqdo ama aan weyno waxa sheegno waayo labadayadaba haddaan soo galnay.


Si xaalad degdeg ah oo aysan cid walbo sameyn karin ayaan warka ku galnay, waxaan adeegsanay codadkaan wadanay ee la xiriiray Afduubka, Kadibna waxaan isha sii marinay waxii kale aan heli karno, waxaan xasuusta in warar ku qoran English aan ka akhrineynay Internet -ka anagoo ku hadlayna Soomaali, Balse ishu-akhrinayso English. 


SBC waxaa kasoo shaqeeyay dhallinyaro badan oo wiilal iyo gabdho leh, dhammaantood waxay AHUN Maamo Yurub u ahayd hooyo caawisa xiliga Addag iyo kan wanaagsan, dhammaan inta hadda ka shaqeysa iyo kuwa ka aflaxay ee xarumaha kale u shaqeeya iyo kuwa sidayda siyaasada iyo mihnadaha kale galay, waxay u hayeen Maamo Yurub Ixtiraam weyn.


Ugu danbeyn waxaan tacsi u dirayaa Adeer Wasiir Cali Cabdi Awaare, Eheladii iyo Qoyskii Marxuumada Yurub Miradaar, Maamulka, Shaqaalaha iyo dhammaan dadkii aan kasoo wada shaqeynay SBC . Dhammaanteen Samir iyo Iimaan, Marxuumada alle ha janeeyo Aaamiin.

Wednesday, 6 January 2021

Xasuustayda: AHUN Axmed Cabdi Nuur.

Markii iigu horeysay waxaan is maqalnay 26-kii December 2007 xili barqo ah anigoo  BBC Laanta Af-Somaliga ugasoo waramayey Boosaaso, AHUN Axmed Cabdi Nuur wuxuu  maalintaasi igala shaqeynayay warbixinta Afduubkii Loo geystay Labo ka mid ah Shaqaalihii MSF uga howlgeli jiray Boosaaso.


Waxyar kadib markii aan xaqiijinay in Afduubku dhacay waxaan booqanay goobtii falku kadhacay, waxaa i weheliya Agaasimahaygii SBCTV/Radio oo aan ka tirsana Mowliid Xaaji Cabdi, intaan joogay halkaasi waxaan Wareysi la yeeshay Shaqaalihii xarunta, qoysaskii MSF caawin jirtay iyo Saraakiisha laamaha amniga ee Puntland.


Shaqo dheer kadib waxaan kusoo laabanay xarunta SBC anagoo kasoo daahnay in wararka Idaacada aan xili hore soo saarno, balse madaama warka u weyn ahaa maalintaasi Afduubka dhacay, waxaan go’aansanay aniga iyo Agaasime Mowliid inaan warka korka kawada akhrino si talantaali ah iyadoo aysan waxba noo qorneen.


Si aan kala go’laheyn ayaan isula mugaabinay warka, codadka dadka aan wareysanay ayaa xaalad degdeg ah looga saaraya Firdhiyaha, Xooggaa markaa hadalka wadnoba  waxaa nalala soo gaaraya warqad uu ku qoranyahay war cusub, oo ku qornaan kara Soomaali ama English aad indhaha ku turjumayso si aad dadka Soomaali ugu sheegto waxa warqada ku qoran, sidaasi oo ay tahay waxaa isna isugaya AHUN Axmed Cabdi Nuur oo diyaarinaya si aan u bilowno wareysi xiisaleh.


Warka SBC wuxuu dhammaan jiray kahor intaan BBC soo gelin, taasi ayaana ii saamaxday in aniga oo nasan aan hore ka bilowno oo ka gaarsiino wareysi kooban, Axmed AHUN waxaa su’aalihiisa ka muuqatay khibrad weyn iyo tafatir heer sare ah, dhowr maalmood oo kale ayaan kusoo aaday isagoo shaqada u leh oo uu wareysiyo iyo warbixino igusoo duway marwalbo waxaan ka kororsan jiray aqoon hor leh gaar ahaan habka isku xirka warka.


Muddo kadib 2012, Nairobi anigoo subax dhex lugeynaya hotel Sarova Stanley ayuu si kedis ah iigasoo horbaxay AHUN Axmed, oo codkiisu uu ka caansanyahay muuqiisa, halkaasi ayeey noqotay inaan cabaar wakhti ku qaadano, isagu weli wuxuu ka tirsana BBC anigana waxaan la shaqeynayay Somali Channel TV, wakhtigaasi AHUN Axmed wuu dareensana Isbedelka xowliga ku socda ee ku dhacaya Warbaahinta adduunka iyo sida wakhti dhow loogu guurayo warbaahin dhex degan Mobile-ka. 


Alle ha u naxariistee wuxuu Axmed ka mid ahaa weriyayaashii kasoo shaqeeyay Radio Muqdisho kahor intuusan ku biirin BBC 1996, wuxuu ahaa xirfadle wax badan ku biiriyey warbaahinta Soomaalida si aad dhinaca tafatirka iyo dhexdhexaadnimada. 


Waxaan u tacsiyeenaya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah qoyskiisii iyo saaxiibadiisa ay isku mihnada ahaayeen.


Marxuumka alle janadii ha geeyo Aamiin.


Monday, 14 December 2020

Walaalo aan wada dhalan

Sharaf bay ii ahayd inaan Mohamed Ahmed Ilkacase kusoo dhoweeyo Xarunta Madaxtooyada Puntland, waa saaxiib aan isku mihnad aheyn oo soo wada marnay marxalado kala duwan, mar ayaan Puntland iyo Soomaaliyaba ka aheyn labo weriye oo laga yaqaan haddana isku meel ka wada shaqeeya, isku Iskuulna soo noqday, dadka qaar waxay noo yaqaaneen Walaalo aan wada dhalan.


Waa saaxiib aan wakhtigu bedelin kaftama marxalad kasta, leh hal abuur xirfadi ku dheehantahay oo lagu gudbiyo wararka iyo Barnaamijyada. Wuxu marwalbo jecelyahay inuu dalkiisa iyo dadkiisa ku biiriyo wixii doorkiisa ah. 


Ilkacase wuxuu igusoo dhoweeyay Idaacadda SBC oo aheyd xaruntii Warbaahin ee ugu horeysay ee aan kashaqo billaabo, mar danbena waxaan ka wada shaqeynay ETN TV, dalka dibadiisa markaan u baxnay waxaan doorka warbaahin kasii wadnay Kenya xiligaasi oo weriyayaal badan ay halkaasi xarun u noqotay, waa meeshii aan ugasoo biiray Somali Channel TV. 


2013 ayaan Ilkacase ka sagootinay Nairobi isagoo u ambabaxay Canada halkaasi ayuuna sanadihii u danbeeyay ku noolaa, muddo kadib waxaan  isaga iyo Weriye Bulgaaz Abdirizak oo isna nala wakhti ahaa soona wada shaqeynay xiligii boosaaso aan 2017 ku Kulanay Sweden oo Reerku u deganyahay. 


Inkasta oo uu dalka muddo ka maqnaa haddana magaciisu iyo shaqadiisu waxay ahayd mid inala joogta, Wuxuu door muhim ah kasoo qaatay horumarinta Warbaahinta Puntland iyo Soomaaliyaba.


Haddaa kunooshahay Puntland ama si uun u adeegsato Golis Telecom, Ilkacase waa isaga qofka ka dhex hadla taleefanka. Taasi ayaa sababtay in isaga oo sanado dalka ka maqan hadana uu codkiisu baaqi kusii ahaado dhegaha dadka.


Saaxiib Ilkacase kusoo dhowoow Garoowe oo ay kugu danbeysay 2009, xiligaasi oo aynu wada tebinay Doorashadii lagu doortay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, waxaan rajeynaya in fariinta socdaalkaagu sii dhiirigeliyo qurbojoogta dalka kusoo laabanaysa oo qayb ka noqonaya horumarka socda.      
























Sunday, 9 August 2020

Alle ha u naxariisto G/Sare Cismaan Cumar Taliyihii Madaxtooyada Puntland


16 May 2020 : Xilwareejintii AHUN Taliye Cismaan

Alle ha u naxariistee G/Sare Cismaan Cumar Maxamed taliyihii Madaxtooyada Puntland, waxaan is baranay isagoo la shaqeynaya Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo xiligaasi ahaa Wasiirkii Qorsheynta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Laakiin wada shaqeynta ugu wanaagsan waxayna dhexmartay markii aan kawada howlgalnay Madaxtooyada Puntland.

Cismaan wuxuu ahaa howlkar ku wanaagsan shaqadiisa oo daacad ah, ayna  ka muuqatay marwalba masuuliyadda saaran, ma xasuusto mar uu shaqo ka daalay, mana xasuusto isaga oo aan feejigneyn, waxaa uu noloshiisa ku jiray heegan iyo diyaargarow ah inuu dalkiisa iyo dadkiisa difaaco isaga oo marwalbo safka hore uga jira waxkasta oo dalkan lagu difaacayo.

Wuxuu ka mid ahaa Ciidamadii Dowladdnimada geeyay Baydhabo xiligii uu Madaxweynaha Soomaaliya ahaa alle ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuu sidoo kale lasoo shaqeeyey Ra'iisalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, isagoo shaqooyin kala duwan oo dhinaca amniga ah kasoo qabtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dadaal shaqo oo uu muujiyey isagoo ah illaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane siciid Cabdulaahi Deni, wuxuu Cismaan ku muteystay in 14 May 2020 loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland, oo uu runtii shaqo wanaagsan ka qabtay.

Anigu shakhsiyan wuxuu ii ahaa saaxiib wanaagsan oo uusan wakhtigu bedelin, kaftama marka ay ugu adagtahay in la hadlo, wuxuu ahaa dhiirigeliye , hoggaamiye ciidan marmar noqda askari aan waxba dheereyn askarta uu taliyaha u yahay, waayo wuxuu ahaa qof aan isla weyneen.

Alle ha u naxariistee G/Sare Cismaan Cumar Maxamed waxaa uu 1985 ku dhashay baadiyaha magaaladda Doolow, wuxuu Waxbarashadiisii ku qaatay magaaladda Qardho kadibna waxaa uu ku biiray Ciidamada isagoo qaatay tababaro ciidan, ifka wuxuu uga tegay  hal xaas oo haysa shan caruur ah oo mid wiil yahay, hadana xaamilo ah.

Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu janadii fardowsa geeyo, isaga iyo saddex xarigle Axmed Yuusuf Cabdi, waxay geeriyoodeen iyagoo dalkooda ka difaacaya maandooriyaha iyo amni darada.


Wednesday, 22 April 2020

Puntland ma xayirin, badeecadda u socota Gobolada kale.

                          

Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed iyada oo illaalinaysa  xuquuqda macaamiisha ayay qaadatay tallaabooyin ay ka mid yihiin in aan la kaydin karin cunnooyinka asaasiga ah, la kordhin karin sicirkooda , isla markaana cunnadii lagu quudan jiray gudaha Puntland aan loo rari karin degaanno kale si looga sameeyo macaash dheeri ah, iyada oo si xun loo isticmaalayo duruufaha caafimaad ee taagan iyo baahida bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto.

Puntland marna ma xayirin, mana xayiri doonto badeecada dadka Soomaaliyeed kala soo degaan dekadda Boosaaso. Tusaale ahaan Puntland ma xayirin wax canshuur dheeri ahna kuma soo rogin badeecada u socota gobolka kale. 

Taa baddalkeeda xaaladda Caafimaad ee jirta awgeed Puntland waxay cashuurta ka dhaaftay badeecaddaha quutul-daruuriga ah ee kasoo dega Boosaaso, iyadoon loo eegayn meesha ay u socoto  ama Boosaaso ha u socoto ama Beledweyne.

Dadka iyo dawladda Puntland marna kama suuroowdo in ay duruufaha adag ee dalka ka jira u isticmaasho aalad cadaadis kuna dhibaatayso ummadda Soomaaliyeed ee la daalaa -dhacaya cudurrada, colaadda, abaaraha iyo fatahaadaha. 

Sidii dhaqanka u ahayd dadka iyo dawladda Puntland waxay mar walba u taagan yihiin sidii ummadda Soomaaliyeed looga difaaci lahaa aafooyinka, guud ahaanna dib loogu yagleeli lahaa dawladnimada Soomaaliya.

Tuesday, 10 March 2020

Shirka Wadatashiga Puntland (15 March 2020)


Markii uu dalku burburay dadka Gobolada Puntland waxay isugu yimaadeen kulamo iyo shirar kala danbeeyay, rag iyo dumar ayaa shaqeeyey habeeno iyo maalmo, u samray culeysyadii jiray xiligaasi si shirweynihii Puntland u hirgalo, ugu danbeyna waxay natiijadu noqotay dhismaha Puntland oo maanta ah hormuudka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka wadatashiga Puntland ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waa fursad dahabi ah oo ay heleen dadweynaha Puntland, Shalay talo ayaa lagu dhisay Puntland, talo ayaa lagu waday, maantana talo ayeey uga gudbeysa marxalad kasta.

Hoggaamiyeyaasha wanaagsan oo keliya ayaa u ogolaada wadatashi dadweynaha, waayo waxaa badan inta aan fursad talo-bixin dadkooda siin oo jecel rabitaankooda in ay wax ku go’aamiyaan. Sidaasi darteed wadatashi wuxuu marwalbo noqdaa mid miro-wanaagsan dhala.

Ma garan karo sabab looga soo horjeesan karo ma eed loogu yeeli karo Wadatashi ay isugu imanayaan Dadweyne iyo Madaxdooda, waxa aadan sameyn Karin hadii qofkale awoodo mahan in ay ku damaqdo, ama aad u raadiso eed iyo dhalliil! wax wanaagsan haduu yahay waxay ku qurux-badantahay in aad ugu hambalyeeyso oo weliba isku daydo inaa uga dayato.

Madaxweyne Deni fursada watashiga Puntland kuma koobin Masuuliyiinta Puntland xilka ka haya oo keliya, Balse waxaa sidoo kale dadka wadatashiga loogu yeeray qeyb ka ah Masuuliyiinta Puntland ku metela Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo muujineysa in uusan shirku aheyn mid dad-gaar ah , balse uu yahay Shir-weyne reer Puntland oo qofkasta oo masuuliyad ku metela dadweynaha Puntland looga baahanyahay inuu kasoo qeybgalo.

Waxaan u arkaa qofkasta oo reer Puntland ah inuu maanta haysto fursad taariikhiya oo uu door ugu yeesho, ka shaqeeyo , garab istaago ama uu goobjoog uga noqdo Shirweyne Wadatashi oo dadweynaha Puntland iyo Madaxdoodu isugu yimaadeen.

Saturday, 13 July 2019

Hodon Naalaye : Nalkii La damiyey



                                                                                                      


Alla Ha'unaxariistee Hodon Naalaye intaan ka bartay, waxay marwalbo ka sheekeyn jirtay sida ay u jeceshahay inay dalkeeda wax uga bedesho, waxayna aad ugu dadaali jirtay hirgelinta fekradaha ay u aragto in ay waxbedeli karaan.                                                       


Maalmihii ay bilowday Barnaamijkeedii caanbaxay ee IntegrationTv ayaan anigoo ka shaqeynayey SomaliChannelTV  Xafiiska Nairobi, waxaan ka mid ahaa dadkii ka felceliyey hab-tebinta kowaad iyo sida ku wanaagsan, Waxaan Xasuustaa xiliyadaasi in ay wareysatay Weriye Maxamed Ilkacase oo Muddo dheer Aqoon iyo Shaqo naga dhexeysay.


Waxaan u sheegay in Barnaamijyada noocaasi oo kale ah ay tahay door banaan oo loo baahnaa in la buuxiyo si looga shaqeeyo ishdexgalka Bulshada, isku xirka Qurbojoogta iyo Daljoogta iyo in dadka qurbaha jooga ay maqlaan waxyaabaha wanaagsan ee dalka kasocda.


Hodon waxay safaro ku martay Gobollada kala duwan ee dalka, waxayna Yool ka dhigatay in ay soo gudbiso barnaamijyo xambaarsan bilicda, horumarka iyo dhaqanka oo inta badan ay saldhig uga dhigeysay Hal-ku dhigyo cusub , mar ay dhiirigelinaysay dumarka waxay soo shaacsaartay halku dhigeedii caanka noqday ee  #NaagIskadhig.


Waxay Tusaale wanaagsan u ahayd dadka kusoo laabtay dalka ee hadana ka shaqeeynayay in Soomaaliya laga bixiyo sawir wanaagsan, in la dhiirigeliyo Nabada iyo horumarka ka socda meelkasta oo Soomaaliya ah, waxayna haldoor u aheyd si gaar ah Haweenka Soomaaliyeed


Mar ay ka sheekaynaysay waxa ay jeceshay in lagu xasuusto oo dabcan maantaba lagu xasuusinayo, waxay tiri:


"Aniga u jeedkeygu ma ahan in aan caan noqdo oo aan lacag sameeyo ee u jeedkaygu wuxuu yahay maxaad ka tageysa markaad dhimato oo ay dadku kuugu xusuusanayaan, marka inshaallah haddii ay dadku igu xusuustaan in aan ahay qof markasta jecel in dadka Soomaaliyeed ay noqdaan dad walaalo ah oo fahmi kara muhiimaadda waddankeena uu leeyahay".


Hodon waxay ku dhalatay Laascaanood 19760-dii, Iyada iyo qoyskeedu waxay u guureen Canada sanadkii 1984-dii, waxay wax ka baratay Machadka West Humber iyo Jaamacadda Windosor.

Dilkeedu wuxuu Soomaali ula micno yahay Nal- iftiimiyay  oo la damiyey! waana sababta ay dad badan uga hadlayaan kuwo kalena ay Murugadu aamusisay, waxaan dareenka tacsida la wadaagaya Qoyskeedii iyo Qoyska Odeygeedii Wasiir hore Fariid Jaamac oo isna ay isku meel ku dhinteen. Labadooduba waxay ahaayeen hal-door bulsho, Wasiir Fariid wuxuu hormuud u ahaa qorshe lagu horumarinayo in dalka la beerto, oo kor u qaadaya wax soo saarka dalka.

Waxaan rajeynaya in dadka Hodon la mid ahaa iyo kuwa iyada ay baraarujisay ee ay ku hagtay ka shaqeynta horumarinta dalka in aysan isdhiibin oo uusan falkan rajo-dilin, Laakiin ay dhameystiraan halgankii walaashood bilowday si Soomaaliya loo gaarsiiyo meel ay istaahisho.






Friday, 21 June 2019

Abwaan Singub iyo intaan ka xasuusto

Markii iigu horeysay Alla Ha'unaxariistee Maxamuud Cabdullaahi Singub waxaan ku kulanay Garoowe 2008-dii, xiligaasi oo isaga iyo koox fanaaniin ah oo reer Jabuuti ah ay bandhig-faneed uu yimaadeen Puntland.

Waxaan uga sheekeeyay Riwaayadihiisii hirgalay, kuwii aan aadka u daawaday iyo halys wixii aan hadalkiisa ka xasuustay, Alla Ha'unaxariistee Singub wuxuu isna iiga waramay caqabado uu kala kulmay Mareykanka kadib markii uu soo saaray Riwaayadiisii taxanaha noqotay ee Qabyo.

Dhowr jeer ayaan isugu nimi Fagaare isaga oo aad u kaftamaya, Waxaan xasuustaa habeen Marwo Caasho Geelle  oo ahayd Wasiirka  Haweenka ee Puntland, ay Xaflad casho ah u sameysay Madaxweynihii Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf iyo Madaxweynihii Puntland ee Xiligaasi Cadde Muuse Xirsi oo uu goobjoog ahaa Abwaan Sangub, Alla Ha'unaxiirsto saddex-daba.

Wuxuu Abwaan Singub ka sheekeeyay da'ada iyo sida aan looga run sheegin, isagoo kaftan dhex-dhigay AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Gen.Cadde Muuse,  taasi oo sababtay in Madaxweyne Cadde Muuse uu yiraaho "Cabdullaahi Yuusuf weligiis waa iga weynaa", Laakiin Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa markii hadalka la siiyey ku billaabay "Caddow kaama weyneen ee waa kaa darajo sareeyay", kaftankaasi oo uu fure u ahaa Abwaan Singub.

Abwaan Singub wuxuu habeenkaasi xafladda kusoo bandhigay Suugaan ku saabsan Midnimada Soomaaliyeed, iyo wacygelinta jiilka cusub. Waxaan sidoo kale xasuustaa in isaga iyo kooxdiisu ay meesha kusoo gudbiyeen hees ay Puntland uga mahadcelinayaan teegaradii ay siisay Jabuuti, markii ay dirireen Jabuuti iyo Eritrea.

Wixii intaasi ka danbeysay waxaan dhowr jeer ku kulanay Muqdisho, isagoo aad ugu mashquulsan soo nooleynta Suugaanta Soomaaliyeed, Singub oo dhashay 1943-dii ku dhashay magaaladda Dhagaxbuur ee degmada Jarar ee Dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa laf-dhabar u ahaa Suugaanta Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed waxaa ay waayeen Abwaan loolla laabto wixii Suugaan ah, shakhsi ah keyd-nool oo dhinaca dhaqanka ah, furena u ahaa soo nooleynta iyo illaalinta Suugaanta Soomaaliyeed.

Alla Ha'unaxariisto Abwaan Singub, waxaan dareenka tacsida la qeybsanaya Soomaali oo dhan , asxaabtiisii Suugaanta iyo eheladiisii.

Sunday, 21 April 2019

Xirsi iyo intaan ka xasuusto




Alla Ha'unaxariistee Cabdirashiid Maxamed Xirsi waxaan isbaranay isagoo Siyaasada Puntland aan si fiican ugasoo dhex muuqan laakiin loo ogsoonyahay inuu ahaa odeyaashii doorka ka qaatay dhismaha Puntland 1998.

2008-2009 ayaan kula kulmay Garoowe markaasi oo Cabdirashiid uu ku biirayey Baarlamaanka Puntland oo markii danbe loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, xiligii uu Madaxweynaha ahaa Cabdiraxmaan Faroole.

Intuu Xilkaasi hayey waxaa uu laf-dhabar hogaan oo aan qarsooneyn ka ahaa dowladdii xiligaasi ka jirtay Puntland, marka la eego doorkii iyo muuqashadiisii golayaasha lagu gaarayo go'aamada masiiriga ah iyo ka talo bixinta xaaldkasta oo timaada, si gaar ah arrimihii Siyaasada ee u dhexeeyay Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Markii la doortay Madaxweyne Cabdiweli Gaas 2014, Cabdirashiid Maxamed Xirsi culeyskiisa Siyaasadeed wuxuu ku noqday Masuul aan looga fursan labo Wasaaradood oo kala danbeeya, wuxuuna noqday Wasiirka Howlaha Guud marna Wasiirka Kalluumeysiga Puntland.

Waxay ahyed wakhtigii ugu badnaa ee aan toos ula kulmo xiliyo shaqo iyo kuwo sheeko, waxaan xasuustaa doorkii hogaamin ee uu kulahaa Guddiyo wakhtiyo adag kasoo shaqeeyey Puntland, si gaar ah xiliyo ay Puntland ku jirtay dagaalo Siyaasadeed iyo kuwo Argagixiso, sidoo kale ma illowsani inuu qeyb ka ahaan jiray guddiyada horumarinta iyo guddiyada Puntland u qaabilsan soodhoweynta, martigelinta iyo qorsheynta kulamada waaweyn.

Dhaqankiisa intaan ka aqaano wuxuu ahaa nin ku fiican ballanta oo ehlu diin ah, yaqaana wuxuu oranayo hadalka cad marka ay adagtahay in runta la sheego, wuxuu ahaa bulshaawi uu fahmi karo qofkasta iyadoon loo eegayn da'ada iyo mansabka midna.

Wuxuu ahaa nin kaftama markay noqoto, waxaan xasuusta mar aan ka wadahadalnay qof magaciisa ku isticmaala Facebook oo marba wax qora, Isagoo dhoola-cadeynaya wuxuu ii sheegay in uusan laheyn balse ee uu aad ula yaabay sida qofkaasi u jilayo isaga, marba meshu joogo iyo xaalada taagan. Qofkaasi hada maqan wuxuu ciwaankaasi ku sameynayo mar hadii masuulkii laha geeriyoday ma xiraya? mise tolow magaca masuulkale ayuu ku qoranaya?

Alla Ha'unaxariistee Cabdirashiid Maxamed Xirsi shalayto ayaa lagu aasay magaaladda Garoowe, waxaan geeridiisa uga tacsiyadeenaya umada Soomaaliyeed, Shacabka Puntland iyo eheladiisa.

Mahadsanid inaad akhrisay qoraalkayga.

Thursday, 14 December 2017

Maalmahaygii Windesheim University


Maamulka iyo Madaxda Jaamacada Windeshiem University ee dalka Holland ayaan macasalaameeyey kadib markii ay ii dhamaatay fursad wadashqeyn oo aan halkan ku qaatay, Intaan Joogay Holland Khudbaddo iyo doodo la xiriira warbaahinta ayaan ugu yaraan halmar asbuucii halkan kula yeelan jiray ardey qeybtood barta Saxaafada , weriyayaal, kooxo xuquuqul aadane iyo sharci yaqaano.

Shaqada ugu badan waxay na dhexmari jirtay dhowr macalim iyo maamulka oo kasoo kala jeeda Netherland, Germany, Belgium iyo Thailand.  Casharada ugu badan waxay la xiriireen inaan wax kala faa’idno oo anigu u sheego sida warbaahinta Afrika u shaqeyso iyaguna kuwooda khibrada leh ay iiga waraman sida ay Warbaahinta Europe u shaqeyso.

Waxaan ka doodnay caqabadaha mideeya warbaahinta adduunka iyo fursadaha ay is dheeryihiin, Soomaaliya aniga ayaa halkan ku metelayey, waana sababta aan dhegaysi fiican u helayey marka aan ka hadlayo xaalada warbaahinta, madaama dalkeyga uu ka midyahay meelaha weriyayaashu ku shaqeeyaan marxalado adagg.

Reer Europe waxaan u sheegay in adduunka markii hore uu warku ka iman jiray dhinaca wadamada reer Galbeedka anigoo tusaale usoo qaatay Duulaanadii Mareykanka, Hindisihii Germany ee Hitler rabay inuu Europe ku qabsado iyo dagaallkii labaad ee adduunka, waxaan u sheegay in xiligaasi Afrika ay nabad aheyd oo wax soosaarka ku mashquulsaneyd- waxa aan maqli jirney ama la tebin jirayna ay ugu badnaayeen wararka khasaaraha wata ee wadamada reer Galbeedka ka iman jiray.

Laakiin dagaalkii labaad kadib , waxaan u sheegay in Wadamada Galbeedku ay la yimaadeen siyaasad deganaansho oo aysan dalalkooda ugu ogolaan dhacdooyinkii hore kuwo la mid ah, kadib xiligaasi waxa warka uu illaa iyo maanta ka yimaadaa Afrika iyo Asia, sida qaraxyo, dagaalo iyo kacdoono madax lagu tuurayo, idinkuna markiina ayaa na dhegaysanaysaan marna na tebinaysaan, waxaan u sheegay in wararka Galbeedka yaalla ay hada u badanyihiin wararka dadka caanka ah (Celebrity News).

Dooda la xiriirta war-ka aad ayaan ugu dheeraanay waxa war ah iyo waxa aan war aheyn? Waxaan ka hadalnay saameynta warbaahinta Bulshada , sidoo kale waxaan kala faa’idney sida ay u shaqeyn karaan weriyayaasha caqabadaha ku hareeraysanyihiin, xubnaha u dooda xuquul aadanaha iyo qaabka Weriyuhu Bulsho wax uga bedeli karo isagoo aan ka tegin dhex dhexaadnimada.

Inkasta oo dadka Barnaamijkan igula jiray iyo kuwa aan u khudbadeenayeyba ay dhamaan ka yimaadeen wadamo kayga xooga ka degan dhinaca maamulka , waxbarashada iyo horumarka, hadana waxaan aad ugu faraxsana inaan wax u sheegi karo anigoo wax uga sheegaya khibradayda saxaafada, waxa ugu muhimsana waxaa uu ahaa feker isweydaarsi iyo in qofba uu sheego siduu wax u yaqaano, kadibna laga doodo waxyaabaha muhimka loo arko.

Arrinta Soomaaliya oo aad wax la iiga weydiiyey  dadka waxaan u sheegay in Soomaalidu yihiin dad wanaagsan oo haysta dal wanaagsan, laakiin uusan maanta wakhtigu lajirin, sababtoo ah dalkasta waxaa uu soomaray xilli uu burbursana, kuwo dhisana waxa dhacda inay timaado xili ay burburaan, waxaan u sheegay inaan rajo kaqabno maalin uun inuu dalkayagu noo hagaago, taasi oo aan hada fileyno ineysan fogeyn.


Macallimiinta iyo Maamulka Jaamacada iyo saaxiibada warbaahinta ee dooduhu na dhexmareyn, waxaan uga mahadceliyey inay isoo dhoweeyeen si fiicana iisiiyeen door muhim ah oo muuqda si aan wixii aan ku dhaamo ugu sheego iyana iigu sheegaan wixii ay iiga cilmi badanyihiin, waxaan u sheegay inaan Macasalameynayo aniga oo dhoolacadeynaya- sababtoo ah waxaan u rajeeyey inaan isugu nimaadno markale fagaarayaal kale oo adduunka ah iyo goobaha aqoonta warbaahinta.

Saturday, 9 December 2017

Filim-ka “The Pirates of Somalia” waxaa lagu jilay Puntland.

Sanadku waa dhamaadkii 2008-dii Wuxuu filimku ku bilowmaya Jay Bahduur oo ah Canadian asal ahaan kasoo jeeda India oo raadinaya fursad uu ku noqdo weriye caan ah iyo qoraa buug taariikh-da gala, Isagoo Canada jooga ayuu kala dooranaya wadan uu kasoo waramo si uu aduunka isu baro, saaxiibkiis ayaa u dooraya Suudaan, laakiin isagu wuxuu dooranaya Soomaaliya iyo si uu ugasoo waramo arrimaha Burcad badeeda oo uu u arkay inaan waxbadan oo xog ah laga heyn.

Jay Bahduur waxaa uu taleefan ka helaya Maxamed Faroole nin isku sheegay, waxaana uu wargelinaya in ay ogolaadeen inuu Puntland yimaado oo wax ka qoro, Inkasta oo waalidkiis aysan ku raacsaneyn hadana Jay wuu ku qanciyey inuu u safro Soomaaliya, wuxuu soo raacaya diyaarad dad Soomaali ah la saaranyihiin markaasi ayuu ka degaya  magaalo loo ekaysiiyey Gaalkacayo oo uu kula kulmayo Jilaaga caanka ah “Abdi Barkhad” oo metelaya Turjumaan Cabdirasaaq.

Waxaa la geynaya Jay Bahduur Xarun Idaacadeed oo laga metelayo “Radio Garoowe”, waxaa uu halkaasi kula kulmaya Nin dhuuban oo muraayado xiran oo metelaya Maxamed Faroole, Idaacada  barnaamij ayaa markaasi ka socda,  kadib ninka metelaya Maxamed Faroole wuxu wacaya Aabihiis isagoo ku hadlaya Soomaali, waxaa Bahduur loo kaxeynaya Madaxtooyadda Puntland meel loo eekaysiyey, calamada Puntland iyo xitaa sawirada xafiiseed ee ka muuqda.

Halkaasi ayaa loogu geynaya nin xiran Isku-joog Buluug ah oo lagu metelayo Madaxweyne Faroole marka  ninkaasi la isbaro, waxaa uu isna baraya ninkale oo metalaya Omar Faraweyne Taliyaha Madaxtooyadda , Jay Bahduur wuxuu wareysi la yeelanaya ninka metelaya Faroole wuxuu ninkaasi sheegaya inuu Australia uga yimi si uu dalkiisa wax ugu qabto oo u dhiso, wuxuu aad ugu celcelinaya sida ay uga go’antahay ladagaalanka Burcadbadeeda. Wareysigu markuu dhamaado waxaa Bahduur lageynaya guri laga dejiyey magaalo loo ekeysiiyey Garoowe laakiin aan u fahmey  meel ku taala Kenya.

Inta uu filimku socdo waxaa la jilaya inuu Jay Bahduur wareystay Booyaax oo caan ka ahaa Puntland, waxaa uu ka wareysanaya sababta ay maraakiibta u afduubtaan, Booyaax ninka metelaya aad ayuu u difaacaya falalka Burcad badeeda wuxuuna sheegaya inay ahaayeen kaluumaysato lasoo weeraray oo is difaacaysa.

Sheeko uu qoraal iyo maqal ku gudbiyey isagoo Garoowe jooga Jay Bahduur ayaa u gadmi weynaysa kadib waxaa uu isku dayayaa inuu fuulo Markab yaalla Eyl oo uu warbixin kasoo diro, Cumar Faraweyne nin metelaya  oo wata illaalo badan ayaa Jay Bahduur u kaxeynaya Eyl, filimka waxaa lagu muujiyey iyagoo meel dhexe maraya ayeey istaagayaan , waxay ku leexanayaan qabuuro – Way is dul taagayaan oo u duceynayaan,  waxay Jay ku oranayaan halkan waa qabuurii qabiilkayaga “Reer Jarafle” oo aan u fahmey in Jay ka wado “Reer Jalafle” laf ka tirsan beesha Gobolka Nugaal oo ah qabiilka Madaxweynihii xiligaasi.

Filimka waxaa ka muuqda iyagoo baraya “Reer Jarafle” isna uu ka daba leeyahay “Reer Jarafle”, waxay ku oranayaan hadii lagu weydiiyo yaatahay waxaa dhahdaa reer jarafle, markay Eyl tagaan waxaa uu dadka u sheeganaya “Reer Jarafle”, aad baa loogu qoslaya loosoo dhoweynaya bulshada ayuu ka wareysanaya caqabadaha burcad badeeda.

Inkastoo Jay Bahduur isku dayayo inuu fuulo markab la haysto hadana waxaa lagu xirayaa inuu la kulmo nin lagu magacaabo Kumbiyuuter- arrintaasi waa ku adkaanaysa kadibna waa ka baaqsanaya markii ay arrintu ku dhowaato inay isku dhacaan illaalo la socota iyo Burcad badeedu.

Bahduur waxaa uu baranaya haweenay lagu magacaabo Maryan oo metelaysa gabadh qaadka iibisa oo maryan la dhaho lagu sheegay filimka inuu qabay Garaad oo isna caan ka noqday Puntland xiligii Burcad Badeeda, gabadhaasi si fiican ayeey English ugu hadli taqaan, wuxuuna ka iibsaday qaad si ay isu bartaan.

Jay Bahduur maalin isagoo u balansan inuu wareysto Garaad ayuu sii maraya Maryan oo joogta meeshii qaadka wuxuu oranaya qaad fiican iga iibi, yaa u wadaa bay ku oranaysa? Wuxuu oranaya ninkaaga Garaad, waxaa uu weydiinaya waxa uu jecelyahay in laga hadlo marka lala joogo, waxay u sheegaysa dharkiisa in la amaano ama wax laga weydiiyo , sababto ah wuxuu jecelyahay inuu si fiican u lebisto.

Boosaaso ayuu tegaya Jay Bahduur oo aad u cabsanaya wuxuuna ka welwelsanyahay sida ay isu qaabilayaan Garaad balse saaxiibkiis Abdi Barkhad oo jilaya turjumaan Cabdirsaaq ayaa howlaha u sakhiraya, ugu danbeyn  wuxuu kula kulmaya nin metelaya Garaad, meel kuraasta iyo miisaska loo ekeysiiyey kuwa meherada Boosaaso.

Bahduur wuxuu Garaad u sheegaya inuu Tie-giisa fiican yahay wuu weydinaya meeshu kasoo gatay, Garaad ninka metelaya ayaa dhoolacadeynaya oo uga jawabaya, hadana wuxuu wax ka weydiinaya Isku Jooga uu xiranyahay, kadib wuxuu hadyad usiinaya qaad, markaasi ayuu Garaad oranaya halkee ka keentay wuxuu Jay oo welwel ka muuqdo ku jawaabaya suuqa qaadka ee Garoowe, dhowr arrimood ayuu Jay kaweydiinaya Garaad burcad badeeda, laakiin wuxuu Garaad xanaaqaya marku lasoo qaado Booyaax, Garaad ayaa oranaya isku mid manihin Booyaax, kadibna wareysigasi halkaasi ayuu ku ekaanaya .

Intuu filim-ka socdo waxaa dhacaya weerarkii Burcad badeedu ku qaaday markii MV Maersk Alabama ee Mareykanku lahaa, waxaana warbaahinta laga baahinaya in Burcad badeed uu Mareykanku laayey. Jay si dhakhso ah waxaa ugu yeeraya ninkii metelayey Maxamed Faroole wuxuuna ku amraya inuu dalka ka baxo, Jay wuxuu ku doodaya inuu Canadian yahay oo uusan aheyn Mareykan, Laakiin waxaa lagu khasbaya inuu baxo.

Bahduur wuxuu la kulmaya Booyaax kadibna wuxuu Booyaax u sheegaya inuusan weerarkaasi ka danbeyn, markuu guriga tago ayaa Abdi Barkhad u sheegaya in Booyaax la xiray madaama Puntland ay la kulantay cadaadis Mareykanka ka yimid,  Jay wuxuu la kulmaya Maryan gabadhii qaadka gadi jirtay waxayna u sheegaysa in Garaad uu ka danbeeyay weerarka markabka dadka laga dilay dartiisna isaga looga aari doono hadii uusan dalka ka bixin.

Jay Bahduur wuxuu macasalaameynaya Soomaaliya isagoo ka dhoofaya magaaladii loo ekeysiiyey Gaalkacayo wuxuuna ku laabanaya Canada, Laamaha amniga ayaa weydiinaya su’aalo la xiriira Burcad Badeeda, kadibna wuxuu bilaabaya inuu qoro Buugiisa la magac baxay “Pirates of Somalia” oo ah buuga filimkan laga jilay, si fiican ayuu u iibsamaya sheekooyinka , qoraalada iyo muuqaalada uu kasoo gudbiyey Soomaaliya.


Qaabka filimka loo jilay, deegamada la booqanayo sida la isugu ekeysiyey  jabaqda iyo hadalka Soomaaliga ah oo inta badan filimku ku socdo, waa filim wakhti badan la geliyey in la metelo ugu danbeyna waxaa la baahiyey todobaadkan.

*Filim-ka waxaa jilaya  Even Peters oo ah jilaa caan ah, wuxuu metelaya Jay Bahduur oo ah ninka Puntland booqday ee qoray sheekada filim-kan laga sameeyay.

Waxaa filim-ka daawaday oo qoraalkan ka qoray Jama Deperani.

Friday, 8 December 2017

Booqashadaydii Maxkamadda "ICC"

Aniga iyo wafdi aan la socdo oo ka kooban xubno isaga kala yimid wadamo kala duwan oo aduunka ah waxaan booqanay Maxkamadda Danbiyada Adduunka ee International Criminal Court "ICC" oo ku taala magaalada Den Haag, Netherlands.
Waxay ku dhextaala meel biyo ah oo dhismayaasha loo qaabeyey si ka turjumaysa Awoodaha sharci ee Maxkamadda, waa dhowr dhisme oo kan dhexe yahay kan howsha ugu badan qabta marka la eego shaqada fulinta iyo xarunta go'aamada, sidoo kale waxa jira dhismayaal maamul, dabagal iyo kuwo sharci-dejin.
Si aad u heer sareysa ayaa loo illaaliyey amaanka xarunta waxa ugu horeeyey ee naloo sheegayna waxay ahayd inaan la ogoleyn sawir ama muqaal la duubo inta lagu dhex jiro Maxkamadda, dhowr baaritaan oo qeybtood si casri ah loo marayo ayaana ka socda albaabka hore iyo qeybta dhexe.
Dadka ila socday waxay isugu jireen Madaxda Hay'addo taageera warbaahinta, madaxda xafiisyo xuquuqul insaanka ka shaqeeya, weriyayaal iyo qareeno, dhamaana waa koox aan wada qaadanay aqoon kororsi la xiriira warbaahinta.
Waxaa nala socday wiil u dhashay dalka Suudaan, markii la isweydiiyey qofwalba inuu Passpor-kiisa lasoo baxo, ayaan xasuustay in Maxkamaddu raadineyso Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir, waxana si hoose dhegta ugu sheegay muwaadinkii u dhashay Suudaan, hadalkayga iyo waxa kulmay qoladii Passpor-kiisa computer-ka ku fiirnaysay oo arkay oo dhoolacadeeyay.
Markaan gudaha galnay waxaa nala geeyey qeyb loogu talagalay in dadka martida ah iyo kuwa booqashada u yimaada lagu siiyo wixii xog ah ee la xiriira Maxkamadda , sida ay u shaqeyso iyo isbed bedelada ay soo martay.
Waxaa noo waramay William Saint-Mchel oo lataliye sare oo dhinaca sharciga u ah Madaxweynaha Maxkamadda, Emma Fernandez Ruperez oo madax ka ah qeybta dabagal-ka Kiisaska iyo Anne-Aurore Bertrand oo qaabilsan xiriirka dibada iyo Xafiiska Iskaashiga.
Maxkamadda waxaa ku mideysan 124 dal, 33 ka mid ah waa African, 19 waa Asia, 18 waa Bariga Europe , 28 waa laatiin America, 25 waa galbeedka Europe iyo Waqooyiga Mareykanka. Wadamo ay ka midyihiin Soomaaliya iyo Suudaan kama mid ahan Maxkamaddan.
Iyadoo su'aalo la weydiinayo Madaxda Maxkamadda ayaan weydiiyey Emma Fernandez Ruperez, Waxaa ka mid ah in la idinku eedeeyo ina Madaxda Afrika keliya dabagalka iyo xukunka ku sameysaan, arrintaasi sidee u saameysa shaqada aad heysaan iyo kalsoonida Maxkamadda?
Waxay tiri "Waa nala dhaha sidaasi waana maqalna, Laakiin waxaan idiin sheegaya wax walbo oo shaqo ah oo la qabtay ama wadan kasta oo Afrika ah oo Maxkamaddu dabagal iyo go'aamo ka sameysay, waxaan ku sameynay wax kasta dalab wadankaasi ka yimi , wadankasta iyaga soo dalbada in la baaro arrintooda"
Waxaan weydiiyey Soomaaliya arrinteeda muddo waa qasneyd, muddo ayeeyna nagu qaadatay inaan colaad iyo dagaalo kasoo kabano, inkastoo aanan Maxkamadda ka mid aheyn, hadana majirta wado aad kula xisaabtami kartaan hogaamiyayaasha danbiga lagu helo.
Waxay tiri "Waa run Soomaaliya kuma jirto halkan, waxa dhacaya hadana gudaha Soomaaliya uun bey ku egyihiin, marka ma jiri karto qaab aan u wajahno, Laakiin hadii ay soo baxdo arrin kala dhexeysa wadan Maxkamaddan ka diiwaangashan- oo hogaamiyayaashu wadankasi wax ka sameeyaan markaasi oo kale waa la geli karaa kiiska iyadoo loo marayo wadanka Maxkamaddan ku jira ee ay wax kala dhexeeyaan"
Waxaan weydiiyey, Aduunka maanta danbiga ma galaan Madax iyo Siyaasiyiin oo kaliya, waa dhacda in ay awood raadis wax badan u sameyn karaan siyaasiyiin, Laakiin sidoo kale waxaa jira dhinacyo ama hogaamiyayaal iyana wax dila, oo qeybtood xukun raadis ah , waxaa ka mid ah Xoogaga ka dagaalamaya Nigeria , Syria , Ciraaq iyo Soomaaliya - dhinacyadaasi ajendihiina kuma jiraan miyaa, mise idinku waxaa daba gashaan danbiyada Siyaasiyiinta oo qura?
Waxay tiri "Waa sax aduunka danbi magalaan siyaasiyiin oo keliya , sida sheegtay ururo argagixiso, ama kooxo hubeysan ama dhiniacyo kale ayaa jiro, anaguna inta badan tilaabooyin waan ka qaadna balse waxay ku xirantahay wadankaasi inuu ku jiro Maxkamadda iyo inuu soo dalbado baaritaan, mar walbo waxaan wajahna awooda ugu sareysa dalkaasi oo ah dadka masuuliyaddu saarantahay ee Madaxda ah"
Wiil u dhashay Suudaan ayaa weydiiyey gabadhii, Madaxweynaheyga waad raadinaysaan, hadana wuu safra xitaa wuxuu tegay South Africa oo ku jirta Maxkamaddiina lamana xirin, sidee u aragteen arrintasi maxa sameyseen ?

Waxay tiri "Waa run Maxkamaddu waa raadinaysa Madaxweyne AlBashiir, waana la soconay inuu booqday South Africa, waan la xiriirnay dalkaasi oo kala hadalnay arrintaasi, runtii anagu ma u dirno Booliis qofka soo xira, Laakiin Wadamada Maxkamadda ku mideysan ayeey tahay waajibkooda inay xiraan, iyagaan cadaadis ku saarnaa".
Markii aan is xogwareysiga dhameysanay waxaa nalagu casumay inaan dhegaysano dacwad si toos ah xarunta uga socotay, qalabka dhegaha ee wax lagu dhegaysto ayaa qof walba dhegaha gashtay, waxay dacwadu ku socotay labo luuqadood English iyo France , markaasi adiga ayaa doorkaaga leh taa fahmeyso oo ku dhegaysanayso.
Waxyar kadib ayaan kasoo baxnay dacwadii iyadoo nala tusay sida wax u dhacaan , kiisaska dacwada , cadeymaha qaabka loo soo bandhigayo , qareenada doodaya iyo garsoorka siduu u shaqeynayo.
Kadib waxaan macasalaameynay Madaxdii nala kulantay iyo shaqaalihii na caawiyey ee na kala tusayey dhismayaasha kala duwan. waxaa nalagu sagootiyey buugaag iyo qoraalo ka sheekaynaya xarunta ICC iyo siday u shaqeyso iyo taariikhdeeda, sidaasi ayaan aniga iyo saaxiibaday ku dhameysanay booqasho hal maalin qaadatay oo aan ku tagnay Maxkamadda Danbiyada Aduunka ee ICC.
Waad mahadsantahay inaad akhriday qoraalkayga.

Friday, 20 October 2017

Tallo: Qaraxii Zoobe iyo Cududa Shacabka

                                                                   
Shacab iyo Ciidan wada Shaqeynaya
Qaraxii ugu weyna uguna khasaare badnaa ee ka dhacay Soomaaliya ayuu ahaa qaraxii Isgoys-ka Zoobe, wuxuu galaaftay nolosha ku dhowaad 300 oo qof, wuxuu dhaawacay tiro intaasi la mid ah, wuxuu dumiyey dhismayaal, burbur waddo iyo mid maaliyadeed ayuu sabab u noqday.

Nolosha Bulshada Soomaaliyeed wuxuu ku noqday mid aad u taabtay, tacsida iyo tiiraanyadu waxay noqotay mid lawadaagay, ilmada indhaha ka qubanaysa waxay ahayd waxa keliya ee laga-sina gobol kasta iyo degmo kasta, hadii celcelis ahaan si qiyaas ah loo cabiro 3-dii qof dadka Soomaaliyeed qof ayaa ehelkiis, ama saaxiib shaqo, ama qof uu yaqaano qaraxaasi ku dhintay. 

Shacabka Soomaaliyeed falcelinta qaraxan waa ku midoobeen sida wax walbo loo qeybsaday ayaa xitaa Gurmadka Qaran iyo garab istaaga dhibanayaasha loogu midoobey, waxaa meeshaasi ka soo baxday in dhinaca kale marka laga soo fiiriyo qaraxu uu maanta mideeyay Shacabka Soomaaliyeed.

Tallo:-

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay haysataa fursad dahabi ah, waxay haysataa shacab uu mideeyay xanuunka qaraxaasi iyo kuwii la midka ahaa, waa Shacab aan rabin maalin walbo inay qarax ku waayaan dadkooda, Midnimada Shacabka iyo dareenkoodu inuu heerkan gaaro mahan fursad marwalbo la heli karo.

Madaxweyne Farmaajo waxaan kula talinayaa inuu ka faa'ideysto fursadan isku duubnida shacabka, waxaana looga faa'ideysan karaa in lala yimaado siyaasad lagu hago cududa shacabka ee mideysan iyo in loo dejiyo qorshayaal kala horeeya oo dhamaan ay ka dhex muuqdaan guulaha isbedel uu shacabku isagu dareemayo mahan dolwadda! 

Waxaan soo jeedinaya in habka amniga looga shaqeeyo hada wax badan laga bedelo, sida in la sameeyo Guddiyo heer qaran ah oo ilaaliya cududa shacabka iskuna xira Ciidanka iyo dadweynaha, waxaa ka farcami kara guddi hoosaad ka shaqeeya in shacabka qeybtood ay toos ciidanka ula shaqeeyaan iyagoo helaya damaanad xogtooda lagu illaalinayo.

Guddigu magaalo kasta dad ayaa u joogaya waxana ay la shaqeyn karaan ciidamada Federaalka iyo kuwo maamullada, xubnaha Degmooyinka iyo Gobollada jooga shacab ayaa magaalo kasta ciidanka la shaqeynlahaa, waxaan ku tallinlahaa in lasameeyo abaalmarino lasiiyo dadka amniga caawiya kadib waxay magaalo kasta iyo shacabkoodu ku tartami lahaayeen waxa ay qabteen, heerka ay amniga gaarsiiyeen iyo sida ay khataraha uga hortageen, sida ay hada ugu tartamayaan lacagaha Gurmadka Qaran.

Waxaan soo jeedinaya Xarumaha Isgaarsiitna nooc walba iyo Gobolkasta in Dowladda dib ula shirto Hadii uu Madaxweynuhu la kulmo mulkiilayaasha waa kasii fiicantahay, si loo hirgeliyo in la dhegaysto dhaqdhaqaaqyada iyo taleefanada, Qorshaha labaadna waa marka dowladdu la wareegto gobollada hada gacanteeda ka maqan- Shirkadaha in lagusoo rogo in aysan kaadh-taleefan siin qof aan damiin iyo xog sawir laga heyn.

Xarumaha lacagaha lagu keydiyo iyo kuwa xawila iyo adeegyada lacagta danabeysan ee taleefanka la isugu diro waxaan soo jeedinlaha Guddiga heer qaran ee aan hore usoo sheegay in xubno u gaar ah Maaliyadda loogu daro oo ay la shaqeeyaan Wasaarada Maaliyada iyo laamaha amniga, si loola socdo lacagaha taleefanada lagu dirayo iyo kuwa la isugu xawilayo shirkadaha.

Qorshayaashan iyo wixii lagu dari karo oo aad loo turxaan-bixiyey ha la isla dejiyo, iyadoo shacabka doorkooda qadanayaan hana noqoto mid la joogteeyo, yeysan noqon markii wax dhacaan in wax laga jawaabo.

Fursada shacabka waxay ku xirantahay hadba inta ay kasoo wareegto xiligii nabarku gaaray, gees lo'aadna sidiisaba kulaylka ayaa lagu gooyaa, inta ay cusubtay ha laga faa'dieysto shacabka midnimadiisa hadii kale waxaa suuragal ah in xowliga uu ku socdo dareenkoodu uu qaboobo, kadibna ay illoowaan , hadhowtona sheeko uun lagu sheego qaraxii Zoobe, sida hore u dhacday qaraxyadii ka horeeyay.

Alla ha unaxariisto dadkii dhintay, intii dhaawacantayna Alla ha caafiyo .